Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • How serious a threat are Steph Curry's ankle injuries to his career? Call it a tweak or a slip or a mild sprain. But really, call it like it is, time to worry. When Steph Curry folded his ankle against the Pelicans on 4 December, there was concern. Barely a month later,[…]

    Read more...
  • Jordan Bell on sprained left ankle: “I'm good. It's not broken” CHICAGO – The locker room door swung open. Slowly, Warriors rookie Jordan Bell exited toward the arena hallway, the sound of his crutches and walking boot appearing to give both a visual and audio signal of his physical well-being. Two[…]

    Read more...
  • The most significant reason behind the Warriors' success on the road is... The Warriors own the NBA's best record. That's no surprise. But how they got there is. 21-3 on the road? Six home losses? What's going on?

    Read more...
  • Clippers Overcome Late Scare, Beat Nuggets LOS ANGELES — The Clippers (23-21) extend their season-best winning streak to six after beating the Nuggets (23-22), 109-104 Here are five quick takeaways from the Clippers win/loss. 1) Unusual suspects close game — The Clippers flipped the script at[…]

    Read more...
  • LOS ANGELES (AP) Blake Griffin had 20 points and 12 rebounds, and the Los Angeles Clippers held off the Denver Nuggets 109-104 on Wednesday night for their season-high sixth straight win. Montrezl Harrell added 18 points and Lou Williams had[…]

    Read more...

Other sports news

  • January transfer news & rumours: Neymar to headline new Madrid attacking trio Goal takes a look at the biggest transfer rumours from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond as we head into the winter window

    Read more...
  • Manchester United January transfer news LIVE: Bale in talks over Old Trafford move Goal brings you all the latest news, rumours and deals related to the Red Devils as the January transfer window heats up

    Read more...
  • Wenger coy on Aubameyang as Arsenal move for Malcom collapses The Gunners continue to be heavily linked with a move for the Borussia Dortmund striker, but will not be landing the Bordeaux forward in January

    Read more...
  • Leganes v Real Madrid Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Madrid have been struggling up front and we think the well organized hosts can keep the score down in this Copa Del Rey quarter final first leg

    Read more...
  • Burnley v Manchester United Betting Preview: Latest odds, team news, tips and predictions Our tipster thinks that Jose Mourinho's men will claim all three points without conceding when they travel to Turf Moor in the top flight on Saturday

    Read more...

Hargeysa: Dhallinyaro La Barey Xirfadda Feedhka Oo Xaflad Loo Qabtey

Machadka jidh dhiska, Jimicsiga iyo barashada xirfadda feedhka oo ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa shalay xaflad u qabtey 9 dhallinyaro ah oo la baray xirfadda feedhka.

 Dhallinyaradan oo muddo baranayey feedhka iyo hababka kala duwan ee la isku difaaco karo, ayaa waxa xafladda loo qabtey ka qayb-galay Masuuliyiin ka socday laamaha dawladda Somaliland, sida Golaha deegaanka Hargeysa iyo xubno kale oo muhiim ahaa.

Xafladda loo qabtey qallin-jabinta dhallinyarada feedhka la baray oo sidoo kale ay barbar socotay soo gabogabeynta tartan dhanka feedhka ah oo iyaga loo dhex marey, ayaa waxa hadallo ka jeediyay Masuuliyiintii ka qayb-galay iyo Maamulka Machadka Bilkhayr GYM.

Xildhibaan Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) oo ka socday golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay Machadka Tababarkan bixiyey ku amaanay shaqada uu u hayo guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan dhallinyarada ku dhaqan Hargeysa, siiba kuwooda xiiseeya jidh-dhiska iyo xirfadaha feedhku ka mid yahay. Waxaanu Maamulka Machadkaasi ku daraadaarey inay halkaasi ka sii wadaan isla-markaana aanay ka daalin hawshoodan oo ku macneeyay mid loo baahan yahay yar iyo weynba.

Munaasibaddaasi oo sidoo kale ka hadleen Masuuliyiin kale oo door ah, ayaa waxa gabogabadii ka hadlay Mulkiilaha Machadka Bilkhayr GYM,  Siciid Ismaaciil Geeddi, waxaanu si kooban uga hadlay Taariikhda Machadkaasi iyo mudada uu shaqeynayey. Siciid wuxuu sheegay in Machadka ay hirgeliyeen sanadkii 2007-dii, ilaa wakhtigaana ay ka qallin-jabiyeen dhowr dufcadood oo bartay xirfado badan, kuwaasi oo uu feedhku ka mid yahay “Taariikhda GMY-ka Bilkheyr waxaanu bilawnay 2007, mana aha dufcaddii ugu horeysay ee ka barata xirfadda feedhka, laakiin waxa jiray dufcado ka horeeyay, hasa-yeeshee dhalinyaradan ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee aanu u qabano tartan feedhka ah oo iyaga dhex mara..” ayuu yidhi, Mulkiilaha Machadkaasi, Siciid Ismaaciil Geeddi.

Share
673575