Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
OGAYSIIS: Shirweynahii Sannadlaha Ahaa Ee Ururka Togdheer Abroad Foundation (TAF) Oo Ka Dhici Doona Print
Thursday, 17 December 2009
 OGAYSIIS: Shirweynahii Sannadlaha Ahaa Ee Ururka Togdheer Abroad Foundation (TAF) Oo Ka Dhici Doona Magaalada Shefield 19/12/09 oo ku began Sabti

Dhammaanba Waxaa la ogaysiinayaa dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalka boqortooyada Ingiriiska in Shirweynahii sannad-laha ahaa ee Ururka mutadawaciinta Togdheer Abroud Foundation (TAF) uu ka dhici doono magaalada Sheffield ee gobolka Yorkshire ee waqooyiga England taariikhdu markay tahay 19/12/2009 oo ku began maalin sabti ah, waxaana Ururku ay u debaal degi doonaan guusha ay ka gaadheen mashruucoodii ugu horeeyey ee dhismaha Cisbitaalka Maandheeye ee cudurada dhimirka laguna daweeyo dadka qaba xannuunada maskaxda.

Waxaanu si gaar ah u ogaysiinaynaa dhammaanba dadweynaha ku dhaqan waqooyiga iyo badhtamaha dalka ingiriisku inay shirweynahani ka soo qayb gallaan, waxaana ajandaha shirku noqon doona sidii horaba caadada u ahayd in la kobciyo lana sii xoojiiyo fekerka horumarinta iyo mutadawacnimada gobolka Togdheer ee jamhuuriyadda Somaliland.

 Waxaanu sidoo kale ka codsanaynaa dhammaanba dadweynaha reer Somaliland ee jecel horumarka dalkooda iyo dadkooda inay nagala soo qayb gallaan isla markaana waxaanu gacmo iyo qalbi furan ku soo dhawaynaynaa fekerkooda iyo taageeradooda dhaqaale ee lagu horumarinaayo dalkeenii hooyo. Ururka TAF waa urur kheyri ah oo u halgama horumarka arrimaha bulshada ee Somaliland gaar ahaana gobolka Togdheer. Waxaanu idinka rajaynaynaa inaad shirkaasi nagala soo qayb gashaan.

 

Bashiir Maxamed Kaahin
Gudida Qaban-qaabada Shirka
 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!