Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Jordan Bell on sprained left ankle: “I'm good. It's not broken” CHICAGO – The locker room door swung open. Slowly, Warriors rookie Jordan Bell exited toward the arena hallway, the sound of his crutches and walking boot appearing to give both a visual and audio signal of his physical well-being. Two[…]

    Read more...
  • Clippers Overcome Late Scare, Beat Nuggets LOS ANGELES — The Clippers (23-21) extend their season-best winning streak to six after beating the Nuggets (23-22), 109-104 Here are five quick takeaways from the Clippers win/loss. 1) Unusual suspects close game — The Clippers flipped the script at[…]

    Read more...
  • Cleveland Cavaliers' Zydrunas Ilgauskas honored with Lifetime Achievement Award at CLE Sports Awards CLEVELAND -- Former Cleveland Cavaliers center Zydrunas Ilgauskas was honored with the Lifetime Achievement Award at the 18th Greater Cleveland Sports Awards at the Renaissance Cleveland Hotel Downtown Wednesday. Selected in the first round of the 1996 NBA Draft, Ilgauskas[…]

    Read more...
  • Clippers hang on to beat Nuggets 109-104 for 6th win in row The Clippers' bench narrowed a 10-point deficit to one heading into the fourth quarter, and Los Angeles hung on for a 109-104 victory over the Denver Nuggets on Wednesday night. Blake Griffin had 20 points and 12 rebounds, Montrezl Harrell[…]

    Read more...
  • Elias Sports Bureau Thompson and Curry reign threes on the Bulls Klay Thompson made seven three-point field goals in a 38-point performance and Stephen Curry made six shots from beyond the arc while scoring 30 points in the Warriors' win[…]

    Read more...

Other sports news

  • Jordan Ayew and Wilfried Bony fire Swansea City to FA Cup fourth round The African stars ensured Carlos Carvalhal’s side progressed to the next round of the tournament after netting a goal each on Wednesday night

    Read more...
  • Morsy scores as Wigan Athletic stun Bournemouth in FA Cup replay The Egyptian inspired the Latics past the Cherries in their FA Cup third round game on Wednesday

    Read more...
  • 'Mkhitaryan will be fantastic for Arsenal' - Neville backs Man Utd exit The former Red Devils star claims that the Gunners could end up "better" for their January deals, with Pierre-Emerick Aubameyang another mooted target

    Read more...
  • What is VAR? The video assistant referee system's World Cup & Premier League future The use of video technology has been a major talking point and promises to remain so over the coming months ahead of the World Cup in Russia

    Read more...
  • Video: Neymar beats entire Dijon team for his hat-trick goal Neymar sealed his hat-trick for PSG with a stunning piece of individual skill, running from his own half and taking on the entire Dijon team

    Read more...

Xaflad balaadhan oo lagu daahfurayey dhismaha ururrka cusub ee AYD oo lagaga dhawaaqay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa

Xaflad balaadhan oo lagaga dhawaaqay daahfurka Acadamiy-yadda hormarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa,waxaama xafladdaasi oo si quruxadan loo soo agaasimay ka soo qaygalay wasiirka ciyaaraha,wasiirka Maaliyadda iyo  horin ka tirsan mudanayaasha

Golaya deegaanka. Iyo dhaliyaro farabadan,wasxaana ugu horeyn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Acadamyadaasi Nimcaan Cabi Cali wadaanu ka warramay maraladii uu dalku soo maray iyo sidii ay ugu guuleysteeninay shacabka reer Somaliland dhistaan maamul iyo nidaam Dawladeed taasi oo horseeday inay Somaliland gaadhay heerka ay maanra marayso.

 

“maanta waxaan ognahay ciyaaraha Somaliland meesha ay maanta marayaan waxaana halkaa soo gaadhsiisay wasaaradda Ciyaaraha” ayuu yidhi Mr Nimcaan Cabdi Cali,dhanka kalana waxa uu sheegay inay Aaska ururkani ka danbeeyeen dhalinyaro si gaara isugu xilqaantay wax ka qabashada arrimaha hormarinta iyo adeegga ciyaaraha ka shaqyan doona.

