Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Knicks Head to Utah, Looking to go 2-0 Against Jazz 1.  The Knicks made a furious comeback on Wednesday night in Memphis but the effort just fell short in the 105-99 defeat.  Unfortunately for New York, two crucial plays did not go its way when Kristaps Porzingis was whistled for[…]

    Read more...
  • Phoenix Suns' trade targets: Is Kemba Walker really a good fit? The Suns face the Nuggets on Friday night in Denver. Return for updates. The Suns need a point guard and the Charlotte Hornets reportedly have made 2017 All-Star Kemba Walker available in a trade. On the surface, Walker seems like[…]

    Read more...
  • D'Angelo Russell Cleared to Return from Knee Injury vs. Heat After missing 31 games with a knee injury, D'Angelo Russell will return to the Brooklyn Nets for Friday's game against the Miami Heat.  Per Anthony Puccio of SB Nation, Russell is available for the Nets.    Puccio added that Nets head[…]

    Read more...
  • Why is Kemba Walker on the trade block? Walker's a very good point guard in his prime, but Charlotte needs to clean up a financial mess of its own making.

    Read more...

Other sports news

  • Conte admits Pedro dived and understands his 'mistake' The Blues boss will not be discussing the Spaniard's yellow card for simulation in an FA Cup clash with Norwich as the player knows he made an error

    Read more...
  • Golden boy Robin van Persie returns home to Feyenoord The former Manchester United and Arsenal striker, now aged 34, will hope to finish his impressive career on a high in Rotterdam

    Read more...
  • Alexis battle between Man City & Utd not decided by money - Klopp The Arsenal forward appears to have chosen Old Trafford over the Etihad Stadium, but the Liverpool boss does not think finances are a factor

    Read more...
  • Derby County v Bristol City Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Gary Rowett’s in-form Rams should have enough to see off Lee Johnson’s Robins in this promotion clash, who have lost five in a row in all competitions

    Read more...
  • Former Arsenal and Man Utd striker Van Persie returns to Feyenoord The vastly-experienced frontman is heading back to where it all began after seeing Fenerbahce agree to the termination of his contract

    Read more...

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Dallada Sonyo Ka Difaacay Eedaymaha Uga Yimaada Dhalinyarada Somaliland -

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dalxiiska omaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa dallada dhalinyarada ee Sonyo ka difaacay eedaymo inta badan kaga imanayey dhalinyarada wadanka.

 

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inaanay dalada Sonyo mudan eedaha inta badan loo soo jeediyo.

Ugu horayn agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha oo ka hadlaya eedaymaha inta badan loo soo jeediyey dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ayaa waxa uu yidhi “Waxaad mooda in dadka reer Somaliland iyaga oo aan xog badan hayn inay waxyaalaha qaarkood aad uga hadlaan,arinta Sonyo ee laga hadlayey laguna daabacayey Face-book ee ay dhalinyaro badani ka doodaysay waxaan aad ugu canaanayaan warbaahinta Somaliland, oo aad moodo inaanay

 

xog badan gaadhsiin dhalinyarada waayo warbaahinta waa dadka ugu xogta badan aduunka ee wax walba baadha xaqiiqooyinkana og,  waxa la arkayey in dadkii arintaas soo tabinayey inay xaqiiqada garab marayeen.”

 

Agaasime Maxamed Xuseen Dhabeeye oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay sida ay ku timid dallada Sonyo waxaanu yidhi “Sonyo waa dalad ay ku midoobeen dhalinyarada Somaliland oo samaysatay ururo ka badan 50 oo ka jira guud ahaanba Somaliland mana jirto degmo ka tirsan Somaliland oo aan urur ka mid ahi daladaas ku jirin min bari ilaa galbeed, halkaana waxa ka muuqata inay Sonyo tahay dallad matalaysa dadka ku midoobay adeegna u haysa dhalinyarada Somaliland dedaalkeeduna waa mid aanu aad u soo dhawaynayno oo dadka iyo dalkaba taariikhda u  gali doona.”

Sidoo kale agaasime Dhabeeye waxa uu ka war bixiyey nidaamka maamul ee dallada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo iyo sida ay u shaqayso waxaanu yidhi “waxa jooga dadkii sameeyey, waxa jooga dadkii madaxda ka soo noqday waana meel ay dhalinyarada Somaliland isku badasho oo maalinta tiim loo dhiibo oo kuwii ilaa maalintii ugu horaysay qabtay iyo kuwa maanta jooga la ogyahay inaanay jirin cid ku fashilantay oo ku ceebawday aanay jiri, waana meel aan laysku qabsan waana meel sharciga iyo nidaamka u yaala aad u dhawrta.”

Sidoo kale agaasime Maxamed Xuseen Dhabeeye waxa uu ka hadlay saamaynta ay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha  ku yeelatay eedaymihii kala duwanaa ee loo soo jeediyey dallada Sonyo waxaanu yidhi “Wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska waxa uga timid doodii dhalinyarada ee socotay inay dadka qaar yidhaahdaan wasaarada ayaa fursad siisay Sonyo , waxaanan leeyahay wasaarada xilkeeda ayey haysaa, Sonyana keeda ayey haysaa wada shaqayn ayaana ka dhaxaysa inaanu isla shaqaynana waanu ku khasbanahay, arinaasina maaha mid meel ka dhac anaga nagu ah.”

Ugu danbayntiina agaasime Maxamede Xuseen Dhabeeye waxa uu ka hadlay sanduuqa loogu tala galay horu marinta dhalinyarada Somaliland, waxaanu tilmaamay inaanu sanduuqaasi hoos tagin dalada Sonyo waxaanu yidhi “Sanduuqan loogu tala galay horu marinta dhalinyarada Somaliland Sonyo ma wado manay bilaabin, qaranka Somaliland ayaa iska leh madaxweynaha ayaana hormood ka ah laakiin dalada Sonyo qayb ayey ka tahay intii kaga beegnayd xilkeedana si fiican ayey uga soo baxday laakiin maaha mid Sonyo ay leedahay oo ay lacag ku urursanayso  oo iyada meel ugu dhacaysa,  arintaasna waa inay dadka somaliland fahmaan, Sanduuqana waxa lagu wajahayaa caqabad weyn iyo dhibaatooyin haysta dhalinyarada Somaliland oo kuligeen aynu dareemayno  iyada oo dhalinyaradu ay ugu badan yihiin dalka.”ayuu yidhi agaasime Maxamed Xuseen Dhabeeye

 

Share
674829