| Xulka qaranka gobolka Awdal oo Si Rasmiya ugu anbabaxay Dalka |
|
| Tuesday, 11 May 2010 | |
|
Munaasabadan ayaa waxaa lagu sogootinayaa, Xulka qaranka ee Gobolka Awdal, kaas oo ka heleen Marti qaad rasmiya Dawalada Jabuuti,Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay, Wasiirka dhalinta iyo ciyaaraha jamhuuriyada Somaliland Mudane:Maxamed Saciid,Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta ee Jamhuuriyada Somaliland,C/rashiid Caydiid, isuduwaha wasaarada dhalinyarda iyo ciyaaraha gobolka Awdal, C/wahaab yuusuf Ibraahim , tababaraha xulka qaranka gobolka Awdal, Samaroon C/laahi, Naasir Cismaan(gaariile) , C/laahi Saciid(Awliyo) ,gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal, Nuur Sugaal iyo marti sharaf kale oo fara badan oo ka soo qayb galay sagootintan caawa.
Waxaa ugu horeyn halkaas ka hadlay, isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka,mudane C/wahaab Yuusuf Ibraahim, waxa uu soo dhaweeyay waftigan heerka wasiir ah,oo uu hogaaminayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, waxa sidoo kale uu umahadnaqay dawlada Jabuuti iyo sida wanaagsan ee ay codsigoodii uga aqbashay, waxa kale oo uu dardaarmay, dhalinyarada la soo ciyaari doonta Xulka qaranka jabuuti, sidoo kale waxa uu umahadnaqay walaalihii qurba jooga ahaa ee iyagna gacanta ka gaystay, u anbabixida dalka jabuuti,.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay, gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal Nuur Sugaal, waxa uuna ku soo dhaweeyay Wasiirka Maxamed Saciid.wasiirka oo hadalka qaatay ayaa yidhi aniga caawa farxad aan la soo koobi Karin ayay iitahay, waxa aanan ku dardaarmayaa xulkan heerka qaran ah ee ka tagaya gobolka Awdal, inay huwan yihiin shaadhkii gobolkooda iyo kan jamhuuriyada somalilandba, waxaana looga baahan yahay in ay had iyo jeeraale la yimaadaan, anshaxwanaagsan, akhlaaq iyo ciyaar wanaag, waxa uuna u rajeeyay guul aan la soo koobi Karin inay kala soo hoydaan.waxaa sidoo kale uu u mahadnaqay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dalka jabuuti, marwo xasna waxa uuuna sheegay in ku mahadsanyihiin aqbalaada ay na aqbashay iyada iyo dawladeeduba,waxa kale oo fariin u diray madaxwaynaha dalka jabuuti, Mudane Ismail Cumar Geele, waxa uuna yidhi inaga ayaa is xigna, ee bal dhinacan iyo Somaliland u soo jeeso somaliya waad ku daashee.
Ugu danbayn halkaas waxaa hadal koooban ka so jeediyay, tababarah Xulka Qaranka ee Gobolka Awdal. Samaroon C/laahi Taas oo kula dardaarmay dhalinta caawa safarka u ambabaxaysay, inay muujiyaan Karti, dadaal, iyo dulqaad, waxa uuna sheegay inuu isagu raacayo, cid walbana la socon doono, cidii la timaada anshax xumana talaabada sharciga waafaqsan ka qaadi doono.
Tan iyo intii la soo afjaray khilaafaadkii u dhaxeeyay gudiga ciyaaraha gobolka Awdal, waxaa soo noqotay rajadii iyo horukicii dhinaca ciyaaraha ee gobolka, waxa ayna noqonaysaa safarkani kuu noociisa oo kala ah, oo xul ka socota Somaliland gabi ahaanteed, waxaana suura galiyay , isku duubnida iyo kala danbaynta gudiga heer qaran ee gobolka Awdal dhinaca ciyaaraaha, oo ay hormood u ahaayeen, Samaroon C/laahi, iyo C/wahaab Yuusuf Ibraahim oo la odhan karo waa laba shakhsi oo buuxiyay kaalintii xaga ciyaaraha ee gobolkan Awdal, horumarkan la taaban karana u soo hooyeen gobolkan Awdal gabi ahaantii waxaana rajaynaynaa inay soo hoynayaan guul wax ku oola haduu alla idmo.
Reporter: C/qaadir C/laahi Awxuseen(Ilko) Xigashi Borama News |
| < Prev | Next > |
|---|






