 

“ururkani waa  urur ka madaxbanaan siyaasadda iyo waxkasta oo ka baxasan arrimaha ciyaaraha” ayuu yidhi Mr Numcaan Cabdi Cali,waxaanu intaa ku daray “maadaama uu dalku hada u socdo xagii hormarka waxaa lagama maarnaan ah inayny hormarino dhalinyarada iyo ciyaaraha” ayuu yidhi balse dhankak kale waxa uu sheegay inaysan waxbadan qaban Karin iyaga oo la jaan qaadaya marxaladda uu mararyo dhaqaalaha Somaliland “muuqaalka Garoonka ciyaaraha Hargyesa uu quruxbadan  yahay balse waxaanu ku haminaynaa inaanu sii hormarino” ayuu yidhi Mr Nucmaan Cabdi Cali.

 

“Garoonka muuqaalkaa aad arkaysaan leh waa kan aanu doonayo inaanu mustaqbalka ka dhisno waqooyiga Hargeysa” ayuu yidhi isaga oo sheegay hadii aan la  meelaynin dhalinyarada faraha badan ee jaamacadaha ka soo baxayaa inay dhibaato ka imandooto “waxaanu ka qayb qaadan doonaa ciyaaraha,waxbarashada waxaanan higsanaynaa inaanu gaadhno meel wanaagsan” ayuu yidhi gudoomiyaha ururrka AYD Numcaan Cabdi Cali.

 

Wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo madashaasi ka hadlay waxa uu ka warrmay qiimaha ay munaasinaddani leedahay,Mr Samaale waxa uu sheegay inay dhalinyaradu u baahan  yihiin inay helaan mustaqbal wanaagsan “munaasibadani waa mid faraxad iyo hididiilo wanaagsan I galinaysa” ayuu yidhi Mr Samaale “dhalinyaradu waxay runtii u baahan yihiin inaynu garab istaagno oo aan waxbadan la qabano” ayuu yidhi wasiir Samaale.

 

“inteena dhalinyaranimada ka waynaatay ama ka sii waynaanaysa waxaad arkaysaa iyaga oo meelahaa cararaya si ay caafimaad  uga raadiyaan ciyaaraha” ayuu yidhi wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale.dhanka kalana waxa uu sheegay inay Axaadiistii Rasuulka CSWS ay kamid ahaayeen in uu ninka Muminka ah xoogga lihi ka khayr badan yahay isla markaana uu Ilaahay ka jecelyahay kan tabarta daran.

 

Dhanka kalana waxa uu sheegay Samaale inay waxbadan la qaban doonaan ciyaaraha iyaga oo u sii marindoona wasaaradda ciyaaraha,waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax [Cismaan waxar] oo ka mida xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa ee dhawaan la doortay waxaanu sheegay tan iyo muddadii la soo doortay inay kugudo jireen daraasad ay ku samaynayeen adeeggyadii ay bulshadu u baahnayd inay jiraan iyo inkale “waxaanu soo gabagabaynay daraasad aanu ka wadnay degmooyinka Hargeysa oo ah inay bulshadu haysato arrimihii bulshadu u baahnayd sida tan aad caawa u fadhidaan oo kale” ayuu yidhi Mr Waxar.

 

Dhanka kalana Mr Waxar waxa uu u duceeyey reerkii bixiyey ee  ku deegay dhulka la doonayo in laga dhisidoono Garoonka mustaqbalka ay dhisidoonto AYD “waa qayb kamida inaanu gacan qabano ururrkano waa qaybkamida waxyaabihii nalsoo soo doortay” ayuu yidhi Mr Waxar waxaanu sheegay inuu wali Garoonkaasi u baahan yahay in dhulkale loo Iibiyo.

 

Cabdi Yuusuf Aar oo ah Gudoomiyaha shrikadda Sagaljet oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay jiraan  ururro farabadan oo marar hore la Aas aasay balse ay nidaam xumu la saqiireen sidaa daraadeed waxa uu soo jeediyey in ururrkani AYD loo shaqaalayso dad sigaara uga shaqeeya oo xirfadoodu noqonto dhanka ciyaaraha “anagu waxaanu halkan ka balan qaadayaa aniga oo ku hadlay magaca shirkada Sagaljet inaanu markastaba a gacan naga helidoonaan” ayuu yidhi Mr Aar.

 

Maxamuud Cali Madoobe [jiir] oo ah xoghayaha Xisbiga Ucid oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa inay mubnaasibaddan xaadir ku ahaan lahaayeen dadweyne intaa ka soo tiro badan gaar ahaan shirkadaha ganacsiga ee aan madashaasi lagu xusin inay ka soo qayb qaateen xafladdaasi "Ciyaaruhu waa salkii nabadda hadii aan loo istaagina waxkalaa imanaya"ayuu yidhi Jiir.

