Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • How serious a threat are Steph Curry's ankle injuries to his career? Call it a tweak or a slip or a mild sprain. But really, call it like it is, time to worry. When Steph Curry folded his ankle against the Pelicans on 4 December, there was concern. Barely a month later,[…]

    Read more...
  • Jordan Bell on sprained left ankle: “I'm good. It's not broken” CHICAGO – The locker room door swung open. Slowly, Warriors rookie Jordan Bell exited toward the arena hallway, the sound of his crutches and walking boot appearing to give both a visual and audio signal of his physical well-being. Two[…]

    Read more...
  • The most significant reason behind the Warriors' success on the road is... The Warriors own the NBA's best record. That's no surprise. But how they got there is. 21-3 on the road? Six home losses? What's going on?

    Read more...
  • Clippers Overcome Late Scare, Beat Nuggets LOS ANGELES — The Clippers (23-21) extend their season-best winning streak to six after beating the Nuggets (23-22), 109-104 Here are five quick takeaways from the Clippers win/loss. 1) Unusual suspects close game — The Clippers flipped the script at[…]

    Read more...
  • LOS ANGELES (AP) Blake Griffin had 20 points and 12 rebounds, and the Los Angeles Clippers held off the Denver Nuggets 109-104 on Wednesday night for their season-high sixth straight win. Montrezl Harrell added 18 points and Lou Williams had[…]

    Read more...

Other sports news

  • January transfer news & rumours: Neymar to headline new Madrid attacking trio Goal takes a look at the biggest transfer rumours from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond as we head into the winter window

    Read more...
  • Manchester United January transfer news LIVE: Bale in talks over Old Trafford move Goal brings you all the latest news, rumours and deals related to the Red Devils as the January transfer window heats up

    Read more...
  • Wenger coy on Aubameyang as Arsenal move for Malcom collapses The Gunners continue to be heavily linked with a move for the Borussia Dortmund striker, but will not be landing the Bordeaux forward in January

    Read more...
  • Leganes v Real Madrid Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Madrid have been struggling up front and we think the well organized hosts can keep the score down in this Copa Del Rey quarter final first leg

    Read more...
  • Burnley v Manchester United Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Our tipster thinks that Jose Mourinho's men will claim all three points without conceding when they travel to Turf Moor in the top flight on Saturday

    Read more...

Farriin Culus: Suldaanka Guud Ee Somaliland iyo Haldoorka Kale Oo Hanjabaad Ka Dhan Ah Dhulka Masalleha Ee Ciidanku La Wareegay U Diray Madaxweyne Siilaanyo

Suldaanka Guud ee Beelaha somaliland,Cuqaasha wax garadka iyo Dadka Daga Xaafada Masalaha Koonfureed ee Magaalada hargaysa ayaa maanta Go’aamadii ugu danbeeyay ka soo saaray Saddex garoon oo ku yaala Xaafada oo Taliyaha Ciidanka qaranku iibiyay sida ay shegeen Gacantiisa ku iibiyay.

 

Suldaanka Guud ayaa sheegay in hadii Xukuumadu 24saacadood wax kaga qaban waydo in ay Geeri ka Xigaan,Xaalada deegaanka ka taagan ayaa ah Mid Aad u adag Koobtaasna waxa lagu soo daayiyay 600 Ciidan kor u dhaafaya oo Millatari ah.

Guddoomiye Ku Xigeenka Gudida Horumarinta Beesha Ciida Gale Caaqil cabdirisaaq Maxamed Askar ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanku Joon-mitir ka noqday Dhulkuu danta Guud ahaa ee umadu wada lahayd,isla markaas Saddex garoon oo dhalinyarada xaafadu ku ciyaari jirtay uu sees ku wareejiyay.

Madaxwaynaha somaliland ayaa ay baaq u direen iyaga oo u soo jeediyay in hadii uu Xaalada Adag ee Meesha ka taagan wax ka qaban waayo ay gacantooda wax kaga qaban doonaan, Caaqil cabdirisaaq Maxamed Askar  oo ugu Horan Madasha ka hadlay ayaa sheegay.

“Arinka ugu wayn ee aanu Maanta ka hadlaynaa waxa weeyaan Dhibtaada ka taagan Xaafada Masalaha oo Ciidan Millatari ahi Xoog ku haystaan,Waligayna Ciidan Xuduudaha ilaaliya Mooyaane Maan Arag Ciidan Joon-mitir Ah oo Dhulka Cabiraya Dadkana Ka iibinaya Waligay Anigu Maan Maqal Maanta ka Horow,dad danyar ah ayaanu Meesha ka qaad-nay oo aanu ku nidhi dhulkan dan guud ayaa laga dhigayaa,Meeshii dadkaas laga qaaday Hada sees ayaa lagu wareejiyay waxaana lagta iibiyay dad shacab ah.

Caaqil cabdirisaaq Maxamed Askar waxa uu intaas ku daray”.Saddex Garoon oo dhalinyaradu ku ciyaari jirtay oo uu bixiyay Maayarkii Hore ee Hargaysa Jiciir Bixiyay,Birihii Waa laga saaray Sharciga Dawlada Hoosena Dan Guud ayay ugu Jirtaa,ismaaciil shaqale Taliyaha Ciidanka qaranka ayaa seesaya halkaas aanu taaganay hada madhaafi karno Meeshaba Ciidan ayaa haysta,Sidii Barigii dalka fashaqtu haystay ayaanu saddex habeenba Dadka Xaafadan dagani Shanta Galab-nimo hoyanayeen,Madaxwayne Hadaad Afar iyo labaatan Saacadood aad go’aan kaga soo saari waydo Dadka Nin Qori la’i kuma Jiro.

