Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Qaylo-dhaan Laga Soo Saaray Shakhsiyaad Damac Ka Galay Garoon La Laga Banaynayo Waqooyiga Hargeysa

Dhul loo qoondeeyey in laga bineeyo dhismaha Garoon kubadeed loogu magac daray Shulaac Stadium oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hargeysa ayaa la weriyey in dad gaar ahi ay dawladda ka dalbadeen in kooto loo siiyo dhismaha garoonkan iyo gacan ku hayntiisa.

Garoonkan oo dhowr sanno horteed uu dhagax dhgigay maayarka caasimadda Hargeysa isla markaana ay ku deeqeen dhulkiisa dad muwaadiniin ahi isagoo ka kooban 9 Baloog oo cabirkoodu dhan yahay 150X200M ayaa guddida dhalinyarada Xaafadda uu ku yaallo ee 150-ka waxa ay ka dhiidhiyeen tuhunno sheegaya in shakhsiyaad gacan dibadeed kaashanayaa uu damac ka hayo inay la wareegaan gacan ku hayntiisa iyo waxa laga dhisayaba.

 

War qoraal ah oo ay xalay Xarunta wargeyska HUBAAL soo gaadhsiiyeen guddida dhalinyarada xaafadda uu garoonku ku yaallo ayay dawladda ugu baaqeen in ay wax ka qabato jirirtaanka arrintaas, iyagoo dhinaca kalena ka digay cawaaqibka ka dhashay haddii laga aamuso .  Qoraalka ay soo saareen guddida dhalinyarada xaafaddaasi, waxa uu u dhignaa sidan:

 

“Muddo laga joogo toddoba sanno ayaa dawladda hoose ee Hargeysi waxa ay qoyska reer Shullaac ka wareejiyeen dhul ballaadhan oo ku yaalla waqooyiga Magaaladda Hargeysa oo ay qoykaasi  iska lahaayeen kaas oo ay dawladdu tidhi waxa laga dhigayaa dan guud. Haddaba dhulkaas  oo dhan 9 (sagaal) Baloog,  oo cabirkoodu yahay 150X200M ayaa dawladda hoose ee caasimaddu u qoondaysay inuu noqdo ama laga dhigo garoon kubadeed ay caruurtu ku ciyaarto maadaama oo aanay dhalinyarada degmadda 26 June aanay lahayn wax garoon waafi ah oo ay xilliyada firaaqada ku ciyaaraan ama ku madadaaloodaan.  

Garoonkani waxa uu noqonayaa ama loogu talo galay in  uu weheliyo Garoonka keliya ee Caasimaddu leedahay ee Hargeysa Stadum, sida laga war qabana qorshihii iyo nashqaddii dhismihiisa iyo weliba dhaqaalaha loogu talo galay in lagu bineeyo waa la isla meel dhigay oo hadda badankiisii gacanta ayaa lagu hayaa, Sidaas darteed ayaa waxa aanu  ku war helnay oo soo baxay shakhsiyaad Wadaado ah oo damac ka galay dhulkaas, kuwaas oo laga kari   waayay dhulkaas, iyadoo aanu dawladdana ku canaananayno in ay ka aamusan tahay oo ay waxba ka qaban la’dahay.   Sidaas darteed waxa aanu dawladda iyo cid kasta oo danaynaysa arrintan aanu ku war gelinaynaa in ay wax ka qabato ash-khaastaas damacu ka horeeyo, oo doonaya inay curdin dhadhiyaan rejadii keli ahayd ee dhalinyarada degmada gashay ee ahayd in loo dhisi doono garoonkan oo kale.” Ayaa lagu yidhi War murtiyeedka ay guddida dhalinyarada Garoonka SHULAAC Stadium soo saareen.

Share
651250