Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • How serious a threat are Steph Curry's ankle injuries to his career? Call it a tweak or a slip or a mild sprain. But really, call it like it is, time to worry. When Steph Curry folded his ankle against the Pelicans on 4 December, there was concern. Barely a month later,[…]

    Read more...
  • Jordan Bell on sprained left ankle: “I'm good. It's not broken” CHICAGO – The locker room door swung open. Slowly, Warriors rookie Jordan Bell exited toward the arena hallway, the sound of his crutches and walking boot appearing to give both a visual and audio signal of his physical well-being. Two[…]

    Read more...
  • The most significant reason behind the Warriors' success on the road is... The Warriors own the NBA's best record. That's no surprise. But how they got there is. 21-3 on the road? Six home losses? What's going on?

    Read more...
  • Clippers Overcome Late Scare, Beat Nuggets LOS ANGELES — The Clippers (23-21) extend their season-best winning streak to six after beating the Nuggets (23-22), 109-104 Here are five quick takeaways from the Clippers win/loss. 1) Unusual suspects close game — The Clippers flipped the script at[…]

    Read more...
  • LOS ANGELES (AP) Blake Griffin had 20 points and 12 rebounds, and the Los Angeles Clippers held off the Denver Nuggets 109-104 on Wednesday night for their season-high sixth straight win. Montrezl Harrell added 18 points and Lou Williams had[…]

    Read more...

Other sports news

  • January transfer news & rumours: Neymar to headline new Madrid attacking trio Goal takes a look at the biggest transfer rumours from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond as we head into the winter window

    Read more...
  • Manchester United January transfer news LIVE: Bale in talks over Old Trafford move Goal brings you all the latest news, rumours and deals related to the Red Devils as the January transfer window heats up

    Read more...
  • Wenger coy on Aubameyang as Arsenal move for Malcom collapses The Gunners continue to be heavily linked with a move for the Borussia Dortmund striker, but will not be landing the Bordeaux forward in January

    Read more...
  • Leganes v Real Madrid Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Madrid have been struggling up front and we think the well organized hosts can keep the score down in this Copa Del Rey quarter final first leg

    Read more...
  • Burnley v Manchester United Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Our tipster thinks that Jose Mourinho's men will claim all three points without conceding when they travel to Turf Moor in the top flight on Saturday

    Read more...

Waxaasi Waa Cuqdad, Xiqdi Iyo Nacayb Uu U Qabo Magaaladda Hargeysa Ee Dalka U Ah Caasimadda......

Waxa Uu Wasiirka Ciyaaraha Yidhi Maaha Wax Loo Dhan Yahay Ee Waa Wax Hargeysa Oo Kaliya Ku Kooban, Oo Burco-Ba Ma Doon-Doonto Ka Qaybgalka Tartanka Bariga Iyo Badhtamaha Afrika”Maxamed Dhabeeye

Guddoomiyaha Kooxda Kubadda Cagta ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Xidigaha Cirka Maxamed Xuseen Dhabeeye oo ah khabiir da’yar oo mudo dheer ku hawlanaa dhiiri-galinta iyo wax la qabashada dhalinyaradda Wadanka ee Ciyaaraha jecel ayaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ku eedeeyey inuu lumiyey fursad dahabi ah oo faa’ido Diblomaasiyadeed oo buuran u lahayd Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland.

Mr Maxamed Dhabeeye waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Xalay Waraysi Magaaladda Hargeysa ku siiyey Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews IyoWargeyska Haatuf, kaas oo uu ku naqdiyey go’aankii Wasiirka Ciyaaraha Cali Raygal uu ku horjoogsaday in Kooxda Kubada Kolayga ee Hargeisa Basket-ball Team oo ka dhisan Caasimadda dalka ay ka qaybgasho Tartanka Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo 29-kii bishii April ka furmay Magaaladda Kambala ee xarunta dalka Uganda, isla markaana 4-tii bishan May lagu soo gabo-gabeeyey halkaas.

