Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • ATLANTA (AP) -- Dennis Schroder scored 26 points and the Atlanta Hawks used a 30-point third quarter to snap a three-game losing streak and beat the New York Knicks 116-104 on Friday night.

    Read more...
  • The reality is that Derrick Rose may no longer have a place in the NBA The former MVP can’t perform offensively, can’t defend and now teams can’t trust him to stay committed.

    Read more...
  • Steve Kerr uses playing cards as his latest pregame prop for Warriors news Steve Kerr continued his new tradition of bringing out a different prop to let the media tweet the latest Warriors news...

    Read more...
  • The Boston Celtics blasted out to a 28-point lead in their highest-scoring first half of the season, putting in 73 before the break and holding on for a 118-103 victory over the Orlando Magic

    Read more...
  • Celtics get off to strong start, cruise to 118-103 win over Magic So much for the Celtics being hungover after losing the winning streak. They jump on the Magic early and never lose control of the game as they cruise to a 118-103 win.

    Read more...

Other sports news

  • Barcelona transfer news: The latest & LIVE player rumours from Camp Nou Goal summarises the biggest transfer talk involving Barcelona and potential ins and outs ahead of the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Klopp hits back at Conte: They have the best Christmas schedule Ahead of the crunch tie against the Blues, the Liverpool boss believes scheduling has not given his side any kind of advantage over the London club

    Read more...
  • Wenger not bothered by Ozil transfer speculation The midfielder's rumoured departure from the Emirates Stadium is not a primary concern, according to Arsenal's manager

    Read more...
  • Mourinho slams Mkhitaryan for disappearing in matches The midfielder is set for a recall to the Manchester United squad against Brighton but his manager has not been pleased with his recent displays

    Read more...

Wasaaradda Ciyaaraha Oo Golaha Deegaanka Hargeysa Ku Eedeysey Inay Iyagu Sabab U Yihiin Dhalinyarada Badda Ku Haligantay

Dhalinyartu Waxay Ka Tahriibayaan Golaha Deegaanka Hargeysa Ayaa Ka Mid Ah, Waxaan Ka Codsanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland In Sharciga La Horkeeno…” Agaasime Dhabeey

 Wasaaradda dhalinyarta iyo Ciyaaraha Somaliland, ayaa mar kale ku celisay eedeymo ay hore ugu jeediyeen golaha deegaanka ee Magaaladda Hargeysa, waxaanay ku dhaliileen inay lunsadeen dhulkii loogu talo galay inay ku Ciyaarto dayarta soo koreysa kubadda iyaga oo sido kale ku eedeyey maamulka dawladda hoose gaar ahaan golaha deegaanku inay iyagu sabab u yihiin inay Badda ku haliganto oo Tahriibaan dhalinyarta reer Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarta iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye, ayaa isaga oo shalay Warbaahinta Magaaladda Hargeysa kula hadlaayey, waxa uu eedeymo kulul u soo jeediyey Maamulka Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo u sabab ah Dhalinyartii Hargeysa ka tahriibtay ee todobaadkan Badda Masar iyo Talyaaniga u dhaxaysa ku La’eeday maadama oo sida uu ku dooday ay dhulkii ay kubadda ku ciyaarilahaayeen dhalinyartaasi ay ka lunsatay dawladda Hoose, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay in uu talaabo la xisaabtan iyo Maamuus ka Xayuubin ah ku sameeyo golaha deegaanka Hargeysa.

