Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Knicks Head to Utah, Looking to go 2-0 Against Jazz 1.  The Knicks made a furious comeback on Wednesday night in Memphis but the effort just fell short in the 105-99 defeat.  Unfortunately for New York, two crucial plays did not go its way when Kristaps Porzingis was whistled for[…]

    Read more...
  • Phoenix Suns' trade targets: Is Kemba Walker really a good fit? The Suns face the Nuggets on Friday night in Denver. Return for updates. The Suns need a point guard and the Charlotte Hornets reportedly have made 2017 All-Star Kemba Walker available in a trade. On the surface, Walker seems like[…]

    Read more...
  • D'Angelo Russell Cleared to Return from Knee Injury vs. Heat After missing 31 games with a knee injury, D'Angelo Russell will return to the Brooklyn Nets for Friday's game against the Miami Heat.  Per Anthony Puccio of SB Nation, Russell is available for the Nets.    Puccio added that Nets head[…]

    Read more...
  • Why is Kemba Walker on the trade block? Walker's a very good point guard in his prime, but Charlotte needs to clean up a financial mess of its own making.

    Read more...

Other sports news

  • Conte admits Pedro dived and understands his 'mistake' The Blues boss will not be discussing the Spaniard's yellow card for simulation in an FA Cup clash with Norwich as the player knows he made an error

    Read more...
  • Golden boy Robin van Persie returns home to Feyenoord The former Manchester United and Arsenal striker, now aged 34, will hope to finish his impressive career on a high in Rotterdam

    Read more...
  • Alexis battle between Man City & Utd not decided by money - Klopp The Arsenal forward appears to have chosen Old Trafford over the Etihad Stadium, but the Liverpool boss does not think finances are a factor

    Read more...
  • Derby County v Bristol City Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Gary Rowett’s in-form Rams should have enough to see off Lee Johnson’s Robins in this promotion clash, who have lost five in a row in all competitions

    Read more...
  • Former Arsenal and Man Utd striker Van Persie returns to Feyenoord The vastly-experienced frontman is heading back to where it all began after seeing Fenerbahce agree to the termination of his contract

    Read more...

Xukuumadda Oo Bogaadisay Mo Faarax Oo Jabiyay Rikoodhkii Orodka 10 kun Ee Mitir

Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn ugu riyaaqday isla markaana bogaadisay guusha uu mar kale gaadhay orodyahanka caanka ah ee Maxamed Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ku orda magaca dalka Britain

oo uu jinsiyadiisa haysto. Ka dib markii uu jabiyay rikoodhka tobanka kun ee mitir ee adduunka oo shalay lagu qabtay Magaaladda Moscow ee dalka Ruushka.

 Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska ee Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed, oo shalay u waramay Tifaftiraha Guud wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan si balaadhan u hambalyaynayaan guusha uu orodyahanka Maxamed Faarax gaadhay, taasi oo uu xusay in ay dalka iyo dadka Somaliland u tahay sumcad ay ku faani karaan. isaga oo tilmaamay in ay arrintaasi dhiirigelin u noqonayso dhalinyaradda Somaliland.

 

Agaasimuhu waxa uu ugu horayn iftiimiyay siday xukuumaddu ugu niyadsan tahay guusha isdaba jooga ah ee ciyaar yahankani laasimay muddooyinkan dambe, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha Somaliland oo xukuumadduna u igmatay horumarinta ciyaaraha, waxaanu aad u hambalyaynaynaa oo aanu ku faraxsan nahay guushaa weyn ee uu soo hooyay orodyahan Maxamed Faarax, Waxa maanta farxad wayn inoo ah dal ahaan iyo dad ahaanba dadka reer Somaliland iyo guud haanba ummada Soomaalida, Afrikaanka iyo ummada muslimka ahba, guushaa weyn ee uu gaadhay orodyahanka Maxamed Faarax, oo ah orodyahan reer Somaliland ah kuna orda magaca dalka Britain.”

 

Maxamed Xuseen oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanay arrintani dhiirigelin u tahay dhalinyaradda Somaliland, waana mid cadaynaysa in dalkeena iyo dadkeena iyo mandaqadan aynu ku nool nahay ay ka suurto geli karto inay ka soo baxaan xidigo waaweyn oo ciyaaraha caalamiga ah dhiga rikoodho. Maxamed Faarax waa wiil dhalinyaro ah, oo imika si joogto ah u dhigayay rikoodho caalami ah, orodka 10,000m iyo 5000m, horena ciyaarihii olompica-da ugu guulaystay labadabana u jabiyay rikoodho horena haystay, imikana ciyaarihii orodka ee ka dhacay Moscow, wuxuu ku guulaystay maanta (shalay) inuu jabiyo rikoodhka 10,000m in uu 5000m jabiyana waan filaynaa”.

 

Maxamed Xuseen Axmed waxa kale oo uu sheegay inay ka wasaarad ahaan xooga saarayaan sidii ay u soo saari lahaayeen dhalinyaro ku ciyaara ama ku orda magaca Somaliland oo ay adduunka u kala diri doonaan isla markaana ay abuurayaan qorshihii hawshaasi lagu hirgelin lahaa.kaasi oo ah qorshaha tayaynta ciyaartoyga isla markaana uu yahay waxa ay ahmiyada koowaad siinayaan. “Waxaan ugu baaqayaa dhalinyaradda reer Somaliland gaar ahaana ku dhinaca ciyaaraha orodka inay hiigsadaan oo ay yidididiiladooda iyo dareenkoodaba kor u qaado oo ay ku fikiraan inay noqdaan sida Maxamed Faarax, Cabdi Bille iyo raggii kale ee la midka ahaa rikoodhadii ay dhigeen inay iyaguna dhigi karaan oo ay dadaalaan tababarkoodana kordhiyaan, oo ay shaqsiyan iyagu is dhiisaan, anaguna gacan ayaanu ku siin doonaa” ayuu yidhi yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaruhu.

 

Agaasimaha Guud ayaa ugu baaqay dhalinyarradda Somaliland ee dhinaca ciyaaraha gaar ahaana kuwa orodka inay ku fikiraan isla markaana ay hiigsadaana inay gaadhaan mustawaha Maxamed Faarax oo kale.

 

Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ka Wasaarad ahaan waxaanu xooga saaraynaa in aanu u soo saarno dad magaca dalka ku ciyaara, haddii ay tahay orodka iyo ciyaaraha kaleba, orodkuna waa meelaha ugu fudud ee dalka magaciisa lagu hirgelin karo, dhalinyaro badan oo oroda oo aduunka u kala baxdana lagu soo saari karo, waxaanu abuuraynaa qorshe aanu ku samayno, qorshahaasi oo la yidhaahdo qorshaha soo saarista ciyaartoyga iyo tayayntooda oo aanu runtii ahmiyada koowaad ee wasaaradda noo ah aad ayaanu ugu dadaalaynaa. Orodku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha aynu asalka u leenahay, oo hore orodyahano Somaliland u dhashay u dhigeen, wadamadda aynu jaarka nahay sida Itoobiya iyo Kenya waa dalalka ugu fiican, dadka Soomaalida ahna niman badan oo arrintaa rikoodhko ka dhigay ayaa jira, gaar ahaan Somaliland oo dadka Soomaalida oo dhami ay majeertaan oo ay yidhaahdaan haddii halkaa lagu sameeyo tababaro iyo nidaam fiican waxaa ka soo bixi kara ciyaartoy”.

 

 

 

 

Share
674814