Player Profiles

Kooxda Kubada Gacanta Ee Dahab Shiil

 

NBA News

  • New York Knicks star Kristaps Porzingis says the team's fans should show? Anthony will play at Madison Square Garden on Saturday night for the first time since he was traded from the Knicks to the Oklahoma City Thunder in late[…]

    Read more...
  • Gregg Popovich Pays Tribute To Craig Sager Chris Paul Scores 28 In Win vs. Spurs | December 15th, 2017 Chris Paul scores 28 points on 10-18 shooting to go along with 8 assists and 7 steals for the Rockets. 11 minutes ago

    Read more...

Other sports news

  • 'Lewandowski would be perfect for Chelsea' Former Blues player and coach Ray Wilkins believes the Polish forward would be a fine addition in January, but doubts a transfer could be arranged

    Read more...
  • Real Madrid transfer news: The latest & LIVE player rumours from the Bernabeu Goal summarises the biggest transfer talk involving Real Madrid as Zinedine Zidane prepares for the January transfer window

    Read more...
  • Transfer news: The latest rumours from Man Utd, Chelsea, Arsenal and all the top teams Goal takes a look at the biggest transfer stories from the Premier League, La Liga, Serie A and beyond

    Read more...
  • Chelsea transfer news: The latest & LIVE player rumours from Stamford Bridge Goal summarises the biggest transfer talk involving Chelsea as Antonio Conte looks to build on his title success in his second season in charge

    Read more...

Maanta oo lagu dhawaaqay liiska ciyaaryahanada xulka Somaliland iyo tababareyaashii wadi lahaa

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Cabdi Siciid Faahiye, ayaa wakhti uu khilaaf ba'ani regaadiyay Wasaaradiisa, maanta ku dhawaaqay liiska ciyaaryahanada xulka Somaliland iyo tababareyaashii wadi lahaa.

Magacaabista Ciyaaryahanadda iyo tababareyaashooda oo uu kaga dhawaaqay xafiiskiisa, ayaa waxa hareero fadhiyay masuuliyiin tiro badan, kuwaas oo aanay ka dhex muuqan xidhiidhka kubadda cagta Somaliland iyo waliba Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaruhu.

Wasiirka oo ka hor magacaabista hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa cadeeyay in khilaaf ba’ani uu ka dhex taagan yahay isaga iyo agaasimaha guud.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aniga iyo Agaasimaha guud khilaaf uu naga dhexeeya, runtiina aniga iyo isagaba waxaanu hayna xil qaran, waxaana ku joogna Magacaabis Madaxweyne, balse waxa xusid mudan in aniga mar qudha la iga maqal khilaaf ayaa naga dhexeeya Agaasimaha, Saxaafadna kamaan hadal, balse Agaasimuhu isaga ayaa laga haya khilaaf ayaa naga dhexeeya Wasiirka Saxaafadana isaga ayaa ka hadlay”.

Mar uu ka hadlayay tartan orodka ah oo ay ciyaaryahano reer Somaliland ahi ka qayb galeen waxa uu yidhi “Tartankii orodka caalamiga ah ee ay Somaliland ka qeyb gashay ee ka dhacay dalka Jabuuti waxa uu ahaa tartan runtii inaga dan iyo horumar inoo ah, waayo waxa aynu ka gaadhanay kaalin aad u fiican, waxaynu galnay kaalinta 16-naad, waxaana xusid mudan inaynu ka horeynay wadamo badan oo beesha caalamka laga ictiraafsan yahay, qaabilaad iyo soo dhawayn wacana waanu ka helnay Dawladda walaleen ah ee Jabuuti oo runtii si wanaagsan noo qaabishay, waxaana rajanyaya in sanadkan danbe aynu meel wacan gaadhno, sidoo kale waxa aanu isku dayi doona in orodyahanadeenu ku soo ordaan buuraha Sheekh iyo Ceerigaabo, buurahaas oo runtii joogoodu sareeyo kuna waanagsan orodka”.

Wasiirka oo ka hadlay khilaafka ba’an ee soo kala dhex galay Isaga iyo Agaasimaha ayaa waxa uu yidhi Dhinaca mar uu Wasiirku ka hadlayey khilaaf kale oo soo kale dhex galay isaga iyo xidhiidhka kubada cagta ayaa yidhi

“Wasaaradda Ciyaaruhu iyada ayaa dajisa Nidaamka iyo Siyaasada ay ku hawl galayaan xidhiidhadu, wadankeenuna beesha caalamka wali kamuu helin Aqoonsi Fifina inama caawisa, balse halkii ay xidihidhadu ay naga caawin lahayeen ayey anaga wax na waydiinayaan, xaqiiqdiina Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka ciyaaraha kubada cagtu waxa ay ku dhaqaaqeen waxyaabo aan loo baahnayn, waxa ay shaqo joojin ku sameeyaan Xoghayihii xidhiidhka kubada cagta, waxayna ku tilmaameen Tuug, markii aniga xilka la ii magaacabay ayaan xilkii ku soo celiyey, dhinaca kalena aniga waxa ay ii geysteen aflagaado aad u badan waxayna xitaa yidhaadeen waxaanu doonayna in koobkii goboladu fashilmaan, cadeymana waan u haya, waxaana u gudbiyey Xeel ilaalinta, waxayna barteen imika inay ku meerstaan Xirsi iyo Wasaaradda Duulista iyo Hawada si wax loogu qabto, balse dhawaan doorasho ayaan qaban doona aynu ku doorano xidhidh aqoon iyo karti leh”.

