Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Xasan Waraabe Cadde Oo Ka Digay Qalalaase Ciyaaraha Hadheeya – Kana Hadlay Dhacdo Kulamadii Shalay Laga Soo Weriyey

Gudoomiyihii hore ee xidhiidhka Olympic-ada Somaliland, Xasan Maxamed Cabdalle (Xasan Waraabe-cade), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shiid iyo dhagax tuur la sheegay inay ka dhacday kulankii shalay ee magaalada Boorama ku dhex maray xulalka gobolada ,

Awdal iyo Hawd, sidoo kalena baaq ku wajahan in la kala saaro qabyaalada iyo ciyaaraha u diray shacabka Somaliland guud ahaan.

Mudane Xassan Waraabe Cadde, wuxuu baaq u diray guud ahaan taageerayaasha iyo masuuliyiinta gobolada martida loo yahay isagoo ku dhiiri galliyey inay xakameeyaan xamaasada ciyaaryahanadooda iyo dhalinyarada kale ee gobolada lagu ciyaarayo si loo hello ama ay u dhacaan, ciyaaro shacabku daawashadeeda ku raaxaysan karaan.


Xassan, waraysi uu siiyey shabakada ciyaaraha ee Cadalool, wuxuu sidoo kale kaga waramay, habkii iyo hanaankii ay u dhaceen, furitaankii iyo labadii ciyaarood ee shalay lagu daah-furay tartanka isreeb reebka ciyaaraha Gobolada Somaliland oo si wada jir ah uga kala dhacay – magaalooyinka – Burco iyo Boorama.

Ugu horeyn isagoo ka hadlaya guud ahaan sidii ciyaaruhu u dhaceen, Xasan Maxamed Cabdalle (Xasan Waraabe-cade),waxaa kamid ahaa hadaladiisii :- “Ciyaaruhu Guud ahaan si fiican bay u bilaabmeen, una socdaan, waxaanan rajaynayaa inay sidaas wanaagsan inoogu soo gabo-gaboobaan”.

Isagoo ku horaynaya fallan qaynta kulankii, Awdal iyo Hawd ee Borama ka dhacay, wuxuu Xasan Yidhi sidan: “Horta ciyaartii gallabta (shalay) dhex martay labada xul ee gobolka Awdal iyo gobolka Hawd, waxay ahayd ciyaar la wada sugayay marka loo eego Group-ka ay jiraan, oo ah Group-ka A-da ee xulalka ku tartamaya gobolada Galbeedka,. Oo ay ku wada jiraan Saddexdii xul ee ugu tunka weynaa markaad eegto ciyaaraha gobolada ee Somaliland.’

“Laba kamid ah oo mar walba soo gaadhay Finalka labadii sanadood ee u dambeeyey, Gobolka Hawd iyo Maroodi Jeex, waxaa taraxa oo kaliya Gobolka Buuhoodle oo sanadkan ku soo biiray.’’

‘Xamaasad aad ah bay maanta ciyaaruhu lahaayeen, kubaduna waa cadaan iyo madow, balse waxay xamaasadan imika jirtaa dheertahay, waxaase jirta in ciyaarihii leeyihiin ama ku xidhiidhsan tahay in goboladii ay reero ku abtirsadaan. taas oo ah tii aanu ka digaynay ee aanu lahayn halaga gudbo.’’

“Dhibaato ayay leedahay in ciyaarihii xaga qabyaalada laga eego ee aan laga eegin dhinaca kubada iyo in la wada ciyaarayo.”

“Waa in shaqsiga ciyaaryahanka ahi aqoonsan yahay in walaalkii ka badin karo, isaguna uu badin karro, waa taas ta aanu u baahanahay ee anaga xiisaha noo lihi.’’

“Waxaa nagu maqaalo ah in ciyaaryahanada Hawd qaarkood shiid ay kala kulmeen taageerayaasha, aad baan uga xunahay, waxaanan ugu baaqayaa taageerayaasha martida loo yahay ee reer Awdal inay martidooda  u soo dhaweeyaan sida ay filayaan in iyagana ciyaaryahanadooda loogu soo dhaweeyo gobolada kale ee dalka .’’

Dhinaca kale, wuxuu Xasan Waraaba Cadde amaanay qaabkii nabad galyada ahaa ee ay ku bilaatay kuna dhamaatay ciyaartii Burco ka dhex martay, Togdheer iyo Daad-madheedh, taas oo guuldaro la baday xulkii martida loo ahaa.

‘Ciyaartii kale Burco ku dhex martay, Togdheer iyo Daad-madheedh, waxaanu warka ku haynaa inay 1-0 ku dhamaatay oo Daad Madheedh ku badiyey, si wanaagsan oo qurux badana ku dhamaatay.”

“Waa in dhallinyarada laga wacyi galliyo, in la tuso, kala badintu inaanay qiimo lahayn balse ka qayb galka, is dhex galka iyo Is-barashada ciyaartooyda dhexdeeda ahi ay qiimaha ugu weyn leedahay.”

‘Ta kale waxaan leeyahay, dhamaan waa ciyaaryahano is wada yaqaana, oo gobolada qaar mooyee, inta badan waxay ka yimaadeen Hargeysa, intaa is wada taqaan , waa inay is wada salaamaan, inay isa soo dhaweeyaan.’

‘Maanta waxaa sharaf leh, gobolka ogol in laga badiyo ee gobolka kale gacan qaada, kaas ayaanu qiimaynaynaa oo anaga qiimo gaar ah noo leh, kaas ayaanu bilada siinaynaa, kaas ayaanu dunida gaadhsiinaynaa.”

“Ugu dambeyn, waxaan jecelahay inaan fariin u diro masuuliyiinta gobolada Martida loo yahay oo aan leeyahay waa inaad amaanka garoomada si fiican u adkaysaan oo amaanka sugtaan.”

 



 

Share
651256