Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

WARBIXIN: Waa Kuwee Sideeda Kooxood Ee Iskugu Soo Hadhay Tartanka Koobka African Nations Cup Uk? Goorma Ayaase La Ciyaari Doonaa Kulamada Sideed Dhamaadka Tartankan?

Waxaa 30kii bisha May dalka ingiriiska ka bilawday koobka African Nations Cup UK oo ay ciyaaraan bulshooyinka qurba jooga ku ah dal waynaha UK. Tartanka koobkan oo sanadle ah ayay sanadkan ka soo qayb galeen 20 wadan kuwaas oo loo kala qaybiyay shan group oo min shan xul qaran ku wada jireen.

 

Haddaba waxaa la soo gabagbeeyay heerka group-yada iyada oo 8 kooxood oo ka mid ah 20 kii kooxood ee koobkan ku tartamayay ay hadda iskugu soo hadheen sideed dhamaadka koobka African Nations Cup Uke e 2015 ka.Group kasta waxaa ka soo baxayay labada koxood ee helay dhibacaha ugu sareeya halka Group kasta ay ka hadhayeen saddexda kooxood ee dhibcaha ugu hooseeya helaa.

Waxyaabaha layaabka ah ee tartankani intii uu socday ka dhacay ayay ka mid tahay in kooxdii koobkan difaacanaysay ee Sierra Leone ay ku hadhay heerka Group-yada waxaana sidoo kale tartankan heerka group-yada ku hadhay kooxda saddexda jeer ku guulaystay ee xulka qaranka Nigeria.

Waxa kale oo waxyaabihii indhaha soo jiitay ka mid ahaa in kooxda xulka qaranka Somaliland oo markii ugu horaysay koobkan ka soo qayb gashay ay wacdaro ka dhigay isla markaana ay ka mid noqotay sideeda kooxood ee iskugu soo hadhay quarter finalka koobka African Nations Cup UK.

Iyada oo koox kastaaba ciyaaraysay afar kulan ayaa koox kasta oo group keeda ka soo baxaysa laga doonayay inay ugu yaraan hesho dhibcaha labaad ee ugu badan waxayna Somaliland guulaysatay saddex kulan iyada oo 9 dhibcood ka urursatay halka ay hal kulan guuldaraysatay waxayna sidaa kaga mid noqotay sideeda kooxood ee wareega sideed dhamaadka u soo gudbay.

Somaliland ayaa ku jirtay Group B  oo ay kuwada jireen afarta xulka qaran ee Nigeria, Rwanda, Kenya iyo Burundi.  Somaliland ayaa kulankii ugu horeeyay guul ka gaadhay Nigeria oo ay 1:0 ku garaacday, waxayna sidoo kale 1:0 ku muquunisay xulka qaranka Kenya haka ay 4:0 ugu awood sheegtay xulka qaranka Rwanda, laakiin Somaliland ayaa guuldaradii kowaad kala kulantay kooxda xulka qaranka Burundi oo ay groupka B ka soo wada baxeen.

Haddaba waa kuwee sideeda kooxood ee ku tartami doona sideed dhamaadka African Nations Cupku? Goorma ayaase la ciyaari doonaa kulamada sideed dhamaadka koobkan?.

Kulamada sideed dhamaadka African Nations Cup UK ayaa la ciyaari doonaa maalinta sabtida ah ee 6da bisha June waxayna kulamadani ka dhici doonaan West Ham Memorial Grounds. Waxayna Quarter finalka iskugu soo hadhay Somaliland, Uganda, Burundi, Cameroon, Ghana, Ivory Coast, Morocco iyo Senegal.

 

Share
651247