Wasiirka oo ka hadlay Xulka kubad cagta ee Qaranka Somaliland ee la magacaabay ayaa yidhi “Maanta waxa aan halkan ka cadeynaya in aan si rasmiya u magaacay Xulkii Kubada Cagta Somaliland oo runtii aanu ka soo xulnay koobkii gobolada ee dhawaan qabsoomay, waxaana tababare u noqonaya Fu’aad Dhabo oo ah khabiir in badan ku soo jiray kubada cagta, wey jiraan ciyaaryahano badan oo aad u fiican oo laga tagay kuwaasna waxaan leeyahay suga fursadiina. Dhinaca kale waxa jira tartan kubada koleyga ah dhawaan ka dhici doona dalka Yugaadha oo la inagu marti qaaday, tartankaasna waxa inooga qeyb gali doona Kooxda Kubada Koleyga ee Maroodi-jeex oo iyagu heysta horyaalkii kubada koleyga Somaliland”.

Dhanka kale la taliyaha Wasiirka Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasin oo isna Shirkaas jar’iid ku wehelinayey Wasiirka oo halkaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay tartankii orodka ee ay Somaliland ka qeyb gashay, waxaanu yidhi “Tartankii orodka ee aynu ka qeyb galnay kana dhacay Jabuuti waxa uu inoo ahaa fursad qaaliya, waxaana loo baahanyahay dadaal iyo xilkasnimo dheerad ah, waxaana reer Jabuuti is la qaateen in haddii ay Somaliland ay kaalinta kowaad gasho in calankeeda la weeynayo astaanteedana la soo bandhigo, balse waxa aan rajaynaya in taasi dhacdo sanadka danbe haddii ALLE idmo”.

Liiska Ciyaartoyda K.Cagta Xulka Qaranka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

1: C/riyaad Bashiir Cabdi Gobolka: M/jeex : Weerar Afka Hore

2: C/fataax Cismaan Xuseen ( Shanbidhiidho) Gobolka: M/jeex : Difaac Dhexe

3: Maxamuud Cabdi Xasan (Goofindha) Gobolka: M/jeex :Weerar baal Bidix

4: Sharmaarke Fu’aad Cali (Xamari) Gobolka :M/jeex : Weerar baal Midig

5:- C/kariin Maxamed Xirsi (Guji) Gobolka : M/jeex : Dhex

6: C/risaaq Maxamed Jaamac (Carab) Gobolka : M/jeex : Goolhaye

7: Haybe Good Hure Gobolka: Hawd : Weerar baal Bidix

8: Cawil Maxamed Cilmi Gobolka: Hawd :Weerar

9: Xamse Axmed C/laahi (Fabrigas) :Gobolka Hawd: Dhex

10: C/qani Saleebaan Caynaan (Yuuyo) : Gobolka Hawd: Goolhaye

11: Liibaan Maxamed Axmed (Sisco) : Gobolka Awdal : Weerar

12: Muxuyadiin Ducaale Diiriye (Muxiyo) : Gobolka Awdal: Dhex

13: C/samad Ibraahim Maydhane (Ina Saqadhi) Gobolka Awdal : Difaac

14: Ibraahim Siciid Daahir Gobolka Awdal : Difaac

15: C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Xuduur) Gobolka Saaxil : Difaac

16: Jaamac C/laahi Cawad (Marayare) Gobolka Saaxil : Dhex

17: Farxaan Maxamed Axmed Gobolka Togdheer : Weerar

18: C/risaaq Xasan Jaamac ( Gadhle) Gobolka Togdheer ; Difaac

19: C/salaam Faarax Jaamac (Dhiidhiyo) Gobolka Sool : Dhex

20: Axmed Cabdi Cismaan (Dabahaye) Gobolka Sool : Weerar

21: Ibraahim C/raxmaan Saalax (Meesi) Gobolka Sanaag : Weerar

22: Maxamed Axmed Xaashi (Culay) Gobolka Sanaag : Weerar

23: C/raxmaan Jaamac Muuse ( Dhay Lo’aad) Gobolka Gabiley: Difaac

24: Cumar Cali Cismaan (Jirfac) Gobolka Gabiley : Dhex

25: Sakariye Cali Cige (Diiko) Gobolka Gabiley : Dhex

26: Guuleed Xasan Muxumed Gobolka Gabiley : Weerar”.

Madasha uu Wasiirku kaga dhawaaqayay magacyadda ciyaaryahanadda xulka Somaliland iyo waliba tababareyaashooda ayaanay goob joog ahayn xidhiidhka kubadda cagta somaliland iyo waliba agaasiamha guud ee Wasaaraddaasi, kuwaas oo khilaafkan hadda dib uga curtay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha uga hadhay in ay markhaati ka noqdaan wakhtigii uu shaacinayay wasiirku tartanka ciyaaraha goboladda.

Khilaafka Masuuliyiinta Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa noqonaya markii labaad ee dibadda uu uga soo baxo Wasaaraddaasi, waxaana todobaadkii ina dhaafay ay wasiiradda Madaxtooyadda iyo ganacsiga Somaliland cadeeyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjari doono.

Webmaster Somal Sports

Share
651284