Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Wasiirka Ciyaaraha Oo Masuuliyada Rabshadii Stadium-ka Hargeysa Ka Dhacday Dusha U Saaray Xisbi Print
Tuesday, 13 April 2010
 Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha   Somaliland, Md. Maxamuud Siciid Maxamed, ayaa caawa  xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ku eedeeyay inay masuul ka yihiin rabshado galabta ka dhacay Garoonka kubada cagta Hargeysa Stadium

, ka dib markii uu Joojiyay Tartan Ciyaareed oo Axadii ka furmay garoonkaasi oo ay maal galiyeen xisbiga KULMIYE.

 

Wasiirka Ciyaaraha  wuxuu nasiib darro ku tilmaamay tartanka xisbiga KULMIYE soo qaban qaabiyay waxaanu Wasiirku sheegay in  rabshad garoonka ka dhacay uu ku dhaawacmay Caaqil Cabdi  Iimaan oo marayay agagaarka Garoonka Hargeysa Stadium halka ay dhaawacyo kalana soo gaadheen  Ciidamo kale.

 

Md. Maxamuud Siciid wuxuu xisbiga KULMIYE dusha u saaray wax uu ugu yeedhay masuuliyada wixii halkaasi ka dhacay waxaanu yidhi “Ciyaaruhu waa xil gudashadayada qaran Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha haddii aanu nahay xisbiga KULMIYE oo aad moodo inaanay shaqadoodiiba garan, waxay yidhaahdeen waxaanu khasab ku qabanaynaa  wax ay ku sheegeen Tartan   oo ay Hargeysa Stadium ku qabanayaan.markii aan arrintaasi ogaanay ayaan joojiyay oo waxaanu nidhi ha la joojiyo tartankan. Xidhiidhadii ciyaaraha oo dhan baanu wada hadalnay wax sharci ah oo ay u haystaanna ma jirto.”

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waa wax laga yaabo in xisbi mucaarid ah oo dalka doorasho  ka rabaa uu illaa xad kala go’ayn dhalinyarada ku sameeyo, oo uu qabiil iyo xisbiyo u kala saaro ma doonayno. Markii KULMIYE aanu ku nidhi waxba kama jiraan tartankane’e joojiya ayay fowdo sameeyeen. Hawshan iyada ahna Niman Xildhabaano ah  ayaa ku jira warbixinta oo dhanna waxa haya Booliska.”

 

Wasiirku wuxuu u soo jeediyay ciyaartoyga iyo shacbiga inay midnimadooda iyo nabadgelyada dalka ilaaliyaan.

Wareerkii halkaasi laga sameeyay ee ay askarta shiidayeen rasaastii lagu kala kaxeeyay, waxa ku dhaawacmay nin caaqil ah, waxaan leeyahay haddii KULMIYE sidan wax ku sii wadaan inay fowdo badan dalka gelinayaan. Waxaanu leenahay dhalinyarada iyo ummadda ka daaya sidan oo u tudha. Maalinta codka la gaadho nin kastaa isagaa codkiisa leh ee inta ka horaysa dadka ha kala qeyb qeybinna,”ayuu yidhi Wasiirkaasi oo hadalkiisa ay ka muuqatay xamaasad xoog lihi isla markaana aad u xiiqsanaa.

 

 

 Xigasho

Hadhwanaagnews

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!