Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Ciyaaryahanka wayn ee Reer somalilnad C/Raxman Cumar axmed (Awga) oo shalay ka Fadhiistay Ciyaaraha Print
Wednesday, 10 March 2010

 Ciyaar lagu Maamusay C/raxman Cumar Axmed (Awga) oo ka Fadhiistay Ciyaraha kubadbada  Cagta ayaa  Lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta eeTradis-ka  Ciyaartaasi oo ay ka soo qayb galeen

Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad,Hogaanka Saadka Ciidamada Maxamed Baaruud Jaamac, Hogaanka Qorshaynta Booliska Aadan Axmed Maxamed,Hogaanka Wacyi Galinta Booliska Muxumed Xaaji Soofe iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa dardaan dheer uga jeediyay kooxda Booliska Somaliland, isaga oo ku dheeraaday amaan badana usoo jeediyay C/raxman Cumar axmed iyo halka uu kooxda booliska soo gaadhsiiyayy.

Taliyuhu waxa uu ku booriyay dhalinyarada kooxda booliska inay kaga daydaan C/raxman Akhlaaq wanaaga iyo heerkii uu ka gaadhay kubada cagta, ugu danbayntiina waxaa mahadnaqay kooxda booliska iyo dhamaan masuuliyiintii kale ee ka soo qayb galay.

C/raxman Cumar Axmed (Awga) oo ka mid ahaa Xulka Kooxda Booliska Somaliland, ahaana Kabtankii kooxda ayaa lagu sagootiyay Ciyaar saaxiibtinimo oo ay kuwada ciyaareen labada kooxood ee Booliska Somaliland, Kooxda ka fadhiisatay Ciyaaraha iyo Kooxda Da,yarta Booliska hadda ku Ciyaarta.

Ciyaartaasi oo ku  dhamaatay 1-0 ay Guushu ku raacda Kooxda Da,yarta Booliska, ciyaartaasi oo ku dhamaatay Degenaansho iyo Jawi  aad u wanaagsan.

Awgu waxaa uu ka mid ahaa Ciyaaryahanada Ugu Cadcad Kooxda Booliiska Waxaanu ka soo qayb qaatay kooxo kala duwan oo ay ka mid ahaa Kooxdii  Xulka Qaranka Gabiley balse waxa qayb kala duwan ka soo qaatay horumarinta Ciyaaraha Somaliland iyo  Isku  xidhka Kooxaha Heerka koowaad ee Somaliland gaar ahaana Kooxda Booliska oo uu Horumar la taaban karo Gaadhsiiy.

Ugu danbayntii C/raxman Cumar oo shalay lagu sagootiyay Ciyaayrtaasi iyo Munaasabada uu kaga Fadhiisanayray Ciyaaraha Somaliland ayaa ku soo gabo gaboobay jawi aad u wanaagsan.

SAWIRADA DAAWO

 

 

 

 

 

Mustafe Future

Timacade News Network (TNN)

Hargeisa/Somaliland

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!