Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Wasaaradda Ciyaaraha oo ku Ammaantay Dahabshiil Group Doorka Muuqda ee Horumarinta Ciyaaraha

Madaxda Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si wayn ugu ammaanay shirkadda Dahabshiil Group doorka muuqda ee ay ka qaadato horumarinta adeegyada ciyaaraha dalka, iyadoo mashaariic fara badan oo shirkaddu kaga qaybgalayso tartanka ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda

Somaliland ee sannadka 2015 ee dhawaan la filayo inay qabsoomaan ay badankoodii dhammaadeen, qaarna socdaan.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin, Agaasimaha guud Maxamed Dhabbeeye iyo madaxda shirkadda Dahabshiil Group oo uu hoggaaminayey Maareeye-ku-xigeenka shirkadda Cabdi Faarax Axmed, ayaa ka wada qaybgalay xaflad kooban oo ka dhacday garoonka wayn ee Kubadda Cagta Hargeysa Stadium shalay, waxay kaga hadleen kaalinta horumarka ku suntan ee sida joogtada ah Dahabshiil uga gaysto horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarabada isugu jira dib-u-dhis, horumarin, casriyeyn, qalabaynta garoomada kubbadaha ee dalka, baahinta ciyaaraha iyo abaalmarinaha qaaliga ah ee shirkaddu ugu deeqdo gunaanka ciyaaraha gobollada waddanka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye), ayaa si ballaadhan ugu mahadceliyey shirkadda Dahabshiil sida ay u garab-taagan tahay horumarka ciyaaraha, isagoo ku tilmaamay inay tahay astaanta waxqabadka iyo dhiirrigelinta dhallinyarada.

Mr. Dhabbeeye, waxa uu sheegay in Dahabshiil tahay tiirka uu ku taagan yahay garoonka Hargeysa Stadium oo dib-u-dhiskiisa iyo casriyeyntiisu joogto u tahay, taas oo ka dhalatay ballanqaad uu sameeyey Maamulaha guud ee Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid kadib markii uu arkay dayaca iyo burburka ku habsaday garoonka mar uu ka qaybgalay tartan lagu qabtay sannadkii 2011-kii, wixii intaa ka dambeeyeyna ay sannad walba geliso lacag badan oo lagu horumariyo, isla markaana farqi aad u wayni u dhexeeyo sidii uu ahaa waqtigaasi iyo maanta.

“Waa xaqiiq in garoonkan ay lacag badani ka gashay shirkadda Dahabshiil, maaha garoonkan oo keliya ee dalka oo dhan baynu ka marag-kacaynaa in Dahabshiil Group dhaqaale badan galiyaan, ku celiyaan lacag qaybaha kala duwan ee adeegyada bulshada meel kasta, arrintaa waynu uga mahadcelinaynaa oo ku ammaanaynaa, waxaannu leenahay Ilaahay ha idinka abaalmariyo,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed.

Madaxa Suuqgeynta ee shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi iyo Maxamed Nuux oo ka mid ah saraakiisha Dahabshiil Group, ayaa ka warramay guud ahaan mashaariicda shirkadoodu ku samayso garoomada iyo ciyaaraha, iyagoo si gaar ah u xusay waxyaabaha ay kaga qaybgalayaan tartanka ciyaaraha gobollada ee sannadkan ay sidii caadada u ahayd ku bixiyeen dhaqaale lagu sameeyo dib-u-dhiska, qurxinta bilicda iyo horumarinta adeegyada dhammaan afarta garoon ee Hargeysa, Boorama iyo Burco iyo ka kubadda gacanta ee Tima-cadde oo ay ka kala dhacayaan ciyaaraha kala duwan ee sannadkani, isla markaana ay door muhiim ah ku yeelanayaan hawlaha ciyaaraha inta tartanku socdo sida baahintooda loo adeegsanayo diyaarad yar oo nooca aan la wadin ah ee loo yaqaan Drone-ta oo ay suurtogalisay shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL, taasi oo isla goobta lagu soo bandhigay.

