Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Kooxda Old Stars oo 3 iyo 0 Kaga adkaaday Kooxda Berbera Print
Saturday, 03 April 2010

 Somal Sports: BerberaSafar Dalxiis iyo Kulan Ciyaareed isugu jira oo ka dhacay gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, waxa halkaasi ciyaar aad u xiiso badani ku dhex martay laba kooxood oo ka kala socday, Koox Hargeisa ah iyo Koox Berbera ah,

 

Kulankaas oo galinkii danbe ee jimcihi 2/04/2010, 5:00pm ka dhacay garoonka way nee magaalada Berbera, waxay ciyaartaasi ku bilaabmatay jawi aad u wacan,

 

Halfkii hore ee ciyaarta ayaa waxa Kooxda hargeisa u suurto gashay in ay laba gool ku husadaan shabaka kooxda Barbara waxaana labadaa gool u kala dhaliyay Kooxda Hargeisa,  Samiir oo goolkii hore u saxeexay kooxda hargiesa, halka ka labaad uu u isna u saxiixay Kooxda Hargeisa, Iid Jibriil.

 

 

Half kii danbe markii la isku soo laabtay Kooxda ku ciyaaraysay Berbera ayaa waxay la soo galeen dardar intii hore ka badan, waxayna isku dayeen in ay shabaga kooxda ka socotay hargiesa mar uun taabsiiyaan balse uma aysan suurto galin in ay wax gool ah ka dhaliyaan, gabagabadii ciyaarta ayaa waxa kooxda hargiesa u suurto gashay in ay goalkii sadexaad ka dhaliyaan kooxda berbera, halkaasina waxay ciyaartii guusha ku raacday Kooxda ka socotay Hargeisa oo Kooxdii Barbara kaga adkaatay 3 iyo 0.

 

Diyaariye :Director

Somal Sports

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!