Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Knicks Head to Utah, Looking to go 2-0 Against Jazz 1.  The Knicks made a furious comeback on Wednesday night in Memphis but the effort just fell short in the 105-99 defeat.  Unfortunately for New York, two crucial plays did not go its way when Kristaps Porzingis was whistled for[…]

    Read more...
  • Phoenix Suns' trade targets: Is Kemba Walker really a good fit? The Suns face the Nuggets on Friday night in Denver. Return for updates. The Suns need a point guard and the Charlotte Hornets reportedly have made 2017 All-Star Kemba Walker available in a trade. On the surface, Walker seems like[…]

    Read more...
  • D'Angelo Russell Cleared to Return from Knee Injury vs. Heat After missing 31 games with a knee injury, D'Angelo Russell will return to the Brooklyn Nets for Friday's game against the Miami Heat.  Per Anthony Puccio of SB Nation, Russell is available for the Nets.    Puccio added that Nets head[…]

    Read more...
  • Why is Kemba Walker on the trade block? Walker's a very good point guard in his prime, but Charlotte needs to clean up a financial mess of its own making.

    Read more...

Other sports news

  • Conte admits Pedro dived and understands his 'mistake' The Blues boss will not be discussing the Spaniard's yellow card for simulation in an FA Cup clash with Norwich as the player knows he made an error

    Read more...
  • Golden boy Robin van Persie returns home to Feyenoord The former Manchester United and Arsenal striker, now aged 34, will hope to finish his impressive career on a high in Rotterdam

    Read more...
  • Alexis battle between Man City & Utd not decided by money - Klopp The Arsenal forward appears to have chosen Old Trafford over the Etihad Stadium, but the Liverpool boss does not think finances are a factor

    Read more...
  • Derby County v Bristol City Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Gary Rowett’s in-form Rams should have enough to see off Lee Johnson’s Robins in this promotion clash, who have lost five in a row in all competitions

    Read more...
  • Former Arsenal and Man Utd striker Van Persie returns to Feyenoord The vastly-experienced frontman is heading back to where it all began after seeing Fenerbahce agree to the termination of his contract

    Read more...

Burco:Ururka midaynta iyo horumarunta sportska gobolka togdheer ee waayo arag oo xalay laga dhawaaaqay Burco iyo cayar ay ku sii sagotiyeen macalinki gobolka oo ay ku qabteen Garonka Alamzay stadium

 

 

Waxa xalay lagu qabtay hotel deero ee magalada Burco munasibad lagaga dhawaaqay urur ka  midaynta iyo horumarunta sportska  gobolka togdheer oo ah urur cusub oo ay aasaaseen  cayaartoydii hore ee gobolka togdheer.

 

Munasibadan lagaga dhawaaqay ururka waayo arag aya sido kale lagu doortay hogaankii ururkasi, waxana 11 xubnood oo uu ka koobna ururkasi iska dhex doorteen guddomiye ,kuxigeen iyo xoghaye.

Waxana marki u horeysay xubnuhu si dimuqraadiya ugu kala codeeyeen murashaxinta gudoomiyaha u tartamaysay,  oo kala ahaa Faysal cabdi xasan iyo c/raxman nigiroow, iyado uu ku guuleystay c/raxman nigiroo.

 Munsibdan ayay goob joog ka ahaayeen agaasimaha guud ee wasarada dhalinyarada, ciyaraha iyo dalxiska, agaasimaha waaxda dalxiska ee wasaradaasi, agaasimaha waaxda ciyarah, mamulka gobolka iyo degmada, masuliyintaa jamacada burco, aqonyahano , cayaartoydii hore, kuwi dhexe iyo kuwii danbe ee gobolka,haween, iyo marti sharaf kale.

Tababarihii gobolka togdheer u soo qaaday koobkii u danbeyey ee gobolku hanto mr dhoonbir, guddomiyaha loo dortay ururkan c/rxman nigiroo iyo murashixi la tartamay gddomiyaha ururka mr faysal ayaa dhamaantoodba ka warramay baahida keentay ururkan, waxyabaha loo baahan yahay inu ka shaqeeyo ee uu ka shaqayn dono iyagoo dhinaca kale  codsaday inaan lagu gobolka lagu ganaaxin ceebtii dhowaan ka dhacday cayaarihii gobolada.

