Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Xulka Daad-Madheedh Oo Kulankii Ugu Horeeyay Ee Gobollada Barriga Guul Ka Gaadhay Togdheer

Xulka Daad-Madheedh Oo Kulankii Ugu Horeeyay Ee Gobollada Barriga Guul Ka Gaadhay Togdheer
Xulka kubadda cagta gobollka Daad-Madheedh ayaa guul ku bilawday tartanka kubadda cagta tartanka ciyaaraha gobollada Barriga, ka dib markii ay 1-0 kaga talaabsadeen gobollka martida loo yahay ee Togdheer.

 

Kulankan labada gobol ay iskaga hor-yimaadeen oo ahaa furitaankii ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha oo uu hogaaminayo wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin (Casood), masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo oo uu hor-kacayo Badhasaabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha wasaaradda Waxbarashada, Badhasaabada iyo Maayarada gobollada ka qeyb-galaya ee Barriga, masuuliyiin iyo marti-sharaf.

 



Ka dib khudbadihii kala duwanaa ee halkaas laga jeediyay waxaa bilaabantay ciyaartii, waxaana labada tababare ay garoonka soo gashadeen ciyaartoydii ay bidayeen inay guul u keeni karaan, weerar iyo weerar celis ay labada gobollba la yimaadeen qeybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay bar-baro goolal la’aan ah iyadoo labadooduba fursadihii ugu fiicnaa ee ay abuurteen ka faa’ideysan waayey.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa gobollka Togdheer uu garoonka la soo galay dar-dar xoogan taasi oo uu ku doonayay inuu hogaanka ciyaarta gacanta ku dhigo, laakiin taasi waxaa beeniyay goolhayaha iyo difaacyada gobollka Daad-Madheed.

65-daqiiqo markii ay ciyaartu socotay qeybtii labaad ayaa gobollka Daad-Madheedh ay hogaanka u qabatay ciyaarta, markii Cabdicasiis Qucle uu goolka ka soo toogtay banaanka xerada goolka, isagoo kubad gantaal ah shabaqa dhex dhigay wallow goolhayuhu uu qabtay hadana ay ka fakatay.



Iyadoo sawaxanka garoonka ka soo baxayay uu cirka isku shareeray ayaa waxa uu garoonku uu hal mar isla kacay markii daqiqiadii 79-aad gobollka Togdheer fursad gool noqon lahaa ay iska khasaariyeen, markaas oo kubad nadiif ahayd oo uu shabaqa ku hubsan lahaa uu khasaariyey mid ka mid ah weerar yahanada Togdheer.

Intaas wixii ka dambeeyay gobollka Daad-Madheedh ayaa xidhay suunka difaaca, waxaana ay ku guuleysteen inay giijistaan suunkooda taasi oo wakhtigii ciyaarta loogu tallo-galay ay soo idlaatay. Waxaana ay ciyaartii ku soo dhamaatay 1-0 uu ku badiyay gobollka Daad-Madheedh oo marti u ahaa gobollka Togdheer.

Waxaa maalinta Berrito iyaguna fooda is dari doona labada gobo lee Xaysimo iyo Badhan oo iyaguna ka mid an groupkan.

 

Share
651261