Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • ATLANTA (AP) -- Dennis Schroder scored 26 points and the Atlanta Hawks used a 30-point third quarter to snap a three-game losing streak and beat the New York Knicks 116-104 on Friday night.

    Read more...
  • The reality is that Derrick Rose may no longer have a place in the NBA The former MVP can’t perform offensively, can’t defend and now teams can’t trust him to stay committed.

    Read more...
  • Steve Kerr uses playing cards as his latest pregame prop for Warriors news Steve Kerr continued his new tradition of bringing out a different prop to let the media tweet the latest Warriors news...

    Read more...
  • The Boston Celtics blasted out to a 28-point lead in their highest-scoring first half of the season, putting in 73 before the break and holding on for a 118-103 victory over the Orlando Magic

    Read more...
  • Celtics get off to strong start, cruise to 118-103 win over Magic So much for the Celtics being hungover after losing the winning streak. They jump on the Magic early and never lose control of the game as they cruise to a 118-103 win.

    Read more...

Other sports news

  • Barcelona transfer news: The latest & LIVE player rumours from Camp Nou Goal summarises the biggest transfer talk involving Barcelona and potential ins and outs ahead of the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Klopp hits back at Conte: They have the best Christmas schedule Ahead of the crunch tie against the Blues, the Liverpool boss believes scheduling has not given his side any kind of advantage over the London club

    Read more...
  • Wenger not bothered by Ozil transfer speculation The midfielder's rumoured departure from the Emirates Stadium is not a primary concern, according to Arsenal's manager

    Read more...
  • Mourinho slams Mkhitaryan for disappearing in matches The midfielder is set for a recall to the Manchester United squad against Brighton but his manager has not been pleased with his recent displays

    Read more...

Wasaaradda Dhallinyarada Somaliland Oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlayo Horumarinta Ciyaaraha, Soona Ban-dhigtay Qorshaheeda Sannadka Soo Socda

Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa kulan balaadhan u qabatay daneeyayaasha kala duwan ee ciyaaraha, kaas oo lagu lafo-gurayey sida horumarin balaadhan u hiigsan lahaayeen ciyaaraha kala duwan ee dalka, iyo sidoo kale ajandayaasha sannadka 2016-ka ee ku wajahan qorshaha ciyaaraha lagu horumarinayo

 

Kulankan oo si weyn looga soo qeyb-galay ayaa ka qabsoomay Hotel Maansoor waxaana ka soo xaadiray masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, daneeyayaasha ciyaaraha oo ka kala socday hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah, shirkaddaha waa weyn ee dalka, masuuliyiinta kooxaha kala duwan, khabiiradda ciyaaraha iyo bahda  ciyaaraha. Ugu horeyn waxaa ka hadlay kana war-bixiyey muhiimada uu kulankani leeyahay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Maanta qorshaha aan halkan u fadhinaa ee aan iskugu nimid waxa weeye sidii aan ciyaaraha u horumarin lahayn, sidii aynu meel iskula dhigi lahayn caqabadaha innaga hor-taagan inaynu horumarino ciyaaraha kala duwan ee dalka. Waxaad tihiin daneeyayaasha ciyaaraha ee ay wasaaraddu wada shaqaynta la leedahay, waxaad tihiin cidda keliya ee nagala shaqayn kartaa inaynu gaadhno waxa aynu hiigsanayno oo ah inaynu horumar dalka guul u horseedaya ka gaadhno ciyaaraha”.

Agaasime Dhabeeye waxa uu hadalkiisi sii raaciyey  “Waxaan rabnaa inaan samayno sannadkan siyaasada ciyaaraha ee saddex sanno ee soo socda lagu hawl-gali lahaa, waxaanu rabnaa inaanu muruq iyo maalba u hurno sidii aynu meel sarre u gaadhsiin lahayn ciyaaraha kala duwan ee dalka, markaa waa inaan hoosta ka xariiqnaa maanta wixii ka dambeeya tartamo, horyaalo la  yaqaano goorta ay bilaabmayaan oo ay dadku ku xisaabtamaan” ayuu hadalkiisi ku soo koobay.

 

Photo Group

Agg Guud, Wasiir iyo Wasiir ku xigeen

 

Ag Guud, Wasiir iyo Wasiir ku xigeen W.DH.C iyo D

 

Agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada Mr. Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin ayaa war-bixin qiimo baddan oo uu soo jeediyey waxa uu faah-faahin kaga bixiyey qaab dhismeedka wasaaradda, shaqada ay u xil-saaran tahay, guulaha ay gaadhay iyo caqadaha hor-taagan. Masuuliyiinta xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha ayaa iyaguna soo ban-dhigay war-bixino kala duwan, wax-qabadkoodii, hay’addaha caalamiga ah ee xagga ciyaaraha ee ay xidhiidhka la leeyihiin iyo qorshayaasha u qorshaysan sannadka soo socda.

Daneeyayaashii kala duwanaa ee ka soo qeyb-galay ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaana ay soo jeediyeen tallooyin baddan oo lagaga gudbi karo caqabaddaha haysta ciyaaraha kala duwan ee dalka. Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo hawada Md. Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid) iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac warfaa (Wadka) oo ka mid ahaa ciyaartoy wakhtiyo kala duwanaa dalka soo maray ayaa wasaaradda ciyaaraha ku boggaadiyey kulan, waxaanay xuseen caqabadaha hor-taagan ciyaaraha inuu dhaqaaluhu yahay ka ugu horeeya ee lugta haya horumarkii ciyaaruhu gaadhi lahaayeen, waxaana ay ku baaqeen meel looga soo wada jeesado horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka. –

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Faarax oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu kulankani yahay mid lagu soo ban-dhigayo sida looga gudbi karo caqabadaha hor-taagan inay horumaraan ciyaaraha dalku iyo sidoo kale inay dadku ka ogaadaan hawlaha wasaaradda u qabsoomay iyo waxa horyaalla, waxaana uu xusay inay wasaaraddu leedahay La- taliyeyaal aqoon fiican u leh ciyaaraha.

 

Gaba-gabadii kulankan ayaa waxaa soo xidhay  wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, waxaana uu ka hadlay qorshaha cusub ee wasaaraddiisa, waxaanu ka codsaday daneeyayaasha ciyaaruhu inay is garab taagaan qorshaha cusub ee wasaaradiisu ku hawlan tahay, waxaana sidoo kale uu sheegay inay soo ban-dhigi doonaan wixii kulankan muhiimka ah ka soo baxay.

Share
637264