Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Xulka Kubadda Cagta Gobollka Xaysimo Oo 2-0 Ku Garaacay Badhan

Waxaa maanta garoonka Alamzey Stadium ee magaaladda Burco fooda isku darray labada xul gobo lee Xaysimo iyo Badhan kuwaas oo ka wada tirsan Group 1, waxaana 2-0 guushu ku raacday xulka gobollka Xaysimo oo ciyaar qurux baddan soo ban-dhigay.

Gobollka Xaysimo oo ah gobol ku cusub tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ayaa wacdarro soo ban-dhigay waxayna kulankan ciyaarayeen iyaga oo maanka ku hayay in si gooniya isha loogu wada hayay qaab ciyaareedkooda ay la soo shir-tegi doonaan.

Labada gobol ayaa qaab ciyaareed qurux baddan ku bilawday ciyaarta, waxaana weeraro aan badnayn oo ay iskugu jawaabeen ka faa’ideysatay badhtamihii qeybtii hore ee ciyaarta gobollka Xaysimo oo hogaanka ciyaarta la wareegay ka dib markii ay la yimaadeen goolkii ugu horeeyay ee ciyaarta, waxaana lagu kala nastay qeybtii hore 1-0 gobollka Xaysimo ciyaarta ku hogaaminayo.

Markii layskugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa gobollka Badhan bilaabay dedaalo baddan oo ay ku doonayaan inay la yimaadaan goolka hogaanka ciyaarta lagaga hayo, laakiin mar qudha waxay ciyaartii is bedashay markii gool ku qurux baddan ay hogaanka ku sii dheeraysteen gobollka Xaysimo kaas oo ahaa koodii 2-aad, waxaana u dhalliyey laacibka numberka 9-aad u sita.

Gobollka Xaysimo ayaa qeybta dambe ee ciyaarta muujiyay qaab ciyaareed fiican, halka Badhan ay dedaal ugu jirtay inay la timaado goolasha lagu leeyahay, inkasta oo aanay u suurto-gelin waxayna ugu dambayn ciyaartu ku dhammaatay 2:0 ay Xaysimo guul muhiim ah kaga gaadhay Badhan.


Xaysimo ayaaa guushani ay ka caawisay inay hogaamiyaan Group-ka koowaad waxaana ay leeyihiin 3-dhibcood iyo 2-gool oo nadiib ah, halka gobollka Daad-Madheedh isna uu ku soo xigo leeyahayna 3-dhibcood iyo 1-gool oo nadiif ah.

Dhanka kale waxaa maalinta Berrito kulan xiisihiisa iyo xamaasadiisaba watta iska hor-iman doona gobollada Sanaag iyo Saraar oo ku wada jira Group 2

Share
651253