Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • Jordan Bell on sprained left ankle: “I'm good. It's not broken” CHICAGO – The locker room door swung open. Slowly, Warriors rookie Jordan Bell exited toward the arena hallway, the sound of his crutches and walking boot appearing to give both a visual and audio signal of his physical well-being. Two[…]

    Read more...
  • Clippers Overcome Late Scare, Beat Nuggets LOS ANGELES — The Clippers (23-21) extend their season-best winning streak to six after beating the Nuggets (23-22), 109-104 Here are five quick takeaways from the Clippers win/loss. 1) Unusual suspects close game — The Clippers flipped the script at[…]

    Read more...
  • Cleveland Cavaliers' Zydrunas Ilgauskas honored with Lifetime Achievement Award at CLE Sports Awards CLEVELAND -- Former Cleveland Cavaliers center Zydrunas Ilgauskas was honored with the Lifetime Achievement Award at the 18th Greater Cleveland Sports Awards at the Renaissance Cleveland Hotel Downtown Wednesday. Selected in the first round of the 1996 NBA Draft, Ilgauskas[…]

    Read more...
  • Clippers hang on to beat Nuggets 109-104 for 6th win in row The Clippers' bench narrowed a 10-point deficit to one heading into the fourth quarter, and Los Angeles hung on for a 109-104 victory over the Denver Nuggets on Wednesday night. Blake Griffin had 20 points and 12 rebounds, Montrezl Harrell[…]

    Read more...
  • Elias Sports Bureau Thompson and Curry reign threes on the Bulls Klay Thompson made seven three-point field goals in a 38-point performance and Stephen Curry made six shots from beyond the arc while scoring 30 points in the Warriors' win[…]

    Read more...

Other sports news

  • Jordan Ayew and Wilfried Bony fire Swansea City to FA Cup fourth round The African stars ensured Carlos Carvalhal’s side progressed to the next round of the tournament after netting a goal each on Wednesday night

    Read more...
  • Morsy scores as Wigan Athletic stun Bournemouth in FA Cup replay The Egyptian inspired the Latics past the Cherries in their FA Cup third round game on Wednesday

    Read more...
  • 'Mkhitaryan will be fantastic for Arsenal' - Neville backs Man Utd exit The former Red Devils star claims that the Gunners could end up "better" for their January deals, with Pierre-Emerick Aubameyang another mooted target

    Read more...
  • What is VAR? The video assistant referee system's World Cup & Premier League future The use of video technology has been a major talking point and promises to remain so over the coming months ahead of the World Cup in Russia

    Read more...
  • Video: Neymar beats entire Dijon team for his hat-trick goal Neymar sealed his hat-trick for PSG with a stunning piece of individual skill, running from his own half and taking on the entire Dijon team

    Read more...

Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Furay Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Ee Xawaadlle

Maayarka Caasimadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa xadhiga ka jaray dib-u-dhis iyo ballaadhin lagu sameeyey garoonka kubadda cagta Xawaadle ee Degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa gellinkii dambe ee maanta.

 

Xaflad si qurux badan loo agaasimay oo loo sameeyey furitaanka garoonka Kubadda ee Xawaadle, waaxa ka qaybgalay Maayirka iyo ku-xigeenka Hargeysa, Wasiirka Waxbarashadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshadda ee Golaha Wakiillada Md. Xasan Cawaale Caynaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), Xoghayaha Gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland, xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka, guddida xaafadda Xawaadle iyo dhallinyaro ciyaartoy ah oo aad u badan.

Maayirka caasimadda Hargeysa oo xafladda furitaanka ah hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in dhismaha lagu sameeyey garoonka kubbadda ee Xawaadle ay ku baxday lacag dhan ilaa $38 kun oo doollar, dhaqaalahaas oo uu xisay inay iska kaashadeen dawladda Hoose iyo dhallinyarta xaafadda Xafaadle ee magaalada Hargeysa, iyadoo garoonka la ballaadhiyey, loona sameeyey dayr ku wareegsan iyo kaabaddo dhaareer oo loogu tallogalay in dadka ciyaaraha daawada ku fadhiistaan.

“Markii hore waxaannu ku talogalnay inay Dawladda Hoose qalabka bixiso, gacantana ay bixiyaan ganacsaatadu, laakiin markii aannu ganacsatadii waxba ka weynay, dhallinyarta iyo annaga ayuun baa isku tashanay, lacagta ku baxdayna waa ilaa $38,000 (Siddeed iyo soddon kun oo doollar). Marka laga tago wixii ku baxay gawaadhida shaqaynsay, dhallinyaraduna waxay keeneen $8 kun oo doollar, inta kalena Dawladda Hoose ayaa ku deeqday, hawshanina waa mid bilaw ah, marka garoonkan dhammaado, waxaannu bilaabaynaa garoonka kubadda ee Gacan-libaax. Dadka garoomada ciyaalku ku ciyaarayaan sheeganayana waxaannu u sheegaynaa in aanaan cidna dhul beddel u samaynayn,” ayuu yidhi maayirka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko.

Waxa kaloo maayirku sheegay in welin qabyo yar ka dhiman tahay garoonka Xawaadle, uguna deeqay si shaqsiyan ah lacag dhan $2 kun oo doollar, iyadoo maayirka la guddoonsiiyey shahaado-sharaf lagu siiyey sida hufan ee uu ugu hagar baxay dib-u-dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Xawaadle.

Sherkh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (AadanSiiro) oo si gaar ah u deggen xaafadda Xawaadle, ayaa ayaa dawladda Hoose ee Hargeysa uga mahadceliyey sidda ay uga qaybqaateen dhismaha iyo ballaadhinta garoonka Xawaadle, isagoo xusay in isaga iyo Wasiirka Waxbarashaddu lacag ugu deeqayaan si loo dhamaystiro qabyada ka muuqata garoonka.

“Aniga oo odayaasha xaafadda ka mid ah, waxaannu u mahadnaqaynaa dadka qiimaha leh ee dib-u-dhiska garoonka ka shaqeeyey, dhallinyaradeennuna waxay u baahan yihiin goobo ay ku ciyaaraan, annagu horena waannu ugu jirney immikana ka hadhi mayno. Samsam Cabdi Aadan (Wasiirka Waxbarashadda) hoos bay wax iigu sheegtay oo $2 kun oo doollar ayey ku deeqday, aniguna intaas in leeg ayaan ku deeqayaa,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Mr. Cali Axmed Cali oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dhismaha garoonka hore gacan uga gaysteen, xilligana diyaar u yahay inuu ka qaybgalo wixii lagu qabyo tirayo garoonka, isagoo xusay in madaxtooyadu bixin doonto kharashka ku baxaya tartanka ugu horreeya ee garoonka lagu qabto.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshadda ee Golaha Wakiillada Md. Xasan Cawaale Caynaan, ayaa isugna ballanqaaday qayb muhiim ah ka qaadan doono sidii loo dhamaystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman garoonka Xawaadle oo uu ugu horreeyo rood doog ah in la dhigo, kharash arrintaas lagu daboolana qaadhaan ahaan kaga ururin doono mudanayaasha Golaha Wakiillada.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Nimcaan Cabdi Cali oo ka tirsan dhallinyaradda Xaafadda Xawaadle, isla markaana ka qaybqaatay dedaalkii dib-u-dhiska loogu sameeyey garoonka kudbadda cagta, isagoo  u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaystay hawlaha la xidhiidha Garoonka Xawaadle oo uu xusay inuu yahay mid hal-bawle u ah  degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa.

 

Share
673528