|
Anigoo aad u jecel cayaaraha Somaliland aadna la iiga badiyo dhanka taariikhda ayaan hadana isku dayayaa in aan wax yar ka soo qaato si aan u iftiimiyo bal inta karaankaayga ah si aaynu iskugu waafaqno waxyaabaha caqabadaha ah ee ina hortaagan.
Saxiibayaal walaalayaal waxaa xaqiiq ah intii ka horeeysay xoriyadii in dalka laga jeclaa cayaaraha sida kubadda cagta ,xeegada, volly ballka oo aay u badnaayeen cayaarahaas Ardaydii waagaa iyo ciidamadadii ingriiska u shaqeeynayay,sikastaba dadka iga dada weeynaa ee goobjooga ahaa waagaa ayaan inta badan wareeystay waxaana loo batay in kubadda cagta aad loo jeclaa Hadaba anigoo aan ka gayoonaayn inaan taariikhdaas dheer galo waxaan u gudbayaa dulacda qormadaaydan oo aan uga gun leeyahay taageeradaan u hayo markaan maqlay in la sameeynayo ama la magacaabaayo Haa,yadda olymbikada qaranka oo aan ogahay in aay muhiimad u tahay sportiga hadii la aasaaso,hadaba waxaan filayaa in aan dadka inta badani aayna fahansanaayn waxa la yiraahdo olymbic qaranka. Hadaba waxaan isku dayayaa in aan sharaxo shaqada olymbiga iyo wada shaqeeynta aay la lahaanayaan xidhiidhada iyo olymbiga. Dalada Olymbikada Dal aan lahaayn Haay,ada Olymbikada oo ah dalada kulmisa noocyadda cayaaraha ma tiigsan karaan horumar mana laga yaabo in aay ka badbaadaan burbur soo wajaha sida aaynu maanta ka sawiranaayno saaxadda sportiga iyo bahda cayaaraha oo aad moodo in khilaaf soo foodsaaray,Hadaba waxaa haboon in la isla eego sidii aay ku iman lahaayd haaydaasi ama daladaasi oo aan qabo in faaiido mooyee khasaare aanay keenaayn,waxaana ku kulmaya xidhiidhada cayaaraha ee wadanka ka jira iyo ururada cayaaraha kuwa jaamacaddaha iyo dhakhaatiirta sportiga,iyo haweeynka sportiga ururadooda kama madhnaanayaan goboladda,waxaana halkaas ka baxaaysa is maandhaafkan maanta jira ee ragaadinaya cayaaraha waxaana hawshu ka fududaanaaysaa wasaaradda wixii dhaqdhaqaaq cayaareedna aay olymbigu dhaqaajinayaan .Waxaana fududaan lahaayd wax kastoo la isku qabsado in lagu kala baxayo sharciga cayaaraha oo qoran olymbiguna uu hagayo inkastoo xidhiidh waliba uu dhinaciisa xor u yahay. Qaabka wada shaqeeynta ee Olymbikada, Xidhiidhada iyo Wasaaradda waxaa qeexaya xeer hoosaad waxuu cadeeynayaa wixii an dastuurku aanu qeexin waxaa goaan ka gaadhaya Gudiga olymbikada qaranka xeer hoosaadka iyo shuruucda lagu maamulayo sidaa daraadeed waxaan halkan ku qeexayaa qaabka wada shaqeeynta iyo olymbikada ,xidhiidhada iyo wasaaradda.Gudiga olymbikadu waxaay diyaarinaaysaa shuruucda iyo dastuurka somaliland national olymbic commety,sidoo kale waxaay ka qaaybqaadanaaysaa shuruucda lagu maamulayo cayaaraha kala duwan iyagoo sameeyntooda ku ilaalinaya Xidhiidhada kala duwan ee cayaaraha. -Gudiga Olymbikada waxaa si toos ah u hoos imanaya xidhiidhada sports ee cayaaraha dalka.sidaa daraadeed dacwadaha xidhiidhku ku qancin kari waayo naadiyadda khusaayso waxa uu naadigu xaq u leeyahay in si sharciga waafaqsan uu u soo talaabo gudiga olymbikada waxaana lagu qeexi doonaa shuruucda iyo xeerarka aay soo gudbiyaan xidhiidhadu. -la xidhiidhka caalamka dhinacyada sporti -diyaarinta tababarada kor loogu qaadayo aqoontooda sida Tababarayaasha,garsoorayaasha,maamulada xidhiidhada iyo maamulka ururada sports ee gudo iyo debedba. -Dhiirigelinta ,taakulaaynta iyo