 

Badhasab kuxigenka gobolka mr ubaxle, maayarka burco maxamed murad, gudomiyaha ururkahaweenka NOW deeqa weydar,gudoomiyaha jamacada burco  Prof saleban dirir cabdi, lyo prof ismacil carraale oo iyaguna halkas ka hadlay ayaa hadalo isugu jira talooyin iyo dardaaranba siiyey ururka cusub iyo dhalinyrada gobolka waxayna sheegeen in meel looga soo wada jeesto ladagalanka qabyalada iyo soo celinta kaalintii  Burco ku lahayd ciyaaraha dalka.

agaasimaha guud ee wasarada dhalinyarada, ciyaraha iyo dalxiska,Maxamed xusen dhabeeye oo munasibada soo xidhay ayaa sheegay in wixii dhowaan burco ku dhacay aano shaqo ku lahayn  scayaartoydii la soo xulay balse gacmo kale oo dano gaar ah lihi ku jireen, waxanu sheegay in ganaaxa gobolka ay ka fiirsanayan, agasimuhu wuxusi cad u iftiimiyey in xukuumad dhalinyarada ka jecel xukumada uu hogamiyo madaxweyne siilaanyo anay hore  dalka u soo marin isla markasna fursadaha uu madaxweynuhu da?yrta siiyey wakhtigan aanay hore u haysan, wuxu sido kale ballanqqaday inay ka wasarad ahan la shaqaynayaan ururkan xidhiidh joogto ahna yeelanayan.

Gebogabadi waxa halkas shahaado sharafyo lagu siiyey xubnihi ka qayb qaatay dhismaha iyo ku dhawaaqidda ururkan, wana ururkii u horeeyey ee cayaartoyda gobolka togdher si gaar u furtaan.

Dhinaca kale waxa isla Galabnimadi shalay Ciyaar Xiiso badan oo ka dhacday Garoonka Kubada Cagta ee Alamzey Stadium ee Magaalada Burco  ku dhex martay labada Kooxood ee kala ah  Xidigaha Burco iyo Walaalaha Togdheer .

 

Furitaanka Ciyaarta waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha  guud ee Wasaarada Dhalinta iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Axmed dhabeeye, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil  Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) Maayirka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraadka)ku Xigeenka Duqa Burco Mr. Xoday) iyo marti sharaf kaloo aad u badan.

 

Ugu Horayn waxaa hadalka qaatay Maayirka Burco Maxamed Muraad waxaana uu sheegay in ciyaartan loogu talo galay inay dhalinyaradu isku dhex galaan islamarkaana dib loo soo nooleeyo Sportigii Gobolka Togdheer isagoo sidoo kalena  ka dhawaajiyey in ka dowlad hoose ahaan ay markasta barbartaagan yihiin dhiiri gelinta dhalinyarada ciyaaraha gobolka si ay u kobcaan.

 

Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinta iyo Ciyaaraha Somaliland  Maxamed Xuseen Axmed  oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa aad ugu mahad naqay gudiga soo abaabulay ciyaartan kuna booriyey inay inay marwalba sameeyaan is dhexgal, Agaasimuhu waxaa uu sheegay inay dhaliilo fara badan ay lahayd Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland  balse ay imika socdaalkoodu daaran yahay  sidii ay usoo indha indhayn lahaayeen  Wasaaradaha Gobolada Bariga Somaliland, sido kalewuxu halkaasi kasoo jeediyey dardaaran  balaadhan kaasi uu kula dardaarmaayey  dhalinyarada iyo dadweynaha reer burco inay ka dheeraadaan Cunsuriyada iyo qabyaalada islamarkaan aan  Ciyaaraha lasoo dhex gelin wixii Caadifad ah.

 

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer mr. Ubaxle ayaa isna dhinicisa sheegay in wixii Burco beri dhoweyd ku dhacay inay hada ka bogsadeen islamarkasna Gobolku  uu sidii lagu yiqiinay ku soo noqon doono waxaana uu dadweynaha reer burco  iyo bahda Ciyaaraha kala dardaarmay inay ka dig toonaadaan wixii keeni kara cunsuriyadad iyo qabyaalad.

Cayartan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka waayo arag islamarksana ay ka qaybgaleen cayartoydi gobolka , kuwi hore, kuwi dhexe iyo kuwi danbe iyo weliba cayartoy ka socday gobolka HAWD ayaa sidoo kale lagu sagootinayey macalinkii gobolka togdheer sanadkan watey oo la yidhaa  Cali maxamed jaaamac, oo ku noqonayey qurbaha oo uu ka yimi  markii hore.

XUBNAHA URURKA WAAYO ARAG

 

1)      MAXED YUSUF KAHIYE

2)      C/SALAN ILKACASE

3)      FAYSAL CABDI XASAN

4)      C/KARIN MURAD

5)      C/RAXMAN DOOL

6)      C/NASIR BEDER

7)      MAXED CAWIL

8)      MAXED SHIINE

9)      IBRAHIN XUNDUB

10)   GUULEED CABDI

11)   SHAFICI DAROOR

 

 

Share
674815