Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • How serious a threat are Steph Curry's ankle injuries to his career? Call it a tweak or a slip or a mild sprain. But really, call it like it is, time to worry. When Steph Curry folded his ankle against the Pelicans on 4 December, there was concern. Barely a month later,[…]

    Read more...
  • Jordan Bell on sprained left ankle: “I'm good. It's not broken” CHICAGO – The locker room door swung open. Slowly, Warriors rookie Jordan Bell exited toward the arena hallway, the sound of his crutches and walking boot appearing to give both a visual and audio signal of his physical well-being. Two[…]

    Read more...
  • The most significant reason behind the Warriors' success on the road is... The Warriors own the NBA's best record. That's no surprise. But how they got there is. 21-3 on the road? Six home losses? What's going on?

    Read more...
  • Clippers Overcome Late Scare, Beat Nuggets LOS ANGELES — The Clippers (23-21) extend their season-best winning streak to six after beating the Nuggets (23-22), 109-104 Here are five quick takeaways from the Clippers win/loss. 1) Unusual suspects close game — The Clippers flipped the script at[…]

    Read more...
  • LOS ANGELES (AP) Blake Griffin had 20 points and 12 rebounds, and the Los Angeles Clippers held off the Denver Nuggets 109-104 on Wednesday night for their season-high sixth straight win. Montrezl Harrell added 18 points and Lou Williams had[…]

    Read more...

Other sports news

  • January transfer news & rumours: Neymar to headline new Madrid attacking trio Goal takes a look at the biggest transfer rumours from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond as we head into the winter window

    Read more...
  • Manchester United January transfer news LIVE: Bale in talks over Old Trafford move Goal brings you all the latest news, rumours and deals related to the Red Devils as the January transfer window heats up

    Read more...
  • Wenger coy on Aubameyang as Arsenal move for Malcom collapses The Gunners continue to be heavily linked with a move for the Borussia Dortmund striker, but will not be landing the Bordeaux forward in January

    Read more...
  • Leganes v Real Madrid Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Madrid have been struggling up front and we think the well organized hosts can keep the score down in this Copa Del Rey quarter final first leg

    Read more...
  • Burnley v Manchester United Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Our tipster thinks that Jose Mourinho's men will claim all three points without conceding when they travel to Turf Moor in the top flight on Saturday

    Read more...

Faalo:Wasiir Maxaa Heeryadiise cune kaadhigay

Wasiirka ciyaaraha, dhalinyarada iyo dhaqanka ee Somaliland Cali Siciid Ragayl, waxa uu 17-kii bishan soo saaray go’aan uu ku baabiiyey dhammaan xidhiidhadii ciyaaraha ee wasaaradda.

Waxa uu go'aankiisa u cuskaday qodobo uu u daliishanayey baabiinta xidhiidhada oo sannado badan hortii jiray. Waxa uu wasiirku ku dooday in xidhiidhadu aanay aqoonsi ka haysan caalamka, isaga oo hilmaamay in Somaliland-ba aqoonsi haysan oo xidhiidhaduna Somaliland ku hoos ku jiraan. Waxa kale oo wasiirku dallo ka dhigtay inaanay jirin wax sharci ah oo loo maray asaaskii xidhiidhada sida uu sheegay, oo hadda qaar xidhiidhada ka mid ahi jiraan 18 sannaddood, muddada intaa leeg ee ay jireen ma xaaraan iyo sharci-darro ayay ku jireen ayaynu ku tilmaami karnaa? Wasiirka ayaa jawaabta laga doonayaa.

Anigu waxaan ku biiray xidhiidhka ciyaaraha fudud sannadkii 2002-dii, waqtigaas oo aan ahaa orodyahan dhaawacmay oo orodada sii wadi kari waayay. Waxaan ka mid ahaa afartii garsoore ee maamulayey ciyaarihii fududaa ee koobtkii ugu horreeyey ee gobolada Somaliland ee 2002-dii la qabtay. Tan iyo xilligaa waxaan ka mid ah xidhiidhka ciyaaraha fudud mar aan garsoore ahaa iyo mar aan maamulka ka mid ahaa-ba. Laga soo bilaabo waqtigaa ilaa xilligan wax mushahar ah oo wasaaradda ka qaatay may jirin manaan doonan oo maan doorbidin, waxa keliya ee aan doorbiday waxa uu ahaa inaan mar uun arko xidhiidhkayga oo is wada oo dhinac kasta ka dhisan. Waxaana aan la amakaagay oo ii cuntami wayday aramka uu wasiirku ku dhaqaaqay. Waana xidhiidhka ugu wax-qabadka badan xidhiidhada kala duwan ee wasaaraddu leedahay.