Maxamed Xuseen Dhabeeye oo ugu horeyn Tacsi u diray dhalinyartii reer Somalialnd ee Tahriibka ku dhintay eedeymona u jeediyey Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa waxa uu yidhi “Marka hore waanu ka tacsiyeynaynaa Eheladdii iyo Qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen dhalinyarta Badda Talyaaniga iyo Masar u dhaxaysa ku haligmay, Caruurtani meel doog leh oo ay isku sawirto ayey u baahan tahay oo waynu aragnay dadkeeni maanta mid yar iyo mid weyn Sawir ayaa laga raacay oo mid walba 50 goor ayuu isa sawirayaa, marka inanka gidaarka taagan ee hadu doono aan waxba cunin ee Gidaar nin kale hagaajistay isku soo sawiraaya kumanka kalena way ku kicitimayaan , waxa weeye in loo sameeyo meelo ay ku ciyaaraan oo isku Sawiraan oo goobihii akhriska laga caawiiyo , waxa weeye waa xil ina saaran oo dawladdaha hoose ayey ka soo bilaabmaysa, marka aniga oo dawladdaha hoose qaarkood ku amaanaya oo Maayarka Berbera oo kale ayaa jira oo magaaladda Berbera sidii uu ugu yimid wax ka bedelay oo Garoomo u sameeyey oo Doogi u dhigay aad iyo aad ayaan isaga iyo golihiisa deegaankaba ugu amaanayaa”

Agaasime dhabeeye oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Hase ahaate waxa jira qaar halkii ay ka caawin la haayeen ee uga shaqeyn laayeen dhalinyarta Somaliland iyagiibay dhibaato ku hayaan oo dhulkii danta guud ahaa ee loogu talo galay dhibaato ku haya, golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa ka mid ah oo isku wada mid maaha, laakiin Xubno golahaas ka mid ah ayaa u xaytay arinta waa marag ma doon oo xubno ka mid ah golahaasi, waxay ka tahriibayaan ayey ka mid tahay dhalinyartu dawladda hoose, Magaaladda dhan ee Hargeysa ee aad arkaysaan ee dhan walba u fiday 20-kii Sanno ee ay fideysay meelay Caruurtu ku ciyaarto lagamo fikirin oo laga ma fikirin meeshii ay wax ku akhrisan lahaayeen, laba nin ayaan aad u amaanayaa oo runtii Maayaro ka soo noqday Hargeysa oo ka ugu horeeya yahay  Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Mujaahid dalkan halgan u soo galay oo Aasaasayaashii SNM ahaa oo Maxamed Magaaladdii Hargeysa ee dhisneyd markii uu Maayarka ka noqday  wuxu ka sameeyey Garoomo oo Garoonka Xawaadle ayaa ka mid ah oo dad ayaa sheeganayey wado ayuu ka mariyey, Garoonka Guryo-Samo ayaa isaga oo dad dhexyaaleen wuu ka dumiyey, Garoonka Tareyniska Jingad meydhan ayuu ahaa oo dad ayaa Baloodheystay wuu ka saaray oo waa ka maanta Goroonka ah, Garoonka Budda ee Caruurta dhalinta oo in badan oo ka mid ah la boobay isaga ayaa dhiciyey Afarta Garoon Maxamed Xaashi ayey ku suntan yihiin, Maayarkii 2aad Jiciir ayuu ahaa oo 12 Garoon Faylalkooda ayuu nagu wareejiyey”

Maxamed Xuseen Dhabeeye  waxa uu inta raaciyey isaga oo Madaxweynaha ugu baaqay in uu talaabo ka qaado Maamulka golaha deegaanka ah ee Hargeysa uu yidhi “12-ka Garuun maanta waxay dul saaran yihiin dawladda hoose ee Hargeysa waa looga fadhiya oo waa masuuliyad hadii la waayo anagu in badan ayaanu tudhaynay, hadaba waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ah hogaamiye dalka halgan dheer u soo maray oo dhalinyaradda Somaliland garab u aheyd oo iyagu ay keeneen kursiga uu ku fadhiyo in uu xil weyn iska saaro cid aliyaala ciday doonto ha ahaato oo derajada ay doonto ha la haado ee cida ay dhulkaasi ku cadaato ee ku takri fashay in sharciga la horkeeno oo maamuuska laga xayuubiyo oo umadda horteeda la soo joojiyo taas ayaan ka codsanayaa”

 




Share
637290