Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • ATLANTA (AP) -- Dennis Schroder scored 26 points and the Atlanta Hawks used a 30-point third quarter to snap a three-game losing streak and beat the New York Knicks 116-104 on Friday night.

    Read more...
  • The reality is that Derrick Rose may no longer have a place in the NBA The former MVP can’t perform offensively, can’t defend and now teams can’t trust him to stay committed.

    Read more...
  • Steve Kerr uses playing cards as his latest pregame prop for Warriors news Steve Kerr continued his new tradition of bringing out a different prop to let the media tweet the latest Warriors news...

    Read more...
  • The Boston Celtics blasted out to a 28-point lead in their highest-scoring first half of the season, putting in 73 before the break and holding on for a 118-103 victory over the Orlando Magic

    Read more...
  • Celtics get off to strong start, cruise to 118-103 win over Magic So much for the Celtics being hungover after losing the winning streak. They jump on the Magic early and never lose control of the game as they cruise to a 118-103 win.

    Read more...

Other sports news

  • Barcelona transfer news: The latest & LIVE player rumours from Camp Nou Goal summarises the biggest transfer talk involving Barcelona and potential ins and outs ahead of the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Klopp hits back at Conte: They have the best Christmas schedule Ahead of the crunch tie against the Blues, the Liverpool boss believes scheduling has not given his side any kind of advantage over the London club

    Read more...
  • Wenger not bothered by Ozil transfer speculation The midfielder's rumoured departure from the Emirates Stadium is not a primary concern, according to Arsenal's manager

    Read more...
  • Mourinho slams Mkhitaryan for disappearing in matches The midfielder is set for a recall to the Manchester United squad against Brighton but his manager has not been pleased with his recent displays

    Read more...

Maxamuud Govinda: “Madaxweyne Goormuu Dembi Noqday Calanka Iyo Qaranka Somaliland Oo La Metelo”

Ciyaartoyga Maxamuud Cabdi Xasan (Govinda) ayaa ka codsaday madaxweynaha Somaliland in uu tallaabo degdeg ah ka qaado Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha iyo masuuliyiinta kale ee wasaaraddaas oo uu sheegay inuu u hanjabay.

 

Govinda ayaa si adag uga jawaabay hadallo hanjabaad iyo dhalliilo uu ku sheegay oo ka soo yeedhay agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland, kaas oo uu tilmaamay in uu ugu hanjabay in uu xidh-xidhi doono ciyaartoygii Somaliland ee ka qayb-galay koobkii dalalka aan la aqoonsanin ee ka dhacay Abkazia.

Maxamuud Govinda iyo ciyaartoygii Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa ayaa waxa uu ugu horreyn u mahad-celiyey Madaxweynaha Somaliland, mayorka Hargeysa iyo shacabka.

Govinda oo ugu horreyn ka hadlaya hanjabaadda agaasimaha wasaaradda ciyaaraha, waxa uu yidhi:

 

“Waxaan doonaynaa in aanu ka jawaabno arrin maalmahanba saxaafadda ku soo noqnoqonaysay oo gaadhay heer uu Agaasimaha guud yidhaahdo waanu idin xidhaynaa. Tartankaa aanu ka qaybgalaynay wuxuu ahaa mid magaca iyo meeqaabka Somaliland kor u qaaday, manuu ahayn mid hoos u dhigaya magaca Somaliland. Waddamada aanu la ciyaaraynay waxa ku jiray kuwo la aqoonsan yahay sida Abkhazia oo ay ictiraafsan yihiin Ruushka, Cuba, Venezeual, Tajikistan. Nasiib darro iyadoo la ogyahay halka Sports-kii Somaliland marayo, iyo halka ay wasaaradda ciyaaruhu halkay dhallinyarada iyo qaranka ugu suntan tahay, maanaan filaynin in marka aanu soo noqono aanu wasaaradda ciyaaraha ka maqalno hanjabaad iyo dhalleecayn.Waxa aanu ku ciyaaraynay qaranka Somaliland, waxa aanu huwanayn magaca Somaliland, waxa aanu madaxweynaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka codsanaynaa haddii calanka Somaliland iyo qaranka Somaliland oo la metelaa ay dembi tahay, dalka kumaanaan soo noqoneen ee waanu tahriibi lahayn.” Sidaas ayuu yidhi.

 

Weeraryahanka xulka gobolka Maroodi Jeex iyo ciyaartoygii Somaliland ee ka qayb-galay tartankii CONIFA, ayaa waxa uu tibaaxay wasaaradda ciyaaruhu ay ku fashilantay inay wax qabato, isla markaana aanay ogolayn in cidi soo hadal qaaddo wax la xidhiidha ciyaaraha Somaliland, waxaanu yidhi:

“Arrintani waxay dhiirigelinaysaa tahriibka, balwadaha iyo jaadka marka wasaaraddii u qaabilsanayd ay qofkii madaxa qaadaba sidaas samayso. Wasaaradda ciyaaruhu waxay noqotay Daban-gaalle Abeeso dushaasuu ka qabaa, ciyaarihiina waxba kama qabanayso oo waxba naguma soo kordhinaysoo, haddii la taabtona waxay odhanaysaa anigaa ciyaarihii mandate u haysta, mandate-ka ay haystaan looma siinin inay iska fadhiistaan ee waa inay wax ku qabtaan oo ay dhallinyarada tahriibka ka joojiso. Bulshada Somaliland waa mid aqoon leh oo wax fahamsan, qarankanna uma baahna qof meel soo fadhiista oo yidhaahda waxbaan fahamsiinayaaye, waanu ugu mahad-naqaynaa siday noogu hambalyeeyeen.”

Ciyaaryahan Maxamuud Govinda oo ku guuleystay goolkii ugu quruxda badnaa intii uu tartankii Abkhazia socday, ayaa waxa uu madaxweynaha Somaliland ka codsaday uu tallaabo degdeg ah ka qaado wasaaradda ciyaaraha, waxaanu yidhi:

“Madaxweynaha Somaliland iyo ciddii kale ee ay khusaysoba waxaanu degdeg uga codsanaynaa arrintan dhaawac bay nagu tahay oo qarankay dhaawaca ku tahaye in masuulkan iyo wasaaraddaba tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado, haddii kale waxay ina dhaxal-siinaysaa in dhallinyaradu ay waddanka ka wada tahriibaan, cidi madaxa kor u qaadi weydo oo Sportska oo ka mid ah meelaha kor u qaadaya qaddiyadda Somaliland haddii la xoojiyo, uu joogsado.

 

Waxaan rajaynayaa in aanu jawaab degdeg ah ka maqalno xukuumadda, waxaanan u mahad naqayaa marwada madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, wasaaradda warfaafinta, warbaahinta madaxa bannaan iyo tv-ga qaranka.”

Share
637294