Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Knicks Head to Utah, Looking to go 2-0 Against Jazz 1.  The Knicks made a furious comeback on Wednesday night in Memphis but the effort just fell short in the 105-99 defeat.  Unfortunately for New York, two crucial plays did not go its way when Kristaps Porzingis was whistled for[…]

    Read more...
  • Phoenix Suns' trade targets: Is Kemba Walker really a good fit? The Suns face the Nuggets on Friday night in Denver. Return for updates. The Suns need a point guard and the Charlotte Hornets reportedly have made 2017 All-Star Kemba Walker available in a trade. On the surface, Walker seems like[…]

    Read more...
  • D'Angelo Russell Cleared to Return from Knee Injury vs. Heat After missing 31 games with a knee injury, D'Angelo Russell will return to the Brooklyn Nets for Friday's game against the Miami Heat.  Per Anthony Puccio of SB Nation, Russell is available for the Nets.    Puccio added that Nets head[…]

    Read more...
  • Why is Kemba Walker on the trade block? Walker's a very good point guard in his prime, but Charlotte needs to clean up a financial mess of its own making.

    Read more...

Other sports news

  • Conte admits Pedro dived and understands his 'mistake' The Blues boss will not be discussing the Spaniard's yellow card for simulation in an FA Cup clash with Norwich as the player knows he made an error

    Read more...
  • Golden boy Robin van Persie returns home to Feyenoord The former Manchester United and Arsenal striker, now aged 34, will hope to finish his impressive career on a high in Rotterdam

    Read more...
  • Alexis battle between Man City & Utd not decided by money - Klopp The Arsenal forward appears to have chosen Old Trafford over the Etihad Stadium, but the Liverpool boss does not think finances are a factor

    Read more...
  • Derby County v Bristol City Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Gary Rowett’s in-form Rams should have enough to see off Lee Johnson’s Robins in this promotion clash, who have lost five in a row in all competitions

    Read more...
  • Former Arsenal and Man Utd striker Van Persie returns to Feyenoord The vastly-experienced frontman is heading back to where it all began after seeing Fenerbahce agree to the termination of his contract

    Read more...

Dhalinyarada Kubadda Cagta Ee Ku Dhaqan Gobalka Todheer Oo Daboolka Ka Qaaday Inay kalsoonidii Kala Noqdeen Labada Xildhibaan Cumar san-weyne iyo Maxamed Cali Xirsi

 

 

Dhalinyarada Kubada cagta  heerarka kala duwan ee k u dhaqan Gobalka Togdheer, ayaa ku eedeeyay labada Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi iyo Cumar Maxamed San-weyne inay ku badhifureen dhalinyaradii iyo shacabka  codkooda siiyay ee ku dhaqan Magaaladda Burco iyo deegaanada hoos-yimaada,

isla markana waxay nasiib-daro ku tilmaameen inay maanta beesha ay ka soo jeedaan ee reer Daahir ku yidhaahdaan dhaliilaha naloo soo jeediyay waxa ka dambeeya Xildhibaanka kaliya ee dhalinyarada Togdheer ku faanto ee Cali Mareexaan.

Qaar ka mid ah dhaliyarada Gobalka Togdheer oo la soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews, ayaa ku dhaliilay in Xildhibaanadan eedo u soo jeediyeen Xildibaan

Cali Mareexaan oo ka mid ah Guddi-hoosaadka sharcigu siinaayo inay sii wataan hawlahooda shaqo, taasoo ay tilaameen in Guddi-hoosaadka Golaha wakiilada ee l isku dhaandheeyay ka hor imanaayo qodobka 18-aad ee xeer hoosaadka Golaha nambarka 4 aad uu tilmaamaayo in markaliya la isku shaandhayn Karin Guddi-hoosaadka Golaha Wakiilada Somaliland.

Ugu horayn waxahalkaas ka hadlay Idiris Saleebaan Maxamed Aadan oo ka mid ah dhalinyarada kubada cagta ee magaaladda Burco waxa uu sheegay in xildhibaanada Maxamed Cali Xirsi iyo Cumar Maxamed san-weyne beeshooda reer daahir ay waqtigan u aqoonsanayn xildhibaano oo kalsoonidii kala nooqdeen, isla markaana waxa uu sheegay in xildhibaanka kaliya ee Caasimada Hargeysa ku soo dhaweeyay yahay xildhibaan Cali Mareexaan, waxaanu yidhi, "Anagoo ah dhalinyarada kubada cagta  ee Gobalka Togdheer u ciyaarta, waxaanu ka xunay inay maanta labadii Xildhibaan ee nagabaxsaday Koobkii Gobalada ee lagu qabtay Magaalada Hargeysa ee sida-xun noo galay ay cambaareeyaan Xildhibaanka kaliya ee dhalinyarada kubada cagta ciyaarta ee kala duwan ee Magaaladda Burco ku faanto waa Xildhibaan Cali Mareexaan, waxaanu noogu qoran yahay baal-tahaba oo taariikh lma ilawaan ah ku leh shacabka kala duwan eek u dhaqan Gobalka Togdheer.

