Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Horumarinta Ciyaaraha Somaliland Kusoo gabogabeeyey Magaalada hargeysa

Xaflad lagu soo xidhayo siminaar muddo 2 cisho ah uga socday xidhiidhka kubada cagta ee jsomalilandayaa saaka ka qabsoomay hotel maansoor ee magalada hargeisa xidhitaan ka siminaar kaa ayaa waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka Mustafe Maxamuud  qodax

 

Gudoomiyaha hayada ladagaalanka musuq maasuqa iyo maamul wanaag Md Axmed Muxumed Madar,Badhabaas Kuxigeenka gobolka Gabiley Md Cali  Cabdi sheekh , Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ah Ee  ODHA Marwo Faadumo Siciid iyo madax kale oo ka kala socotay shirkadaha Dahabshiil , Telesom , iyo waliba qaar kamid ah dadkau ehelka ah Sports ka .

Waxa halkaasi Lagaga dhagaystay talooyin ay soo jeediyeen groups kii shalay loo qaybiyay kasoo qaybgalayaashii shikaas oo lagaga warbixinayay caqabadaha hortaagan sportska dalkeena
gaar ahaana kubada cagta iyo waliba sida looga gudbi karo caqabadahaasi.

Xoghayaha xidhiidhka kubada cagta mudane Khadar ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad naqay dhamaanba kasoo qayb gala yaashii siminaarkaasi isaga oo sheegayna inay joogtayn doonaan ka xidhiidh ahaan shirarka noocaan oo kale ah cidkasta oo ay ku tuhmayaan aqoonta sports kana ay la xidhiidhi doonaan ugu danbayntiina xoghayahu waxa uu waydiistay kasoo qayb gala yaasha iyo cid kasta dhinaca sports ka gaar ahaana kubada cagta u ehel ah ba inay ahaadaan tiir dhexaadka xidhiidhka iyaguna hadh iyo habeenba ka dhagaysan doonaan talooyinka ay u soo jeediyaan khubaradaasi waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay G.kuxigeenka xidhiidhka kubada cagta saleebaanxasan daahir.

isaga oo isagu tilmaamay in caqabadaha hortaagan kubada cagtu aanay ahayn oo qudha mid dhaqaale
balse uu sheegay inay jiraan caqabado kale oo ay kamid yihiin dayacaad iyo gabood falo loo gaystay
oo ah iyadoon daacad loo ahayn sports ka gaar ahaana dadka iyagu waxbadan ka ka yaqaana sportska
Waxana gudoomiye ku xigeenku hadalkiisa kusoo gabagabeeyay oo uu sheegay inay samayn doonaan
gudiyo kala duwan oo u dhaxeeya xidhiidhka iyo xukuumada iyo waliba bulshada

Waxaa iyana halkaa ka hadashay Gudomiyaha Hayada ODHA  Marwo faadumo siciid oo nasiib daro ku tilmaantay in dalkeena oo nabada aanu sports ku gaadhsiisnayn meeshii loogu baahnaa waxaanay sheegtay inay sanadkani kor uqaadi doonaan sports ku noockasta oo uu ahaadaba waxa kale oo ay xustay in loo baahanyahay sidii marka ugu horaysa loo hagaajin lahaa goobaha ciyaaraha oo ay sheegtay in ay dhalinyaro badani uga soo cawdeen sidii ay wax uga tari lahayd dayac tirka garoonka Basket ball ka ee Timacade.

Waxaanay halkaa ka balan qaaday marwo faadumo siciid in conterputionka  ugu horeeya ee lagu dayac tirayo garoonka Tima cade ay iyadu bixin doonto waxaanay intaa raacisay inay qorshaynayaan ka urur ahaan sidii ay u samayn lahaayeen tiimam basket ball ah oo gabdha ah kharashkoogana ay iyagu qabi doonaan

ugu danbayntii waxaa halkaa ka hadlay ag.guud ee wasaarada dhalinyarada, dhaqanka mr mustafe Qodax oo sheegay inay diyaariyeen siyaasad dadka lagula tashanayo taasoo keentay inay yimaadaan wax qabadyo badan oo la arki karo wuxuu sheegay oo kale in maanta loosoo tartamayo sidii wasaarada dh/dhaqanka wax loola qaban lahaa isaga oo taana kusababeyay qorshaha iyo siyaasada cad ee ay ku hogaaminayaan wasaarada ugu danbayna waxa uu u mahad naqay marwo faadumo siciid oo uu ku tilmaamay inay tahay qof usoo guntatay wax ka qabadkasportska.

Sidoo Kalle Waxay Gabogabdii Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee S/land Ku Wareejiyeen G/kuxigeenka Gobolka Gabailey Qalab sports oo Muwaadin Xasan Waraabacade oo kamid ah Qurbajooga Somaliland Ugu Deeqay Kooxaha Ka jira Gobolka Gabiley.

Waxaana gabagabadii siminaarkaasi aga doorety guddi la shaqeyneysa xidhiidhak ciyaaraha fudud Ee Somaliland oo kalla ah:

Gudi
1- C/kariin Ahmed Mooge
2- Maxamuud Cali Muuse
3- Eng. Maxamed cabdi xusen
4- Amiin C/laahi Xaashi
5- Cali Maxamed Saalax (Cajab) Telesom
6- Maxamed Axmed Maxamuud Barwaani
7- Xasan Xiis (Dahabshiil)
8- Axmed Ismaciil Aflax
9- Maxamed Xuseen Axmed
10-Faadumo Siciid Ibraahim
11- Axmed Muxumed Madar


Share
651269