 

balse waxa uu xusay inuu jirio damaaci dad gaar ahi ku doonayaan inay qaataan dhulka Garoonkaasi.waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Ganacsade Xaashi Koosaar oo kamida xubnaha ururrkaasi waxaanu sheegay inay  labo shay mid  uun qurbaha ka yimaadaan dhaqaale ama fikir fiican iyo waayo aragnimo uu caalamkaasi kale ka soo helay,Mr Xaashi waxa uu sheegay hadii la doonayo in dalka iyo dadka wax loo qabto in la hormariyo ciyaraha "aan manta Shulaac Stadium dhisno barina aan midkale dhisno" ayuu yidhi waxanau intaa ku daray "anigu waxaan ku ciyaariray halkan uu hadda ka dhisan yahay Tiyaarka oo loo dhisayo heeso iyo wax qudun ah" ayuu yidhi Mr Xaashi Koosaar.

 

 

 

waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dalladd Sonyo Mr Mubaarak waxaanu ka waramay arrimaha la xidhiidha ururkani cusub waxaanu sheegay inuu ururrkani waxbadan ka badali doono hormarka arrimaha dhalinyarada “xubnaha urarkan oo aan ka garanayo Ragga aad u aqaano oo ahaanjiray xidigii soo gacan qabtay ciyaaraha dalka xiligii hubkadhigista maantana hadii ay markale dib isu soo abaableen xidigii hore waxaa munaasib ah inaynu wada hanbalyeyno” ayuu yidhi Gudoomiye Mubaarak.

 

“hadii aanay dhalinyaradu wakhtigooda ku qaadanin ciyaaraha waxay wakhtigooda ku qaadan doonaan waxyaabo kale oo aan sax ahayn” ayuu yidhi Gudoomiye Mubaarak waxaanu xusay inay Dalladda Sonyo ee uu madaxda ka yahay ay dahwaan wax ka soo saxiixday heshiis caalami ah oo ka dhacay goob uu ka soo qaygbalay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay “anagu ka Sonyo ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu garab istaagidoono ururrkan AYD” ayuu yidhi Mr Mubaarak.

 

 

 

waxaa isaguna madashaasi ka hadlay xildhibaan Ismaaciil Cagayare waxaanu sheegay inuu jaanis badan haysto ururrkani balse dhanka kale waxa uu sheegay inuu Gaadhi ZUZUKI u Iibiyey isaga oo naman ganacsato ah uga qaaday,dhanka kalana waxa uu sheegay fursadaha ay  maanta dhalinyaradu haystaan maadaama ay dhalinyaro farabdaani ka soo bexeen Golayaasha deegaanka “nooduceeya oo ha Odhaninna maxay kuwii hore dhaamaane waxaad noogu ducaysaan in uu Ilaahay halkaa nagu asturo “Mushahar ma qaadano ilaa hadda ee waxaanu qaadanaa waa Gunnoyar waxaanan balan qaadayaa inaan Gudayda ugu horeysa ee bishan ugu deeqi doono ururrka AYD” ayuu yidhi Mr Cagayare.

 

Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo hadashaasi ka hadlay waxa uu sheegay dhibaatada maanta u ggu badani inay haysato dhalinayarada iyada oo laga qiyaas qaadanayo tarada faraha badan ee ku xarasyan jeelasha Somaliland.dhanka kalana waxa uu sheegay Xildhibaan Buubaa in uu ururrkani isutaago wacyigelinta dhalinyarada reer Somaliland  isla markaana ay soo celiyaan “meelaha ugu badan ee dib udhucu inagaga yimid waxaa kamida kobcin la’aanta ciyaaraha ciyaaruhuna waxay gaadheen meeqaamkii  ugu hooseeyey intii ay xukuumadani jirtay” ayuu yidhi Mr Buubaa.

 

Xafladdaasi lagu shaacinayey ururrkaasi cusub ee AYD oo ay hawlihiisu u badnaandoonaan xagga hormarinta ciyaaraha iyo toosinta arrimaha dhalinyarada waxaa xagga dhaqaalaha ka caawiyey shirkadaha Somtel,Shaafici ee dhismaha iyo Sagaljet oo intuba gacan ku lahaa qabsoomidda xafladdaasi halka uu Hotelka Maan-soor ee xafladaasi lagu qabtayna isagu bixiyey kharaashdkii kale ee Hoolka madasha iyo sharaabkii iyo refreshment-gii daanka lagu dhaqaajinayey intii ay xafladdu soconaysay.

 

 

 

 

 

Share
673540