Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Falanqaybta Faysal Dheere ee SARAAR vs SANAAG – GABILEY vs SALAL

Macallinka weyn ahna khabiirka ciyaaraha ee Faysal Muuse Cabdi (Faysal Dheere), ayaa falan-qayn ku sameeyey ciyaarihii shalay dhex maray afarta gobol ee SARAAvs SANAAG iyo GABILEY vs SALAL.

 

Khabiirkan ayaa falan-qayntiisu ku bilaabantay sidan:

Guud mar: “Kooxaha guud ahaan waxaad moodaa inay farsamadoodu aad u liidato. Farsamada laba nooc ayaa loo qaybiyaa oo kala ah tactics iyo techniques. Tactics waxa weeye qaabka goolka loo dhaliyo, qaabka difaaca loo dhaafo iyo sida offsite-ka loola tacaalo. Techniques, waxa weeye xirfadda ciyaareed ee uu qofku leeyahay, sida maamulidda kubadda iyo laaggeeda.”

SARAAR vs SANAAG

Ciyaarta: “Wakhti caadi ah ayey dhacday. Si xamaasad leh ayey u socotay oo midba inay midda kale ka badiso ayey dooneysay.”




Miisaanka ciyaarta: labada kooxoodba waxay ahaayeen niman dhisan oo reer Sanaag ayaad moodaysay inay jidh ahaan ka xoog badnaayeen ciyaartooyada Saraar, laakiin jidhkii way dhaaftay oo qaybta hore waxa si fiican u ciyaartay SARAAR.

Kubbad sameeye: “Intii ciyaaruhu imika socdeen bari iyo galbeedba kumaan arag ciyaartoy kubbad sameeye ah. Haddii laga tegi  waayo GUJI oo u ciyaara Maroodi Jeex ayaa jira, kaas oo kubbado u badan tuuryo kubadda ku gaadhsiiya weeraryahannada, laakiin kooxahan kale kumaan arag ciyaartoy kubbad sameeye ah oo la iska ilaaliyo.

Labada kooxood ee Saraar iyo Sanaag midna muu lahayn kubbad sameeye. Sanaag waxa la tuhunsanaa ciyaartoyga Ibraahim Messi oo dhexda uga ciyaara, saddex jeerna u ciyaarayey Ceerigaabo, waxa maanta lagu joojiyey awood jidheedh oo qaarna khalad ahaayeen qaarna sax ahaayeen. Markii dhawr jeer lagu xanaaqay ee dhulka loogu tuuray wuu daalay, waanu shaqayn waayey.

Saraar, waxa ugu cadcad Maxamed-Case oo kubadda sameeya, isagana maanta kubaddu way ka xidhnay.”

Gunaanad: “labada xul ee Saraar iyo Sanaag midba qayb ayuu ciyaarta lahaa, qaybtii hore Saraar ayaa lahaa, laakiin khalad farsamo oo tababaraha ka yimid ayaa hoos u dhigay, markii uu beddelay inankii weerarka uga ciyaarayey ee cadaadiska ku hayey, taasi waxay keeentay in Sanaag ciyaarta la wareegaan, weerar badan sameeyaan kubbado badanna sigaan.”

Tababareyaasha: “macallinka Saraar waa nin da’yar oo wanaagsan, maantase waxa uu badiyey beddelkii, kooxdiina xagal daac ayaa ku dhacay. Sanaag ayey taasi siisay inay kor u soo kacaan oo ay kubadda birta ku dhuftaan.”

GABILEY V SALAL

“Waxay ahaayeeen labada kooxoodba kuwo ciyaartooyadoodu wayn yihiin da’ ahaan, niman in badan soo ciyaarayey oo saddex jeer ka qayb galay koobka gobollada iyo naadiyada u ciyaara ayey u badnaayeen.”

Fursadaha: “Waxa la moodayey in labada kooxoodba kala baqanayaan, weerar badanna aanay midna qaadaynin. Awood cadaadis midna may samaynayn, waxaanay ahayd ciyaar caajis ah. Inkasta oo xilli kulul la bilaabay, qaybta hore way is ceshanayeen labada kooxoodba, dhulka ayey kubadda dhigayeen laakiin orod badan muu jirin, kubbad isku dhiibkooduna muu ahayn mid guuleysanaya oo bartil-maameedkiisii tegayey, waxaanay ku baaba’aysay kubaddu dhexda.

Qaybta dambe Gabiley ayaad moodaysay inay dardar yar la timid oo ciyaarta ay yara kulaylisay, labada kooxoodba beddel way sameeyeen, dhawr jeerna goolka Salal ayaa dhawr jeer la dul mariyey, ciyaartuna waxay ku dhamaatay 0-0.”

Xiddigihii Ciyaarta: “Gobolka Salal waxa ka dhex muuqday Sakariye oo sannadkii horena Awdal u ciyaarayey, kaas oo iyadoo culays saaran yahay haddana farsamo badan. Gabiley waxa aad u muuqday Maxamed oo ka tirsan naadiga Goodir, Dhay Lo’aad, Maxamed Cali oo ahaa ninka ugu wanaagsan.”

 




Share
651266