Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
''DA'YARTA SOMALILAND MUSTAQBALKOODU WAA CAYAARAHA FUDUD'' ORODYAHANKA REER SOMALILAND EE U ORDA DAL Print
Wednesday, 15 October 2008

Waraysi Khaas ah:Sample Image
Orod yahan Reer Somaliland ah
Maxamed F
aarax (Mo Farah)

Maxamed Faarax oo ku magac dheer (Mo Farah),waa Orodyahan Reer Somaliland ah isla markaana jecel inuu arko Orodyahano Somaliland ah oo caalamka ka matala Wadanka Somaliland garoomada caalamiga ah, waxaana uu imika ku sugan yahay magaalada Hargeysa, isaga oo joogi doona muddo hal todobaad ah. 

Maxamed Faarax- oo ku dhashay-23 March 1983 Magaalada Gabiley Hadana haysta dhalashada Wadanka Ingriiska ayaa waxa uu degan yahay magaalada London wuxuuna u ordaa Newham and Essex Beagles iyo England. Mo wuxuu soo dagay ingriiska sanadku markuu ahaa 1997. Waxa ka helay haybadiisa orod macalinkii u dhigayey fiisikiska oo la odhan jiray Alan Storey iyo Mark Rowland, intabadana Mo wuxuu qiraa in macalinkaas uu qayb weyn ka yahay xirfadiisa orodyahan. 

Mo inta badan wuxu ordaa 3000m iyo 5000m. Guulihisii ugu waaweynahaa waxaa ka mid ahaa. 2005 European Indoor Athletics Championships- 3000m Lixaad buu galay 2006 European Cross Country Championships- Gold medal (bilada dababka ee lambar wanka ayuu badiyey) 2006 European Championships in Athlectics - 5000m Silver medel (labaadka ayuu galay) 2006 Commonwealth Games - 5000m ( Kaalinta Sagaalaad ayuu galay) 2007 World Championships in Athletics - 5000m (kaalinta lixaad ayuu galay). 

Maxamed ayaa yidhi “ haddii aan isku dayo in aan shacabka reer Somaliland is baro, waxa aan ahay nin dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland, laakiin waxa aan dhalasho labaad ka haystaa dalka Ingiriiska, waxaana aan ahay Orodyahan inta badan dalkaas u orda”.

Taariikhdayda ciyaareed horaantii waxa isoo gacan qabtay oo orodka igu dhiiri geliyay Macalinkayga, waxaana ii suurto gashay in macalinkaygaasi uu igu daray koobabkii.

Maxamed Faarax waxa uu sheegay in ciyaraha uu ku soo dhex jiray muddo 13-sano ah, waxaanu tilmaamay in saddexdii sano ee ugu danbeeyay uu ka gaadhay guulo la taaban karo waxaanu xusay in guul iyo guul daraba uu u soo diyaargaroobay isaga oo arrintaa sharaxaad ka bixinayana waxa uu yidhi "Muddo 13-sano ah ayaan ciyaaraha ku soo dhex jiray, balse saddexdii sano ee ugu danbeeyay ayuunbaan noqoday nin ilaa heer caalami ah, oo dalka Ingiriiska uga qaybgala ciyaaraha orodka, intii aan ciyaaraha ku soo jirayna waxa aan gaadhay guulo la taaban karo" 

Maxamed Faarax waxa uu tilmaamay in guulo muhiim ah uu ka gaadhay ciyaaraha isaga oo sheegay in sanadkii 2006-dii uu ku guulaystay orodka 3000km, isaga oo arrintaa sharax kooban ka bixinayana waxa uu yidhi "Sanadkii 2006-da waxa aan guul ka gaadhay orodka 3000 iyo 5000-kun ee tartamada loo qabto dalalka Reer Yurub, waxaanan waxaanan aad ugu faraxsanahay in aan noqdo ninka haysta horyaalka Yurub ee orodada 3000 iyo 5000-kun" ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Dhanka kale ciyaaryahankan ayaa sanadkan ka mid ahaa xidigii nasiibka u helay in uu ka qayb galo ciyaarihii Olympic 2008 ee lagu qabtay dalka Shiinaha, nasiib daro waxa uu sheegay in aanu wax guul ah ka gaadhin ciyaarahahaas isaga oo sharaxaad ka bixinayana sidii ay ciyaarahaasi ugu dhaceen waxa uu yidhi "Waxa aan nasiib u helay in aan dalka Ingiriiska u metelo ciyaarihii Olympic-ga ee sanadkan lagu qabtay dalka Shiinaha, waxaanan ahaa ninka xaga orodka ugu dheereeyay ee markii sidaa siidhiigii loo afuufay hogaanka u qabtay orodyahanadii kale, balse mar danbe ayay orodyahano iga da' weyni xirfad iyo xeelad igu dhaafeen, laakiin waxaan odhan lahaa maan yaraysan"

Moh Faraha isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray in ciyaaraha Olympic-da ragga uu la tartamaayay ay ka mid ahaayeen ciyaaryahanada kala ah Keninisa Bekele iyo walaalkii.

Dhanka kale ciyaaryahankan ayaa sheegay in dhinaciisa uu halgan dheer ugu jiro sidii ay Somaliland beesha caalamka uga heli lahayd ictiraafkii ay xaqa u lahayd, waxaanu intaa ku daray in sanadihii hore uu ahaa nin dhalin yaro ah balse wixii maanta ka danbeeya uu talaabo dhinaca horumarka ah u sii qaadi doono.


Geesta kale ciyaaryahankan ayaa sheegay todobaadyada uu joogo Somaliland uu tartamo ka qaban doono gobolka Gabiley, waxaanu xusay in in uu bilado ku bixin doono.

Ugu danbayntiina waxa uu sheegay in sanadaha dambe ay u qorshaysan tahay in Somaliland uu ka furo xarun aad u weyn, taas oo uu ciyaarayahano badani ka soo bixi doonaan. 

Maxamed Faarax wuxuu aad ugu rajoweyn yahay Olympic 2012 ee London, hadii alleh idmo in uu guulo fiican ka soo hoyn doono madaama lagu qabanayo magaaladiisa

 

Diyaariye:
Maxamed Cismaan ( Dube)
Hargiesa, Somaliland


 

 

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!