Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • How serious a threat are Steph Curry's ankle injuries to his career? Call it a tweak or a slip or a mild sprain. But really, call it like it is, time to worry. When Steph Curry folded his ankle against the Pelicans on 4 December, there was concern. Barely a month later,[…]

    Read more...
  • Jordan Bell on sprained left ankle: “I'm good. It's not broken” CHICAGO – The locker room door swung open. Slowly, Warriors rookie Jordan Bell exited toward the arena hallway, the sound of his crutches and walking boot appearing to give both a visual and audio signal of his physical well-being. Two[…]

    Read more...
  • The most significant reason behind the Warriors' success on the road is... The Warriors own the NBA's best record. That's no surprise. But how they got there is. 21-3 on the road? Six home losses? What's going on?

    Read more...
  • Clippers Overcome Late Scare, Beat Nuggets LOS ANGELES — The Clippers (23-21) extend their season-best winning streak to six after beating the Nuggets (23-22), 109-104 Here are five quick takeaways from the Clippers win/loss. 1) Unusual suspects close game — The Clippers flipped the script at[…]

    Read more...
  • LOS ANGELES (AP) Blake Griffin had 20 points and 12 rebounds, and the Los Angeles Clippers held off the Denver Nuggets 109-104 on Wednesday night for their season-high sixth straight win. Montrezl Harrell added 18 points and Lou Williams had[…]

    Read more...

Other sports news

  • January transfer news & rumours: Neymar to headline new Madrid attacking trio Goal takes a look at the biggest transfer rumours from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond as we head into the winter window

    Read more...
  • Manchester United January transfer news LIVE: Bale in talks over Old Trafford move Goal brings you all the latest news, rumours and deals related to the Red Devils as the January transfer window heats up

    Read more...
  • Wenger coy on Aubameyang as Arsenal move for Malcom collapses The Gunners continue to be heavily linked with a move for the Borussia Dortmund striker, but will not be landing the Bordeaux forward in January

    Read more...
  • Leganes v Real Madrid Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Madrid have been struggling up front and we think the well organized hosts can keep the score down in this Copa Del Rey quarter final first leg

    Read more...
  • Burnley v Manchester United Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Our tipster thinks that Jose Mourinho's men will claim all three points without conceding when they travel to Turf Moor in the top flight on Saturday

    Read more...

'Jaliyada Sucuudiga Oo Qalab Sport soo gaadh siisay Wasaarada Ciyaaraha ee G/Awdal

Waxa maanta la soo gaarsiiyay masuuliyiinta wasaarada ciyaaraha ee gobolka Awdal qalab ciyaareed oo isugu jira Kubado, diyraysyo ay la socdaan dharka kale ee ciyaartoyga loogu talo galay iyo Kabo, kaasi oo ay soo diren Jaaliyada reer Awdal ee dalka Sucuudiga ku dhaqan,

