Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
SEMENYA OO DALBATEY MAGDHOW DHAN 138 MILYAN OO DOLLAR Print
Monday, 21 December 2009

 Scandinavia Caster Semenya oo ah gabadh u dhalatey wadanka K/Afrika, oo ku guuleysatey tartanka horyaalka oradka ee 800m ayaa waxaa ay maxkamad soo taageysaa Hogaanka ciyaaraha fudud ee aduunka iyo hogaanka ciyaaraha fudud ee K/Afrika waxaaney dalbatey lacag magdhow ah.

Caster ayaa waxaa la fashiley oo la faafiyey iney tahey labeeb, sharafteedana meel ayaa lagag dhacey inkasta oo ay hogaanka ciyaaraha fudud ee aduunku sheegeen iney u daayeen biladii dahabkii oo ay safan karto ciyaaraha hadana wey joojisey orodadii ,niyad xumo ku timid awgeed, Hogaanka K/Afrika ayaa iyaguna ogaa iney gabadhani kala dhimantahey balse may ogeysiin waxaaney arintaasi galaafatey hogaamiyahoodii oo la casiley.

Arintan ayaa dunida oo dhan aad looga hadal hayey Barlamaanka K/Afrika, siyaasiyiinta dalkaa ilaa Qaramada midoobey ayaa wax badan ka doodey habka arxan darada ah ee loola dhaqmey gabadhan dada yar mustaqbalkeediina loo xumeeyey.

Caster waxaa u doodaya qareen halis ah oo sas ku ridey labada hogaan horena uga guuleystey hogaanka aduunka  mar ay maxkamad ku kulmeen,Semenya ayaa rabtaa in ay Hogaanka Ciyaaraha fudud ee aduunku siiyaan magdhow dhan 120 milyan oo dollar, ka K/Afrikana waxey ku oogtey iney bixiyaan 18 milyan oo dollar.

Caster Semenya markii la qiimeeyey dacwadeeda iyo meel ka dhicii lagu sameeyey waxaa la isku waafaqey iney ugu guuleysan doonto dacwadan si fudud.

Qareenka ay qabsatey ayaa waxaa ka walaacsan hogaaanka Ciyaaraha fudud ee aduunka oo ka boqaaya inuu waxyaalo badan soo faqo oo uu sumcadooda dhaawaco waayo waa la iska wada dareensan yahey sidii xumeyd ee yartan loo galey oo dadka qaar ay u aaneynayaan iney cunsuriyad salka ku heyso, hogaanka aduunka iyo ka K/Afrika waxey rabaan iney la hadlaan Samanya oo ay lacag magdhow ah siiyaan iyadoon maxkamad la geyn ma ka yeelidoontaa weeyi su’aashu.

 Semenya ayaa waxaa la rabaa in lagu sameeyo qaliin oo la dhameytiro gabadhnimadeeda, caafimaad ayaana ugu jira, lakiin waxey qaadan doontaa in sidaa la yeela ilaa labo sano qarashka ku baxaayana waxaa hore u balan qaadey hogaamadan ay hada dacweyneyso.

 

Dhacdooyinka Caalamka iyo HadhwanaagMedia

J Halkaraan

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Scandinavia Flen

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!