Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Ciyaarihii Goboladu Ma Waxay La Mid Noqdeen Doorashadii Dalka? Print
Tuesday, 06 April 2010
 Runtii Qofkasta oo ciyaartow ahaa oo mar uun u saftay gobol ka tirsan Somaliland, kana qayb qaatay ciyaaraha Gobolada xiisaha iyo boholyowga uu qabo waa mid aan la hilmaami karin, waa mid dhalinyaro badan oo kala gobola ahi

ay isku bartaan isku waydaarsadaan fariimo, akhiirkana dhalisa in goboladaasi ay noqdaan kuwa is yaqaana.


Waxaan akhriyaya warbixin ku saabsan malinta biyaha aduunka taas oo runtii laga xusay mela badan oo  Somaliland ka mid ah  oo ay ka mid tahay burco runtii waxay ahayd xaflad si fiican losoo agaasimay oo ay ka qayb galee bulsha waynta reer burco  waxaa lagu cusay oo la soo bandhigay ciyar lagu maamuusayay malintaas waxay igu noqotay wax layska ilaawo in dhalin yarada la maaweelioyaa waayo burco waxay tahay meelaha badan ee kubada laga xiiseeyo  kolay ma garan karo wakhti aan odhan karo tartan ciyaareed baa burco ka socda amase lawadaa qorshahiisa taas oo aan odhan karo waxaa ugu wacan wasaarada qaabilsan ciyaraaha Somaliland oo noqotay meel layskaga  qaato mushahar waxan jeclaystay in aan sualo kooban u soo bandhigo bulsha waynta Somaliland.

 

 

 

Wa maxay Sababtay wasaarada u qaban wayday tartankii gobolada?

 

Maxaase hortaagan ee u sabab ah?

 

Waa maxay farqiga u dhaxeeya wasaarada ciyaaraha iyo wasaaradaha kale?

 

Maxayse qabataa wasaarada ciyaarahu maxaase u qorshaysan hadayba shaqayso?

 

 Yaa u sabab  ah  dhalinyarada ku sii badanaysa cunista qaadka  Daraagiska iyo tahriibta ?

 

maah maah Somaliyaa waxay tahay  nin walalkii la hadlayaa yidhi ( heeblow hooyadiin ma ku ogayd indho la'aan, haa buu yidhi Dad qalnimona ku darsatay ) dawladeenii wakhtigu ka dhamaaday dhalinyaradiina wakhtii ka dhamaysay .

 

Waxaan odhan karaa dawlada hada jirtaa wax kasta way la fadhiisatay haday noqon lahayd horomarinta dalka dadka iyo dadka mustqablka ku lahaa dalka iyo diintaba

 

 Dawlada Somaliland waxay noqotay mid uun dadka ku jeedisa waxaynu haysanaa nabadgelyo  lakiin aan wax qaba kale haynin  waxa inaga maqan nabada sidaan uga faa'iidaysana  hadaan dib wax idiin yara xasuusiyo dalkii aynu ka go'ayna ee la odhan jiray Somalia waxad arkaysaa iyadoo dagaalo iyo dhiig ku daadanaayo hadana  ciyaarahii way wadaan  waxaa is waydiin leh  maxaa inaga  inoo diiday in aynu dadkeena iyo dalkeena iyo nabadeena ka faaiidaysano oo aynu hore uga socono Nabad baynu haysaana, Nabadi waa tii suurta galisa in la shaqaysto in la dhisto dhaqaale, ciyaaro iyo waxkasta oo nololi uu baahan tahay. Balsle waxaynu u dabranahay Nabad.

 

Waxaan hadalkii ku soo gookabaaya anigoo jecel in aan bal hada dadkayga qaaliga ah ee iga aqoonta badan hadalka wax ka siiyo dalkii  Ceelna uma qodna Cidina uma maqna aan ahayn dadka yaree fara ku tiriska ah ee aqoontya leh ee maanta ku kala firiirsan dalkii iyo dadkii. In ay ka doodaanka arimiyaan in dalkan Ciyaarihii gobolada dib loogu soo celiyo loo agaasimo si heer sare ah oo dhalinyaradu ay kaga faaiidaystaan cududooda wax tarkooda,dhaliyaana fikrad cusub oo wax tar u leh jiilasha hada jira.

 

Waxaanan soo dhawaynayaa in dooda Ciyaaraha gobolada laga furo dhamaan saxafada Somaliland oo ay noqoto wax dadka lagu wacyi galiyo in la balaadhaayo barmaamijkaasi. Noqdana mid dawlada cadaadis lagu saaro in ay qabato oo ayna noqon ku mid kaga mashquusha dano kale.

 


 


Xusen Wacaf


This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it


Dublin


Ireland

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!