waxana munaasabadan goobjoog ka ahaa Isuduwaha wasarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal, qaar ka mid ah   daneeyayaasha ciyaaraha reer Awdal, gaar ahaan dhalintii ciyaari jirtay sanadihii sagaashamaadkii, dhalinyarada ciyaarta maanta iyo suxufiyiin kale. Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadlay Md. Muuse Faarax Bilaal oo qalabkan ka keenay dalka Sucuudiga isla markaana loo so dhiibay ayaa qalabkan ciyaaraha ku Wareejiyay Md. Cabdiqaadir Nuur Daahir waxana uu yidhi “Qalabkan waxa ii soo dhiibay Jaaliyada reer Awdal ee dalka Sucuudiga, waa qalab ciyaareed oo loogu talo galay in kor loogu qaado tayada ciyaaraha isla markaana lagu dhiiri galiyo dhalinta ciyaaraysa, waxana aan u sheegayaa Jaaliyadii qalabkaasi ii soo dhiibtay inaag gacanta kaga riday Md. Cabdiqaadir, sidoo kale waxa aan dhalinta ciyaaraysa iyo bahda ciyaaraha u sheegayaa in ay Jaaliyadu ogtahay sida aad ciyaaraha mudnaanta u siisaan, sidoo kalena ay diyaar u tahay inay marwalba taageerto ciyaaraha, qalabkan iyo ku la mid ahna soo gaarsiiso, guulna waxaan u rajaynayaa ciyaaraha gobolka Awdal” Md. Cabdiqaadir Nuur Daahir oo halkaasi ka hadalay ayaa cabiray dareenkiisa waxana uu yidhi “Waa noo farxad in aan helno abaalmarintan qalabka ciyaareed ah ee la na gudoonsiiyay, waa mid muhiim ah oo aan sheegayo in aanay ahayn markii 1aad, 2aad iyo 3aad ee ay soo taageeraan jaaliyadu ciyaaraha reer Awdal, waa markii 4aad ee aan deeqo noocan oo kale ah ka helno, waanan ugu mahadnaqaynaa, waxaanan idinka filaynaa intan iyo in kabadan inaad marwalba nagu soo caawisaan, sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Md. Axmed Ibraahim Cumar (Axmed Gacan) oo qalabkan keenidiisa dadaal badan iska saaray, muujiyayna inay si wanaagsan iskugu xidhmaan Jaaliyada iyo bahda ciyaaraha ee gobolka Awdal, waxana aan sidoo kale soo dhawaynayaa isbedelka lagu sameeyay dhawaan ciyaaraha gobolka Awdal ee dhinaca maamulka ah, waxana aan filayaa inay wax badan ka tari doonto taabogalinta ciyaaraha Awdal ee mudada dheer soo daalaa dhacayay, farxad wayn iyo waxqabadna ay tusi doonto dhamaan bahda reer Awdal ee qurbaha ku dhaqan ee ciyaaraha Awdal sida wayn u danaysa dadaalkana ku bixisa” Md. Xasan Ibraahim Faarax oo ka mid ah bahda ciyaaraha gobolka Awdal taabogalkiisa garabka wayn siisa ayaa waxa uu u mahadnaqay jaaliyada Sucuudiga ee reer Awdal ee qalabkan soo diray, waxana uu yidhi “Waxa noo farxad ah in aan mar labaad taageero wax ku ool ah ka helno jaaliyada Sucuudiga ee reer Awdal, runtii waa jaaliyad xidhiidh wayni naga dhexeeyo, mana aha markii u horaysay ee ay na gacan qabtaan, hore waxa ay dhinta ciyaarta maanta garab uga siiyeen kharashkii ku baxay booqasho ay ku tagtay magaalada Barbara, sidoo kale waxa aan sheegayaa inay hada ciyaartoyda niyadeedu kor u kacday isla markaana u qorshaysan tahay inay safar ku tagaan magaalada Burco, waxaas oo dhana waxa aan abaal wayn uga haynaa Jaaliyada Sucuudiga ee reer Awdal, waxana aan leenahay Eebe Wayne ha idinka abaal mariyo” Cabdiraxmaan Cali Yaasiin oo ku hadalayay magaca kooxaha ciyaara maanta ayaa siwayn ugu mahad naqay jaaliyada reer Awdal ee Sucuudiga ee soo dirtay qalabkan, sidoo kalena waxa uu sheegay in qalabkan ay hubaal tahay inay wax wayn ka tari doonaan tayada ciyaaraha iyo hiigsiga kooxii soo maray gobolka Awdal ee ilaa maanta ay ciyaartoydoodu yihiin kuwo siwayn u danaynaya hormarinta ciyaaraha gobolka Awdal. Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Awdal Md. Samaroon Cabdilaahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Jaaliyada soo dirtay qalabkan ee ku dhaqan dalka Sucuudiga, waxana uu sheegay in qalabkani uu wax wayn ka tari doono tayaynta ciyaarha iyo kor u qaadka niyada ciyaartoyda ee gobolka Awdal, sidoo kalena waxa uu ku booriyay jaaliyadaha kala duwan ee reer Awdal eek u dhaqan qurbaha inay taageeraan kobcinta ciyaaraha reer Awdal si ayuu yidhi dib loogu hoogsado ama loo soo nooloeeyo sharaftii, kaamadii iyo haybadii guulaha badan horseedi jirtay ee uu ku caanka ahaa ciyaaraha gobolka Awdal. Cabdalle Cali Yuusuf 

 

Share
673569