Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Kooxda ku Ciyaarta Magaca Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka ee Gobolka Togdheer Oo la Gudoonsiiyey Agab Istoorti -

Kooxda ku Ciyaarta Magaca Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka ee Gobolka Togdheer  ayaa u dabaaldegtay Sanad Guuradeedii Afraad ee ka soo wareegta wakhtigii la aasaasay.

 Munaasibada Dabaaldega oo ka dhcaday Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa ka qayabgalay Masuuliyiin, Aqoon yahan isugu jira dhalinyaro iyo waayeel oo ay ka mid haayeen, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayad, Maamulaha Madaarka Burco C/raxmaan Yaasiin Axmed, Maamule Ku xigeenka Madaarka Burco C/risaaq Nuur Caraale, Xoghayeha Gaarka ah ee Wasiirka C/risaaq Xaaji Ciise  iyo marti sharaf kale.

Kooxda ayaa goobtaas ku wareejisay Lix Koob oo ay ku soo qaadeen Magac Wasaarada Duulista oo ay kagala wareegeen Masuuliyiinta Wasaarada Duulista ee halkaasi ku sugnaa.

Maamulaha Madaarka C/raxmaan Yaasin Axmed  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa:-

Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda duulista oo soo bandhigtay laba qodob, horta Ciyaartaa ay muujiyeen ee guulaha Koobabku ka soo gaadheen aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaan kale oo ku sii faraxsanahay sida halkaa iiga muuqata kooxdu waxa ay kooxaha kale kaga duwan tahay, kooxdu waa koox reer burco ah maaha koox jilib ah, runtii dhiiri galin weyn ayey anaga noo samaynaysaa ka Duulis ahaan, markaanu ogaanay in kooxdu koox ka kooban reer Burco ay tahay, waxaan kale oo aan jecelahay halkan in aan caawa mahad naq balaadhan uga jeediyo Wasiirka Duulista oo had iyo jeer jecel in Dhalinyarada la dhiiri galiyo.

Afhayeenka Kooxda ku Ciyaarta Magac Wasaarada Duulista Jaamac Muuse Gaas ayaa isna faahfaahin ka bixiyey lix koob oo ciyaaro kala duwan kooxdu ku soo qaaday oo ay Wasaaradda ku Wareejinayeen waxaanuu yidhi "Lixdan koob ee ina horyaala waxaa ka mid ah horyaal iyo horyaal ku xigeen, laba munaasibadood iyo sanad guuradii kooxda Balaasa ay nala dhigatay oo ay la ciyaartay kooxda Duulista, runtii kooxda oo mudo badan ama in badan ay intaa afrtaa sano ay ku soo ciyaarasay, waxa ay koobabkan runtii iyo in badan oo ciyaaro ah oo ay guul ka gaadhay kooxdu ay ciyaartay runtii waxa ay ku gaadhay ama ay ku keentay, waxaas oo guul ah la shaqayantii ama wada shaqayantii naga dhaxaysay Maamulka Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Wasaaradda Guud iyo ta Gobolkaba, taas oo aanu ka koox ahan iyo ka Ciyaartoy ahaan aanu aad iyo aad ugu mahad naqayno dhamaan madaxdii iyo maamulkii Wasaaradda ee nala soo garab galay in aanu gaadhno Guushan.

Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka C/risaaq Xaaji Ciise ayaa isna yidhi "Run ahaantii caawa farxad weyan ayey ii tahay in aan kala soo qayb galo Kooxda Wasaarada Duulista ee Gobolka TogDheer xafladii sanad guuradeeda Afarad, iyada oo aan aad ugu faraxsanahay in ay caawa soo bandhigaan awooda ciyaareed ee ay gobolka ku leeyihiin, waxanaan aaminsanahay in ay tahay kooxda kowaad, waanan hanbalyeynayaa Ciyaartoyda iyo madaxda madaarkaba, waxanaan runtii ku faraxsanahay maamulaha Madaarku in uu yahay Maamule ku suntan dhiiri galita dhalin yarada,

Sidoo kale waxa aynu ognahay in uu wasiirku yahay gacanta kowaad ee kooxdan gacata ku haysa, caawa waxaan ugu talo galnay aniga oo ka wakiil ah Wasiirka ka wasaarad ahaan, munaasibadan ay kooxdu ku soo bandhigayso in aanu la faraxno lana dabaaldegno, oo koobabkan lagu soo qaaday magaca Wasaarada ee aanu la wareegayno, in aanu anaguna jawaab abaal gud ah ka bixino, taas oo ah in Wasiirka Wasaaradda Duulistu Max’ud Xaashi Cabdi uu bixiyo qalabkan halkan yaala oo ah qalab ciyaareed oo dhamaystiran.

Ugu danbayantii Badhasaab Ku Xigeenka Max’ed Diiriye Xayad  oo Xafladaaso soo gunaanaday ayaa yidhi "Waxaa ii farxad ah in aan caawa idinkala soo qaybgalo munaasibadan qaaliga ah ee ay ku afar jirsatay , kooxda ku Ciyaaraysa Magac Wasaaradda Duulista iyo Hawada, oo aniga aan Gudigeeda ka tirsanahay, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay,Intaa hadaan ka gudbo waxaan mahad u soo jeedinayaa Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Maxamuud Xashi Cabdi oo dhalin yarada Jamahuuriyada Somaliland Degmo Kasata ha ahaato ama Gobol kasta ha ahaatee ka Ciyaarta Gacan weyn ku leh, habeenadan waxaanu arkaynay isagoo Degmooyin faro badan Agab Ciyaareed oo uu u soo gudbiyey Wasiirku uu geynaayey Xoghayaha Wasiirku, waa wax aad loogu farxo, aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa hawshaa balaadhan ee Wasiirku Dhalinyarada u qabtay, waxaan leeyahy Wasiir waxa kuu hadhay uun kolay qoladayada Burco inta ugu xariifsan oo aad Tigidho u goyso ay ku duulaan oo meelaha ku soo maraan, sidaa ayuu yidhi Gudoomiye Ku xigeenku  Waxa gabo gabadii halkaa Shahaado sharafyo lagu gudoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Maxamud Xaashi Cabdi oo uu u gudoomay Xaghayahiisu, sidoo kale Xoghayaha Wasiirka C/risaax Xaaji Ciise  ayaa isna Shahaado sharaf la Gudoonsiiyey -

 

Share
651243