Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • How serious a threat are Steph Curry's ankle injuries to his career? Call it a tweak or a slip or a mild sprain. But really, call it like it is, time to worry. When Steph Curry folded his ankle against the Pelicans on 4 December, there was concern. Barely a month later,[…]

    Read more...
  • Jordan Bell on sprained left ankle: “I'm good. It's not broken” CHICAGO – The locker room door swung open. Slowly, Warriors rookie Jordan Bell exited toward the arena hallway, the sound of his crutches and walking boot appearing to give both a visual and audio signal of his physical well-being. Two[…]

    Read more...
  • The most significant reason behind the Warriors' success on the road is... The Warriors own the NBA's best record. That's no surprise. But how they got there is. 21-3 on the road? Six home losses? What's going on?

    Read more...
  • Clippers Overcome Late Scare, Beat Nuggets LOS ANGELES — The Clippers (23-21) extend their season-best winning streak to six after beating the Nuggets (23-22), 109-104 Here are five quick takeaways from the Clippers win/loss. 1) Unusual suspects close game — The Clippers flipped the script at[…]

    Read more...
  • LOS ANGELES (AP) Blake Griffin had 20 points and 12 rebounds, and the Los Angeles Clippers held off the Denver Nuggets 109-104 on Wednesday night for their season-high sixth straight win. Montrezl Harrell added 18 points and Lou Williams had[…]

    Read more...

Other sports news

  • January transfer news & rumours: Neymar to headline new Madrid attacking trio Goal takes a look at the biggest transfer rumours from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond as we head into the winter window

    Read more...
  • Manchester United January transfer news LIVE: Bale in talks over Old Trafford move Goal brings you all the latest news, rumours and deals related to the Red Devils as the January transfer window heats up

    Read more...
  • Wenger coy on Aubameyang as Arsenal move for Malcom collapses The Gunners continue to be heavily linked with a move for the Borussia Dortmund striker, but will not be landing the Bordeaux forward in January

    Read more...
  • Leganes v Real Madrid Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Madrid have been struggling up front and we think the well organized hosts can keep the score down in this Copa Del Rey quarter final first leg

    Read more...
  • Burnley v Manchester United Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Our tipster thinks that Jose Mourinho's men will claim all three points without conceding when they travel to Turf Moor in the top flight on Saturday

    Read more...

GUDDAHA KA AKHRI: WASAARADDA CIYAARAHA OO JAWAAB KA BIXISAY EEDAYMO UGA YIMID XISBIGA UCID

Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa luuqad adag kaga jawaabtay iskana fogaysay Eedaymo xaqiiqda ka fog oo uga yimid Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

War Saxaafadeed uu Maanta soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, Samatar Maxamed Cabdilaahi, oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan.

 

War-saxaafadeed:

Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, waxay halkan jawaab kaga bixinaysaa Eedaymo been abuur ah oo xaqiiqda ka fog oo Xisbiga UCID ku duray wasiirka wasaaradda Md. Cali Siciid Reygal kana soo baxay xafiiska Xoghayaha War-faafinta Xisbiga UCID, kuwaas oo la xidhiidhay in wasiirka iyo wasaaradduba ka gaabiyeen shaqadii ay u xilsaarnayeen.

Waxaanu ka xunahay in Xisbiga UCID ay iska dhaleeceeyaan ciday doonaan iyaga oo aan wax xog ah raadin, waana u caado cambaaraynta iyo eedaynta indho la’aanta ah ee ay haddba cid kala dul dhacaan. Mana aha wax khuseeya inay ka hadlaan oo ay yidhaahdaan hadba Madaxweyne hebel xilka ka qaad, ee waxaa ku waajiba inay ku eekaadaan Xisbigooda, baylahdoodanaay jiho u sameeyaan. Waxaa kale oo aanu ka xunahay in xisbiga UCID uu macno fool xun uu sameeyo hawl-gallada ciidanku uu Amaanka ku sugayo ee lagu xakamaynayo dhallinyarada fidmawday.

Waxaan u sheegaynaa UCID iyo kuwa fikirkooda qaba in maanta marxaladda dhallinyaradu ay meel wanaagsan marayso loona sameeyay sanduuq lagu horumarinayo, sidoo kale dallada ay ku bahoobeen ee SONYO dhisme qurux baddan loo bineeyay. Laakiin arrinta Tahriibtu waa aafo qaran oo wax ka qabadkeedu aanu ku eekayn xukuumadda iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha una baahan qorshe midaysan oo loo wada dhan yahay.

Xisbiga UCID waxaanu u meel dayin arrinta xidhiidhada waxaanu u sheegaynaa in xidhiidhada Olombikada iyo ciyaaruhuba ay shaqeeyaan, lana yimaadeen dedaalo dheeraad ah taas oo sababtay in muddo xileedkoodii hal sanno si ku meel-gaadh ah ugu kordhinay. Tartanka ciyaaraha gobollada waxaa qorshihiisu yahay mid ka duwan kana qurux baddan tartamadii hore maadaama dunida si toos ah looga daawado, waxaana qorshaha koowaad yahay in garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium lagu goglo dooga macmalka oo maanta laga soo dejinayo dekedda Berbera, waxaana marka hawlaha qorshaha ee tartankaasu noo dhamaado aanu shaacin doona wakhtiga macquulka ah ee aanu qaban doono haddii Alle Idmo.

Eedaynta indho la’aanta ah ee xisbiga UCID waxay gaadhay heer ay ka been abuuraan orod yahano reer Somaliland ah oo dalka ku sugan kana qeyb-gali doona tartanka Jabouti Half Marathon oo bisha March qabsoomaya, inay ku beer abuuraan inay Muqdisho tageen taasina waxay cadaynaysa xogogaal la’aanta iyo cambaaraynta aan hubsiimada lahayn ee xisbiga UCID ku caano maalay. Waxaana Somaliland markii 4-aad oo xidhiidh ah ay ka qeyb-galaysa bisha Marchorodka Half Marathon ee dalalka Geeska Afrika ka qeyb-galaan oo Jabuuti ka dhacaya.

Ugu dambeyntii waxay ahayd in Xisbiga UCID haddii uu Tafaasiil u baahan yahay uu wasaaradda la soo xidhiidho, sidoo kalena war saxaafadoodkoodii waxa ka muuqday xogogaalnimo la’aan iyo dareen caadifad ku dhisan, xisbi qarana waa looga wanaagsan yahay inuu arimhaasi oo kale bulshadda la hor yimaaddo.

Afhayeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska JSL.

 

Samatar Maxamed Cabdilaahi

Share
673583