“Maanta quruxda iyo bilicda ka muuqata garoonka Hargeysa Stadium, dib-u-habaynta gidaaradda iyo muuqaallada cusub iyo dhismaha laba qol oo Wasaaraddu naga codsatay waxa ilaa hadda ku baxday lacag gaadhaysa $200 kun dollar (laba boqol oo kun oo dollar), maaha in aannu ku faanayno ee waa wax Dahabshiil Group looga bartay inuu ka qaybqaato baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada,” ayuu yidhi Maxamed Nuux.

Maareeye-ku-xigeenka shirkadda Dahabshiil Group Cabdi Faarax Axmed ayaa sheegay inay shirkadoodu diyaar u tahay sii wadida horumarinta ballaadhan ee ay galiyaan ciyaaraha iyo tartannadaba, isagoo si gaar ah u xusay waxqabadka shirkaddu ka samaysay garoonka kubadda cagta Hargeysa ee socday tan iyo sannadkii 2012-kii dib loogu dhisay kaabadaha daawadayaashu ku fadhiistaan, isku-simidda dhulka garoonka, darbiyada dhinacyada oo burbursanaa, isla markaana sannadkan mar kale dib-u-habayn iyo casriyeyn shirkaddoodu ku celinayso ka hor furitaanka tartanka gobollada.

“Dahabshiil inay hanti iyo dadaal galiso garoonkan waxay sannad walba ugu jirtaa miisaaniyadda si ay dayactirkiisa uga qaybqaadato, ma dayacayno garoonka maadaama aannu u hurnay $200 kun doollar iyo in ka badanba. Markaa in aannu dayactirno mar walba Hargeysa Stadium iyo kuwa kale ee gobollada dalkaba waa wax waajib ah oo na saaran. Sidoo kale, garoonka kubadda gacanta ee Tima-cadde oo isaga aannu hore u hagaajinay dhammaantii, isagana waanu ku darnay sannadkan. Waxa kaloo aannu ka qaybqaadanaynaa dhismaha iyo qurxinta labada garoon ee Boorama iyo Burco, maadaama wejiga hore ciyaaraha tartanka lagu qabanayo, waanuna sii daynay dhaqaalihii ku baxayey,” ayuu yidhi Cabdi Faarax.

Mr. Cabdi Faarax waxa uu sharraxay diyaaradda casriga ah ee duubaysa baahinta ciyaaraha, waxaannu yidhi, “Waxa mucjiso ah in diyaarad casri ah (Drone) ay keentay shirkadayada SOMTEL oo duubi doonta ciyaaraha tooska loo baahinayo, iyadoo ay ku rakiban yihiin kamaradii iyo qalabkii kale wax duubayey oo dhan, iyadoo ciyaarta ka duubi doonta dusha sare, dhinacyada iyo hoosta oo ay si toos ah u sii daynaysa, taas oo ah casrigii u dambeeyey.”

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Axmed Cabdi Kaahin, ayaa bogaadin iyo mahadnaq u jeediyey masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil Group doorka joogtada ah ee ay ka qaadato tartanka ciyaaraha, waxaannu yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu ammaanayaa shirkadda Dahabshiil Group waxqabadka ballaadhan ee dhismaha, dayactirka iyo qurxinta garoomada ilaa baahinta ciyaaraha oo uu keenay diyaarad cir iyo dhulba ka sawiraysa, waxaan u malaynayaa in Dahabshiil ay dhallinyaradu u samayn doonto mudaharaad iyagoo boodhadhkoodii sita oo ay ammaani doonaan markay arkaan diyaaradda ka duubaysa ee weliba tooska ah.”

“Maanta waxaan nasiib u yeeshay haddii aan Wasiirka Ciyaaraha ahay in rooggii cusbaa iyo diyaaraddii ciyaaraha duubaysay in aan la isla helo sannadkan,” ayuu yidhi, isagoo intaa raaciyey dardaaran uu u diray dhallinyarada inay ka fogaadaan qabyaaladda oo ay ku walaaloobaan ciyaaraha.

 

Waxa kaloo iyaguna halkaasi ka hadlay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhallinyarada Cabdi-najax Siyaad iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil.

Share
651260