lashaqeeynta xidhiidhada sports ee kala duwan. -Diyaarinta baahiyaha sports ee kala duwan iyo wixii khuseeya arrimaha sportiga. -qaabka loo maamulayo dakhliga ka soo baxa garoomada waxaa diyaarinteeda leh gudiga Olymbikada isla markaana waxaa si wada jira u ansaxinaya xidhiidhka ,olymbikada iyo wasaarada. -Diyaarinta war bixin sanadeedkae ee hawlaha sportiiyo xidhiidhada ayagoo la kaashanaya xidhiidhada kala duwan. Xidhiidhadda -Xidhiidhku waa u madax banaan yahay fulinta qorshaha sporti oo uu ka helo olymbikada. -Xidhiidhka waxaa hoos imanaya Garsoorayaashiisa,waxaa kaloo si toos ah u hoos imanaya Maamuladda Naadiyadda kala duwan ee u diiwaan gareeysan. -Wixii khilaafaad soo dhexgala Xidhiidhka waxaay u soo gudbinayaan Gudiga Olymbikada isla markaana waxaay la socodsiinayaa hawlaha sporti ama activity ee aay wadaan. Wasaarada -Wasaaraddu waxaay taakulaayn iskaashi iyo wada shaqeeyn la yeelanaaysaa Gudiga Olymbikada Qaranka. -Wasaaraddu waxaay hubinaaysaa lana soconaaysaa hawlaha isports ee Olymbikadda iyo xidhiidhadu wadaan. -Diyaarinta tigidhada cayaaraha kala duwan waxaana jaraya shaqaalaheda, olymbiga ito xidhiidhadu waxaay leeyihiin goob jooge. -Wasaaraddu waxaay leedahay wixii talo ah ee kor loogu qaadayo horumarinta isportiga waxaayna kala shiraaysaa gudiga olymbikada qaranka. -Wasaaraddu waxaay hagaysaa siyaasadda guud ee cayaaraha dalka . Hadii qaabkan lagu dhaqmi waayo waxaa hubaal ah waxa maanta socda ee aad arkaayso in la isku riixayo yaa burburinaya cayaaraha waanan wada ognahay sida maanta lagu shaqeeyo oo aan waafaqsanaayn shuruucda cayaaraha caalamka sinaba hadeey sidaas tahayna ma gaadhi karno mana raadin karno xuquuq kasta oo la heli lahaa ama la waayi lahaa. waxaan anigu ku soo koobayaa hawshaas cad ee hadii la waayo lagu dambeen doono inteen ka baxaa meel alla,bahweeynta cayaaraha Somaliland, wasaaradeeda,Odayadeeda, Xidhiidhadeeda, Ururadda dhalinyaradda ee cayaaraha iyo cid walba ee daneeynaatsa sportiga somaliland waxaan u soo jeedinayaa in aay isu tanaasulaan oo loowada hawlgalo si aaynu horumar ku hiigsano la iskana kaashado waayaaragnimada qof walba leeyahay lana tixgeliyo rayiga qofka iyo ta wadareedba. Waxaa iga talo ah 1-In la abuuro siminaaro la isku waaydaarsanayo aaraayada si loo tixgaliyo qofwalba oo talo haya ama dood qaba taasoo keenaaysa is afgarad iyo is fahan bahda cayaaraha Somaliland. 2-In cayaaraha aaynu ka soo bilaabno dugsiyadda lana soo celiyo xiisadihii isportiga si dugsiyada looga soo bilabo tartanada. 3-in xidhiidhadda cayaaraha kala duwan aay marka hore soo bandhigaan kooxaha aay maamulaan ee membershipka ah hadii kale xiriirkaasi ansax manoqonayo ayadoonay jirinba cidii aay mathalayeen. 4-In loo saaro Guddi ka soo tala bixiya sida loo hormarin karo cayaaraha oo aanay noqon talo meel kaliya ka soo jeeda waxaan ula jeedaa in aay noqotaa talo loo dhanyahay oonay ruuxna oran anagaa ka maqan. 5-In la qoro lana dhamaaystiro sharuucda cayaaruhu ku hawlgalayaan si looga ilaaliyo is qabqabsi(olymbikada) N.B waxaan xasuusinayaa akhristayaasha in aan deg deg u qoray ee aay iiga dul qaataan hadaan hilmaamay waxyaabo aay ahaayd in aan soo qaato. Xassan waraabacadde Wabilaahi Tawfiiq Gudoomiyaha Horumarinta cayaaraha Somaliland.
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|