Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Knicks Head to Utah, Looking to go 2-0 Against Jazz 1.  The Knicks made a furious comeback on Wednesday night in Memphis but the effort just fell short in the 105-99 defeat.  Unfortunately for New York, two crucial plays did not go its way when Kristaps Porzingis was whistled for[…]

    Read more...
  • Phoenix Suns' trade targets: Is Kemba Walker really a good fit? The Suns face the Nuggets on Friday night in Denver. Return for updates. The Suns need a point guard and the Charlotte Hornets reportedly have made 2017 All-Star Kemba Walker available in a trade. On the surface, Walker seems like[…]

    Read more...
  • D'Angelo Russell Cleared to Return from Knee Injury vs. Heat After missing 31 games with a knee injury, D'Angelo Russell will return to the Brooklyn Nets for Friday's game against the Miami Heat.  Per Anthony Puccio of SB Nation, Russell is available for the Nets.    Puccio added that Nets head[…]

    Read more...
  • Why is Kemba Walker on the trade block? Walker's a very good point guard in his prime, but Charlotte needs to clean up a financial mess of its own making.

    Read more...

Other sports news

  • Conte admits Pedro dived and understands his 'mistake' The Blues boss will not be discussing the Spaniard's yellow card for simulation in an FA Cup clash with Norwich as the player knows he made an error

    Read more...
  • Golden boy Robin van Persie returns home to Feyenoord The former Manchester United and Arsenal striker, now aged 34, will hope to finish his impressive career on a high in Rotterdam

    Read more...
  • Alexis battle between Man City & Utd not decided by money - Klopp The Arsenal forward appears to have chosen Old Trafford over the Etihad Stadium, but the Liverpool boss does not think finances are a factor

    Read more...
  • Derby County v Bristol City Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Gary Rowett’s in-form Rams should have enough to see off Lee Johnson’s Robins in this promotion clash, who have lost five in a row in all competitions

    Read more...
  • Former Arsenal and Man Utd striker Van Persie returns to Feyenoord The vastly-experienced frontman is heading back to where it all began after seeing Fenerbahce agree to the termination of his contract

    Read more...

Coach Jama Aden (Karaiin) Records Dunida iyo Billadihii SOPOT

Waxaa mar kale sidii looga bartay dunida ciyaaraha orodka guullo aad u sarreeya ka soo hooyey, kooxda tababare Jama. Waxaa si weyn caalamkan orrodada adduunka ay u hadal hayaan Guulaha iyo xirfada ay kooxda Jama ay ku hantiyeen jebinta Records hore,iyo billadaha dahabkaa ee ay sida isdaba joogaa u heleen.

 

 Waxaa bishii hore ee February ay  noqotay markii ugu horreeysay ee orodada caalamigaa uu orodyahan JEBIYO 3 rekoordh laba wiig gudahood. Taariikhdanna waxaa hawl yareeyey orodyahannada da’ada yare e Genzeba Debaba iyo tabaraheeda caankaa ee Jama Aden. Waxaa Genzeba ay record kii ugu horreeyey ku jebisay orodkii Ciyaaraha orodada Deddan ee IAAF Indoor Games ee lagu qabtay Karlsruhu, Germany orodka 1500m.

Waxaa Dibaba ay ku oroday saacad ah 3:55.17,halka uu ahaa rekorkii ay jebisay 3:58.28 kaas oo ay dhigtay ciyaartoygoo Russia ee Yelena Soboleva sannadkii 2006. Waxay Dibaba jebisay wiigii xigay Rekorkii orodka 3000m ee lagu qabtay XL Galan Stockholm, Sweden. Iyadoo ku qaaday orodkaa 3000m saacadda 8:16.60.  Waxaa isla wiigii ku xigay ay Dibaba ay Rekordhkii seddexaad ku jebisay orodkii caalamiga ahaa ee Birmingham Indoor Grand Prix ee waddanka Ingirriska. Waxay halkaa mar seddexaad samaysay rekorka orodka 3000m saacadda ah 9:00.48. Dibaba ayaa halkaa ku noqotay ciyaarhankii ugu horreeyey ee saddex rekordh wada jebisa kuwaas oo aha rikoodho caamali ah oo aan si hawl yar loo jebin. 

