Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

WAR SAXAAFADEED

Bangiga Dhexe ee Kenya oo Qaaday Xayiraaddii Saarnayd Adeegyada Dahabshiil ee Kenya dhexdeeda.

Baanka Dhexe ee Kiinya (CBK) waxa uu maanta ka qaaday Shirkadda Dahabshiil xayiraaddii saarnayd xafiisyadeeda Kiiniya. Waxa aanu ku faraxsanahay xafiisyada shirkadda e Kenya oo dhan ay hawshoodii si buuxda u gudanayaan isla maantaba. Dawladda Kiiniya waxay hore u laashay ruqsadihii sharci ee ay haysteen dhammaan sharikadaha xawaaladaha ee ka hawlgala Kiiniya,  7-dii bishii April 2015.

 

Dawladda Kiiniya waxay baadhitaan iyo dib-u-eegis ballaadhan oo dhinac kasta ah ku samaysay hawlaha, hab-dhaqanka, siyaasadda iyo adeegyada Shirkadda Dahabshiil ee Kiiniya dhexdeeda, waxayna ku qanacsan tahay in Shirkadda Dahabshiil ay si buuxda u dhawrto sharciga, si adagna ugu dhaqanto xeerarka ka-hortagga isticmaalka iyo rogrogga lacagayowga xaraanta ah ee sharci-darrada ah, iyo kuwa ka-hortagga argagixisada iyo maalgelintooda.


Shirkadda Dahabshiil waxa ay sii wadi doontaa feejignaanta ay u leedahay ku-dhaqanka shuruucda u yaalla dalka Kenya.

 CEO DAHAB SHIIL GROUP

Maamulaha Guud ee Shirakadda Dahabshiil Mudane Cabdirashiid Dahabshiil oo arrintani ka hadlay waxa uu yidhi:"Waxannu si weyn ugu faraxsannahay in aannu noqonnay shirkaddii ugu horraysay ee xawaaladaha ee dib u heshay ruqsaddeedii Kiiniya dhexdeeda, dibna u furta adeegyadeedii xawaaladda ee Kiiniya. 

 

“Shirkadda Dahabshiil waxay ka hawgashaa oo adeegyadeedu ay ku baahsan yihiin ilaa 126 dal oo adduunka ka kala tirsan, oo ay ku jiraan Kiiniya, Ingiriiska, iyo Maraykanku. Waxayna shirkaddu dhawrtaa oo ay ixtiraamtaana sharciyada iyo xeerarka u kala yaalla dalalkaasi, dal kasta goonidiisa. Adeegyadaasi Shirkadda Dahabshiil ay u fidiso dadweynuhu waa kuwa muhiim u ah nolosha dadweynahaasi oo ay ku tiirsan yihiin dadka isticmaalaa, si ay u daryeelaan qoysaskoodii iyo ehelkoodii, uguna diraan kharajyada kaga soo aada waxbarashada caruurta, caafimaadka, nolol-maalmeedka, iwm . Waxa kale oo adeegyada xawaaladdu kaalin ku leeyihiin socodsiinta meheradaha oo shaqooyin aan cadad lahayni ka abuuraan si toos ah iyo si dadbanba.

 

“Waxa kale oo aannu ku faraxsananahy in aannu dib u bilawno adeegyadii iyo wada-shaqayntii naga dhaxaysey hay’ado iyo ururro badan oo caalami ah, kuwaasi oo uga faa’iideeya barnaamijyadooda adeegyada shirkadda si ay u socodsiiyaan mashaariic fara badan oo la xidhiidha taakulaynta arrimaha bani’aadminimada iyo barnaamijyada horumarinta.

 

Shirkadda Dahabshiil waxay kale oo kaalin weyn oo mudan ay ka qaadataa kobcinta dhaqaalaha dalka ay ka shaqayso, sida Kiiniya.  Waxa kale oo ay gacan ka geysataa abuurista boqolaal kun oo fursado shaqo ah,  oo iskugu jira shaqaale ay toos u qaadato shirkaddu iyo kuwa shaqooyin ka hela maalgelinta ka imanaysa hantida faraha badan ee xawaaladda ah ee la soo mariyo, sidaasi awgeedna waxay shirkaddu ka qayb qaadataa yaraynta saboolnimada.

Dhinaca kale, shirkaddu waxay caawisaa dadweynaha ama mujtamacyada dalalka ay ka hawlgasho oo Kiiniya ka mid tahay. Waxayna 10% faa'iidada ay hesho dib ugu celisaa oo ku maalgelisaa mashaariicda la xidhiidha daryeelka banii'aadminimo iyo mashaariicda horumarinta dadweynaha,  mashaariic oo ay ka mid yihiin  dhismaha dugsiyada ama iskuullada, cusbitaallada, gurmadka xaaladaha deg degga ah, jidadka, buundooyinka iyo helidda biyo nadiif ah oo la cabbo. 

 

 

Share
651241