Caaqil Rashiid Rashiid Maxamed Jaanbiir Oo Ah gudoomiyaha Guddida Horumarinta Beesha Cidagale ayaa sheegay in hadii Xukuumadu Talaabo ka Qaadi Waydo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ay ku edeyeen inuu dhulkii Garoonada ahaa ee danta guud ku jiray uu Xoog ku dhistay isla markaasna sees ku wareejiyay,Waxaana uu sheegay Caaqil Rashiid in hadii 24 saacadood Xukuumadu Wax kaga Qaban waydo ay talaabo ka qaadi Doonaan.

“waxaanu Xukuumada u sheegaynaa hadii 24saacadood oo isku waree ah wax kaga qaban waydo Xaalada Masalaha ka taagan ee saddexda dilaaliinta u ah in shaqale ee uu ka mid yahay taliyaha hawl galinta Ciidan qaranka iyo Taliyaha qaybta hadii uu madaxwayne Siilaanyo talaabo ka qaadi waayo dagaal ayaanu ka xignaa waanan galaynaa.

Caaqilku waxa uu sheegay in Tobanka Subaxnimo ee aroorta wax kaga qaban waayo Madaxwaynaha somaliland in ay dagaal ka xigaan “ Boqol Nin hadii Madaxwayne ku dhimanayso Dagaal ayaanu ka xignaa oo seeskaas la dhisay gacan tayada ayaanu ku duminaynaa wixii donaana ha ka dhacaane,Aqbali mayno in Halkii dhalinyaradu ku ciyaaraysay lasiiyo dad gaar ah.

Wasiirkii hore ee wasaarada cadaalada Somaliland Mudane Dhoolllayare ayaa isaguna Sheegay in Aanay waligeed dhicin in garoonkii Dhalinyaradu ku ciyaaraysay cid gaar ah lasiiyo kuwaas oo uu dhibka ka yimaada Goobtana Dusha u saaray Taliyaha Ciidanka qaranka waxaana uu yidhi.

“Dhibaatada meesha taala waxa weeyaan Hadii Xukuumadu Qorshe u samayn waydo Dhalinyarada xaafada oo garoonkii ay kubada ku ciyaarayeen iibiso Tukaamo la Boobo daaye Wax la boobayaa Xafiis-yada Dawlada,Xafadan marka laga soo bilaabo calaamadaha ilaa Masalaha Iskuul dhexe kuma Yaalo,Xarun Caafimaad maleh suuq maleh meeshii la is yidhaa uga dhigana Waa laqaatay markaas waxaan leeyahay dadwaynaha,Anigu Nabad Galiyo Darada Majecli danta guud Ayaan u hadlayaa.

Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo isaguna Madasha ka hadlay ayaa soo jeediyay in nabad wax lagu raadiyo xaalada ka taagan Deegaankana Xukuumadu dhagaha u furato,Xaalada ka taagan Masalaha waxa uu ku sifeeyay mid cidii ku shaqo lahayd ka gaabisay isaga oo cadeeyay inta ay nabadu joogto in Xal loo raadiyo Meeshan.

Suldaaan Maxamed Suldaan Cabdi qaadir oo ah Suldaanka Guud ee Salaadiinta Somaliland  ayaa sheegay in dhulkii dhalinyaradu ku ciyaaraysay uu la wareegay Taliyaha Ciidanka qaranka oo ku sifeeyay Taliye Joon-mitir ah.

“Madaxwaynahu Meeshan shan guddi ayuu u diray Haddana Gudiddaas uu u diro Kalsooni kuma Qabo oo markiiba Mid Kale ayuu ka daba Saraa, Madaxwaynaha oo meeshan indhihiisa ku arko mooyaane Cid kale ama guddi uu u saaro ka fiirsan mayso, waxaan leeyahay ciddii Ciidanku ka iibiyeen dhulkan   meeshan haku soo lugu’inna, Birihii Garoonka Haddii lagu celin waayo Maanta annaguna Habeenkaa caawa ah ayaanu   Bur-burin dhammaan seeskaas la dhisay oo dhan.

waxa uu intaas raaciyay suldaanku. “ haddii ay xabad noqoto annaga Qoryahayagii  Meel ayay noogu duu-duuban yihiin, Madaxwayne Hanjabaad nagama Ah ee waa naga dhab, Haddii 24Kaas saacadood ee aanu u qabanay wax lagaga qaban waayo Geeri ayaanu ka xignaa”.sidaas ayaa uu yidhi suldaanka guud.

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida,Caaqil Cabdi wali, Muj Xasan Guure dhalinyarada xaafada,wax garadka iyo dhamaan salaadiintu waxa ay shegeen in hadii Xukuumadu Go’aan Cad caawa ka soo saari waydo Deegaankaasi in ay Talaabo khal-khal Galisa Xaalada dalka ay samayn Doonaan waa sida ay hadalka u dhigeen,waxaana ay baaq ku wajahan madaxwaynaha somaliland ku shegeen in ay uga fadhiyaan intaanay dhibaato iman inuu Gacantiisa wax kaga qabto.

 

Share
673584