            Waxaa isla markaa bar bar socday natiijooyinkaa uu Tababare Jama Aden ka dambeeyey, kuwa kale oo ay ciyaaryahanada caalamiga ee uu tababaraayey ay sameeyeen. Waxaa ka mid ahaa guushii Rekordhkii cusbaa ee uu sameeyey ordoyahanka Morocco ee Mohamed Moustaoui ee 1500m, isagoo ku orday saacadda 3:35.0 kaas oo noqday rekorrdhii afaraad ee Jama aden ay kooxdiisu la timaaddo. Waxaa isna door weyn kaciyaaray dhankiisaa Ciyaaryahanka Musaeb Balla ee Qatar oo qaaday billadda dahabka ee Asia orodka800m isagoo ku orday 1:46.82 kaasoo ahaa saacadda ugu wanaagsan ee uu ebid ku orday.

            Waxaa la soo gaadhay bishan March horraanteedii Ciyaarihii IAAF World Indoor Championships lagu qabaneyey Waddanka Poland, magaalada SOPOT. Halkaas oo ahay goob lagu ballamay oo orodyahan walba oo u qalmaa uu u hanqal taageyey. Waa Ordkii Garoonka deddan ee billadaha lagu kala qaadayey. Waxaa ka soo qayb galay  orodyahannada ugu caansan, uguna saacaddaha wanaagsan ee waddama adduunka oo idil. Waxaa sigaar ah farta loogu fiiqayey, lana sugayey ciyaaryahannada tababare Jama Aden, ama sida caalamaka ciyaaraha fudud ay u yaqaanaanba Coach Aden International Team. Waxa aad ugu dheeraaday ka faalloodka, iyo saadaalinta kooxdan saxaafadda ciyaaraha adduunka, iyo dadka xiiseeya orodadda. Waxaa halkaa ka billoowday isreeb reebkii ama heatatkii waxaana aakhirkii isku soo hadhay ciyaaryahanno ka soo gudbay isreebreebkii una qalma billadaha meesha lagu loolamayey. Waxaa kamid ahaa koodxa Jama Aden oo billadaha 1500m, iyo 3000m ugu soo hadhay Oroyahanka Genzeba Debaba, iyo Ayanleh Souleiman oo ah ninka dadka ka faallooda orodada ay yidhaahdeen inuu baahi dheeraad ah u qabo Billadda Dahabkaa oo aanay cida ka hortaagan aanay jirin markay eegeen heerarka kala duwan ee uu soo dhaafay.

 

Waxaa aakhirkii guushii ugu weynayday ee uu Tababare ka helo gaadhay ciyaarahan, tababare Jama Aden oo kooxdiisii ay qaateen labadii billadood ee Dahabkaa ee 3000m, iyo 1500m. Waxaa Ayanleh halkaa ka muujieyey xirfaddo gaar ah oo ku tusinaaya hogaaminta orodka (tactics), kuna salaysnaa habka tababrkii uu markaa ku soo dhaqmay. Waxaa uu ku badiyey saacadda 3:37.52 orodkii 1500m oo billaddii Dahabka ee ugu horreeysay u hantiyey waddankiisa Djibouti. Waxaa sidoo kale biladdii dahabka 3000m ee dumarka si farshaxan leh ku habtiday Genzeba Dibaba. Waxay gabadhani si adag uga hadashay heerka weyn iyo isbedelka sare eeku yimid orordkeeda muddadii ay u soo wareegtay Tababarka Jama Aden. Waxaa maanta aad loola yaabanyey sida xawligaa ee uu tababrahan Jama Aden uu usoo saarayo dhallin ka midaysan hirfado aan looga baran orodada masaafada dhexe ee caalamka.

 

By. Issa Awaleh

 

Share
674831