Maxamed Xuseen Dhabeeye waxa uu sidoo kale Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal ku eedeeyey inuu dhalinyarada dalka u horseedayo kala qaybsanaan, kaas oo tilmaamay inuu Mr Raygal talaabada uu ku qaadacay ka qaybgalka Tartankaas uu u cuskaday cadho uu u qabo Xidhiidhka Kubadaha fudud oo mihiimad wayn u leh Qaranka. Ugu horayna isaga oo Dhabeeye arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa aan jeclaa inaan wax ka idhaahdo laba hadal oo uu Wasiirka Ciyaaruhu ka sheegay Teamka Kubadda Kolayga ee Tartankii Uganda laga baajiyey iyo guud ahaanba xaaladda Ciyaaraha Somaliland, hadii aan ku horeeyo Xilka Wasaaradda Ciyaaraha ka saaran dhalinyarada dalku waa inay Wasaaradu ku halganto dhiiri-galinta Ciyaaraha dalka iyo guud ahaan ilaalinta Dhalinyarada Wadanka, waxaana sharaf taariikhi ah u ah inay ku dagaalanto Wasaaradda Ciyaaruhu inay dhalinyaradda dalku gobolka ay doonaan ha soo jeedaane ay ka qaybgalaan Ciyaaraha Caalamiga ah ee lagu ciyaarayo dalalka Somaliland ka baxsan ee Wadamada Jaarka iyo kuwa Caalamkaba, hadii ay taasi dhacdo waxay Somaliland ka mid noqon lahayd ururadda Caalamiga ah ee Ciyaaraha ama Sports-ka dalalka dunida gacanta ku haya oo xaqiiqatan ah ururo iyo hay’ado dawladda ka Madaxbanaan, markaa inaad hay’adahaas iyo ururadaas xubno ka noqotaa waxay ka dhigan tahay adigoo Qaramadda Midoobay xubin ka noqda. Mida kale sida loogu dagaalamayo ama loo danaynayo Kursiga Jaamacadda Carabta iyo ka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Fifa iyo wixii la mid ahba waa in Xukuumadu u danayso inay ururadaas oo aynu xubno ka helnaa inay waxwayn inaga caawinayso. Mida kale doorkii horeba arintaas wax si wayn uga qaybqaatay Wasiirka Madaxtooyadda oo imika isaguba maqnaa oo aan malaha isleeyahayba sidan wax u umay dhaceen hadii uu joogo, waxa kale oo doorkii hore arinta ka qaybqaatay Maayarkii hore ee Caasimadda Eng Jiciir oo 10 kun oo Doollar oo ay xukuumadu ku amartey bixiyey, balse waxa imika arintii xumeeyey Wasiirka Ciyaaraha iyo Maayarka Caasimadda C/raxmaan Soltelco oo run ahaantii aan kala hanwaynaa inuu dhagaha ka furaysto oo isaga oo nin dhalinyaro ah oo taageeradii dhalinyarada waliba halkaa ku soo gaadhay uu sidaas sameeyey run ahaantii waa wax laga xumaado, waanan Cambaaraynaa talaabadaas xaqiiqatan”.

Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Cirka Mr Maxamed Xuseen Dhabeeye isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya sida uu u arko hadalkii Wasiirka Ciyaaraha, waxa uu yidhi “Wasiirka Ciyaaraha Mr Raygal waxaan leeyahay arintan aad waxa dhibta yar ka dhigtey ee aad horjoogsatey dadbaa ku soo dagaalamay reer Somaliland ah iyo kuwo Soomaalida kaleba leh oo markii uu tartanka Bariga iyo Badhtamaha Afrika socday in mudo ah u ban-dhigay oo yidhi hadii aad Koonfurtii Somalia soo casuunteen dhinaca kale ee Waqooyiga waxa ka jirta dawlad iyo Magaalooyin nabdoon iyo dhalinyaro Ciyaarta oo xaq u leh inay ka soo qaybgalaan Tartankaas, markaa waa tii sanadkii hore dhacday ee la ina soo casuumay ee waliba waxa la soo casuumay Magaca Xidhiidhka kubadda Kolayga Somaliland oo markaa taas ayeynu ku tagnay laakiin hadalkii Wasiirka Ciyaaraha ka soo yeedhay ee uu ku lahaa waa wax aan micno lahayn aad ayaanu uga xunahay una Cambaaraynaynaa, waxaanay u muuqataa inaanu Wasiirku garanaynin Xilkii loo doortey oo waxa uu u haystaa uun inuu masuul ka yahay Ciyaaraha Gobolada iyo inuu Hargeysa iyo Burco uun wada ciyaarsiiyo, xaqiiqatana waxaas oo dhan waxa ka wayn sidii ay Somaliland banaanka ugu bixi lahayd ee ay ula soo ciyaari lahayd dalalka dunida oo xaga diblomaasiyada xataa hadii laga eego wax wayn ku soo kordhinaysa gooni isku taaga Somaliland iyo Madaxbanaanida dalkeena”.

Mr Dhabeeye, mar wax laga waydiiyey faa’idada ugu jirta Somaliland ka qaybgalka tartankaasi, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Hadii aan ka jawaabo su;aashaadaas runtii ka qaybgalka kooxda kubadda Kolayga ee Hagreisa Basket-boll Team ay ka gaybgalaysay Tartanka Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee Uganda ka qabsoomay wax wayn ayey u soo kordhinaysay xaga Diblomasiyada hadii aynu ka eegno oo mar hadii dhalinyaradeenii ka qaybgasho tartankaas magacii Somaliland ayaa Kambala la gaynlahaa oo waxa dad badan oo ka soo qaybgalayaal ahi ay arki lahaayeen inay inaga iyo Somalia kala nahay laba dal oo kala Madaxbanaan, waxaan is leeyahay hawlaha ay Wasaaradda Khaarajigu qabato marka laba meelood loo qaybiyo meel ahaan ayey arintaasi u qaban lahayd qadiyada Somaliland, arinta labaad ee faa’ideeda leh ee ka qaybgalka tartankaasi inoo lahaa waxa ka mid ah ururadii Caalamiga ahaa ee aynu Ictiraafka iyo inaynu xubinta ka noqono ka doonaynay Wakiiladoodii ayaa Tartankaas joogay oo hadii aynu ku qancino inay dal Madaxbanaan nahay ku soo socday inay Shirarkooda danbe ku qabsadaan Somaliland oo Wufuud ayey inoo soo dirayaan, marka danbena uu Waaxda Basket-boll-ku wuu si toos ah uga mid noqdo Xidhiidhada Afrika iyo kuwa Caalamkaba”.

Maxamed Xuseen mar uu ka hadlayey ficilo uu sameeyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalku iyo saamaynta ay dalka ku yeelankarto, waxa uu yidhi “Wasiirka Ciyaaruhu markii uu Tv-ga la hadlayey way ka muuqatay inuu wax hadoodilayo oo hoosbuu u dhigay arintan oo waxa uu is idhi yaree, isla markaana waxa uu yidhi maaha wax micno leh in kooxda kubada kolaygu ka baaqato Tartanka badhtamaha iyo bariga Afrika, waxa wax laga xumaado ah inuu Wasiir Raygal uu yidhaahdo maaha wax loo dhan yahay ee waa wax Hargeysa oo kaliya ku kooban, waxa kale oo idhi Burco-ba ma doondoonta ka qaybgalka Tartamadaas oo kale, arintaasina waxay noqonaysaa mid kala qaybinaysa dhalinyaradii iyo guud ahaan bulshadii dalka oo dhan oo waa cuqdad iyo Xiqdi isaga ku jira oo aan is leeyahay waa nacayb uu u qabo Magaaladda Hargeysa ee dalka u ah Caasimadda

 

 

 

Share
673617