Waxaanu cambaraynaynaa oo aanu nasiib-daro ku tilmaamaynaa Xildhibaanka Maxamed Kaahin Axmed bulshada Burco baray ee la yidhaahd Maxamed Cali Xirsi oo runtii ku riyooday magaca Madaxweynaha Maraykanka ee Ombaba la yidhaahdo haddii aanu nahay dhalinyarada Beesha Reer Daahir ee barriga Gobalka Togdheer kalsoonidii waanu kala noqonay oo uma-aqoonsanin xildhibaan anaga namatala. Waxaanu shacabka Reer Somaliland ugu baaqayna inay halkaas ugu dhamaatay oo mar dambe isa-soo hortagayn shacabka iyo dhlinyarada Gobalka Togdheer.

Waxaana Gobalka Togdheer ugu dambaysay iyo beeshii dooratay ee kaas oo kalana mahay ahayn inay xildhibaan ka dhigtaan, waligiina gabad bariisa kumuu deeqin deegaankii laga soo doortay. Waxaanu leenahay Guddoomiyaha XISBIGA WADDANi ee Xil. Maxame Cali Xirsi beeshii soo dooratay kalsoonidii way kala noqotay ee nacaybka dhalinyarada Magaaladda Burco u hayso yay codbadan kaalumin oo waanu kula talinaynaa.

Waxaanu Gobalka Togdheer ugu qoran yahay baal-madow oo lagama soo xasuusan doono Gobalka Togdheer iyo Beesha Reer Daahir ee magaca codkoodii ugu yeeshay. Waxa nasiib-daro ah in Maxamed Kaahin Axmed oo xisbiga Kulmiye keenay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi halkaas kaga dhaqaaqo, waxa guul-daro ku dhacday Maxamed Kaahin oo la ogaa sidii uu ugu dagaalamay in loo sharaxo xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Gobalka Togdheer oo uu uga hiiliyay reer Muuse oo la og-yahay colaada iyo halkay kala taagan yihiin Maxamed Kaahin inuu halkaas kaga dhaqaaqo"

Cabdisamada Maxamed Cumar oo ka mid ah dhalinyarada Gobalka Todheer ayaa ku eedeeyay Xildhibaan Cumar Maxamed San-weyne inuu ku badhi-furay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo), oo dagaal adag u galay codkii lagu doranaayay iyo in laga sharaxo Xisbigii Kulmiye xilligii uu mucaaradka ahaa Madaxweyne Siilaan, waxaanu nasiib-daro ku tilmaamay inuuu Inaabtigii halkaas laga dhaqaaqo waxaanu yidhi,"Madaxweyn Siilaanyo waxa uu dagaal adag u galay soo bixitaankii  iyo inuu Xisbiga Kulmiye ka dhex-sharaxo Xildhibaan  Cumar Maxamed San-weyne oo ah Inaabtigii  Madaxweyne Siilaanyo ah, waxa  maanta nasiib-daro inuu Madaxweyne Siilaanyo oo la ogaa dagaalkii uu u galay Xildhibaan Cumar Maxamed Sanweyne  ku badhi-furay Madaxweyne Siilaanyo oo la ogaa dagaalkii iyo halgankii  adkaa ee uu u soo galay xubinta iyo sharafta uu ku noqday xubin ka mid ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada waxa ayaan-daro ah inuu xisbigii  iyo Madaxweyne Siilaanyo oo wax ka dhigay cidlo maanta kaga dhaqaaqo waa nasiib-daro, waana ka xunnahay abaal-la?aanta uu kala kulmay xildhibaanka waqtigan isagoo xilkisii sharci ee loo doortay dhamaaday oo aan cid matalin maanta inuu gacmo madhan la tago Xisbiga Waddani oo uu ku biro."

Maxamed Maxamuud Jaamac oo isaguna ka mid ah dhalinyarada Gobalka Togdheer waxa uus heegay inuu cadaynaayo waxyaabaha ay kala kulmeen Magaaladda Hargeysa xilligii koobka Gobalaa waxaanu yidhi, "Waxaanu cadaynaynaa oo aanu jecelnahay innaanu halkan shacabka Gobalka Togdheer iyo dhamaan deegaanada hoosyimaada u cadaynaynaa Xildhibaanka kaliya ee  na soo dhaweeyay, qada-sharaftana noo sameeyay inuu ahaa Xildhibaan Cali-mareexaan oo gacanta nagu hayey intii aanu joognay Hargeysa, balse waxaanu aad iyo aad uga-xunnahay khilaaf hadheeyay kooxdayadii, nagana reebay koobkii. Xildhibaan Cali Mareexaan waxa uu geed gaaban iyo mid dheer u fuulay sidii uu u dhameeyo khilaafka oo aanu kala nimi magaaladda Burco, laakiin nasiib-daro kumuu guulaysan daminta khilaafka oo waxa uu waayey gacan qudha oo ka caawisa arrimihii halkaas ka jiray ee u dhaxeeyay Ciyaartoyga Gobalka Togdheer.

 

 

Share
674805