Muddadaa ay jireen xidhiidhadu waxay ka soo gudbeen maxaarillo qallafsan oo isugu jiray mid dhaqaale, mid farsamo, mid maamul iyo deegaan. Waxay waqtigan marayaan xilli ay xidhiidhadaasi cagahooda isku taageen, awoodna u yeesheen inay si buuxda u maamuli karaan dhammaan ciyaaraha kala duwan ee Somaliland ka dhacaya. Waxay yeesheen aqoontii, agabkii iyo guud ahaan farsamadii ay ciyaarahaas ku qaban lahaayeen

Qodobada ceebta ah ee wasiirku uu cuskaday go’aankiisaa kala dirista xidhiidhada waxa ka mid ah: “Markaan ogaaday isla markaana aan daraasad qotodheer iyo xog uruurin ballaadhan ku sameeyey inay maamulka ciyaaraha dalku ka horumarsanaayeen intii aan xidhiidhada la asaasin.” qodobkan uu wasiirku adeegsanayo waxa muuqatada inuu toos u baal marsan yahay xaqiiqooyinka jira, maxaa yeelay, xidhiidhada la asaasay 1994-kii ma ciyaaro maamul oo ka horreeyey ayaa jiray ilayn Somaliland-ba waxa lagu dhawaaqay 1991-kii, intii ka danbaysayna waynu ognahay xaalada dalku sida ay ahayd iyo in nabadayn iyo xaalad-dejin lagu mashaquulsanaa. Marka ay sidaa tahay, maamulka ciyaaraha uu wasiirku daraasadda ku sameeyey waa kuwee? Yuuse daraasadda ka qaaday ma cid ciyaaraha muddaa ku soo dhex jirtay mise cid shalay wasaaradda ku soo biirtay oo xaqiiqada jirtay-ba aan warba ka ogayn?

Midda kale, xidhiidha uu wasiirku leeyahay waan kala diray dhamaantood waxay ku yinaadeen doorasho oo ma jiro xidhiidh keliya oo la magacaabay, taasina waxay xidhiidhada ka dhigaysaa in ay wasaaradda wax-qabad ahaan ka madax-bannaan yihiin oo iyagu dejesinayaan qaabka iyo qorshaha wax-qabad ee ay ku hawl-gelayaan.

Wasiir Cali Siciid Raygal, waxa uu ku sifoobayaa wasiirkii ugu go’aanka xumaa ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha soo maraya. Sababtoo ah, waxa uu dumiyey oo uu meesha ka saaray rajo iyo himmilo rumawday oo dad reer Somaliland ahi waqti iyo wax tartaba ku bixiyeen. Waxa uu si dhib yar u wiiqay yididiiladii dhalinyarada reer Somaliland ku taamayeen inay kaga mid noqdaan maamulka wasaaradda ciyaaraha. Waxa uu soof-daran habaabiyey kalsoonidii ciyaaraha. Waxa uu adhax-warareemay madax-bannaanidii maamulka ciyaaraha dalka.

Wasiirka madaxweynuhu u muu soo magacaabin inuu wasaaradda baabiiyo ee waxa loo soo magacaabay inuu sii horumariyo oo wixii ka dhiman ku daro. Inuu baabiinayana waxa markhaati ka ah go’aanka uu ku dhaqaaqay ee uu xidhiidhada meesha kaga saaray.

Marka aan gunaanadka ku soo dhawaado, go’aanka uu wasiirku ku dhawaaqay ee ka dhanka ah xidhiidhada waa saddex arrimood mid ahaan sida aan qabo; inay tallaabadan wasiirka ku kaliftay aqoon la’aan ka haysata muhiimada xidhiidhadu ku fadhiyaan, inay jirto cid doonaysa inay xidhiidhadu meesha ka baxaan oo shaqadooda la wareegto, iyo inuu wasiirku doonayo inuu ku lug yeesho maamulista dhaqaalaha xidhiidhadu ku shaqeeyaan ee ay ku deeqaan hay’adaha iyo ururada wada-shaqayntu ka dhaxayso xidhiidhada.

Taladaydu waxay tahay, wasiir haddii aad doonayso inay ciyaaraha dalku horumaraan waa inaad xidhiidha sidooda u daysaa oo aad ku kordhisaa waxa ka dhimah haddii aad saluugsan tahay. Haddii kale waxaad ogaataa inaad taariikh xumo kala tegi doonto oo baal madaw aad ka geli doonto ciyaaraha dalka ee aad xidhiidhadoodii curyaamisay.

Share
673603