Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

TARTANKII CIYAARAHA GOBOLLADA SOMALILAND OO BURBURAY IYO CIYAARTOYGA AFAR GOBOL OO HARGEYSA LOOGU HAYSTO KHARASHAADKII JIIFKA IYO CUNTADDA

Xukuumadda Somaliland ayaa ku fashilantay inay qabato wareegii labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada oo lagu waday inuu ka furmo caasimadda Hargeysa, ka dib markii 8 xul ay iskugu soo hadheen tartankii is-reeb-reebka ahaa oo lagu kala qabtay Burco iyo Boorame.

 

 

 

Tartanka ciyaaraha Gobolladda ee dalka waxa iskugu soo hadhay wareegiisa labaad siddeed gobol oo kala ah  Xaysimo, Sool, Sanaag Iyo Daad Madheed oo ka soo baxay tartankii lagu qabtay Magaaladda Burco. Halka tartankii lagu qabtay Booramena ay ku soo gudbeen xulalka Awdal, Hawd, Saaxil iyo Gabiley.  Waxa qorshuhu ahaa in labaatan maalmood ka hor tartanka siddeed dhammaadka gobolladu ka furmo garoonka Hargeysa Stadium, hase yeeshee khilaafaadka xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo dhaqaalihii lagu qaban lahaa tartanka oo aanay madaxtooyaddu sii daynin ayaa sababay in dib u dhac ku yimaado tartankaasi.

Dooda Masuuliyiinta wasaaradda  Ciyaaraha

Sarkaal ka tirsan wasaaradda Ciyaaraha oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyay ayaa shabakadda Gudgudenews, u sheegay in wasaarad ahaan  ay diyaar u yihiin qabashadda wareegii labaad ee tartanka ciyaaraha, hase yeeshee uu ka suurtoobi waayay dhinaca xukuumadda oo uu ku dooday inay kala fadhiisteen kharashkii lagu  qaban lahaa ciyaaraha.

Masuulkaasi waxa uu sheegay in madaxtooyadda iyo dawladda sare aanay wax xiiso ah u haynin dhammaystirka ciyaaraha gobollada, balse ay ku mashquulsan yihiin khilaafka xisbiga KULMIYE. Waxaanu tilmaamay in cago-jiidka ciyaaraha ee xukuumaddu uu ahaa mid ka mid ah qoddobadii soo dhaliyay in Wasiirkii hore ee ciyaaruhu uu shaqadda uga tagay.

Daranyadda Ciyaartoyga Gobollada ka Yimid

Waxa  jira  in ay magaaladda Hargeysa rafaadsan yihiin xulalka  ciyaartoyga afar gobol oo ka yimid barriga Somaliland oo kala ah Xaysimo, Sool, Sanaag Iyo Daad-madheedh,kuwaasi oo wali sugaya in la siiyo sahay ay dib ugu noqdaan gobolladoodii. Warku waxa uu intaas ku daray in kharashkii  jiifka  iyo cuntada muddo labaatameeye maalmood ah oo ay joogeen lagu leeyahay ciyaartoygaasi. Iyadoo wasaaradda ciyaaruhu ay bixisay qeyb ka mid ah kharashkii ku baxay xulalka afartaas gobol, hase ahaatee wali qeybo lagu leeyahay.

Maxaa Go’aan Loo Soo Saari Waayay

 

Xukuumadda Somaliland wax go’aan ah kamay soo saarin dib u dhaca ku yimid tartankii ciyaaraha gobolladda, mana jiro wax qaraar ah oo ay xataa dib ugu dhigtay, waxaanay taasi sumcad xumo ku tahay milgihii dawladnimadda in tartan la qabto haddana isaga oo aan dhammaanin la joojiyo. Sidoo kale, waxa isna aan la bilaabin-ba tartankii kubadda kollayga ee ciyaaraha gobollada oo isna lagu waday inuu ka furmo Hargeysa.

Share
651264