|
BILAWGA CIYAARAHA GOBOLADA, BURBURKA KA MUUQDA GAROONKA H.STADIUM IYO AAMUSNAANTA WASIIRKA CIYAARAHA |
|
|
Tuesday, 14 October 2008 |
|
Qalinkii:- Maxamed Cismaan ( Dube) Haatuf News Reporter Hargeisa, Somaliland
iyadoo wakhtigii ay Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaarahu u qoondaysay bilawga koobka gobolada dalka ay ka hadhsan tahay wax ka yar 20 maalmood ayaa hadana waxa ay gol dalooyin badani ka muuqdaan diyaar garowga loogu jiro tartankaasi. Arimaha ugu waaweyn ee ay sida weyn u hadal hayaan dadka ciyaaraha ka falanqeeya ayaa waxa ka mid ah dayaca ka muuqda garoonkii lagu qaban lahaa ciyaaraha ee Hargeysa Stadium.
Qaab ahaan Garoonkan oo ah garoonka ugu weyn ee ay Somaliland leedahay, ayaa hadana Inkasta oo uu muuqaalka garoon leeyahay, haddana marka aad gudihiisa gasho ay ishaadu aad u diidaysaa fool xumada muuqaalka garoonka, waxaanay naftaadu isweydiinaysaa talloow miyaanay ciddina dan ka lahayn, maxay qabanaysaa wasaaradii loo xilsaaray dayactirka goobaha ciyaaraha ee dalku?.
Marka aad gasho garoonka Waxa dunsan qayb ka mid ah gidaarka ku wareegsan garoonka, waxaana lagu xidhay ood, Waxa jajaban saqafkii saarnaa qayb ka mid ah garoonka ee loogu tallo galay in martida khaaska ah (VIP) ay fadhiisato xilliyada ciyaaruhu ka socdaan,Waxa baaba’ay shabag dadka lagaga xidhay madasha kubadda lagu ciyaaro oo dhowr sanno ka hor la sameeyay, sidaa darteed hadii tusaale ahaan qof maskaxda ka xanuunsanayaa uu soo galo garoonka waxa uu si toos ah ugu tegi karaa ciyaaryahanada garoonka ku jira waxaanu u geysan karaa waxyeelo. Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo iyadu si toos ah masuul ah uga ah garoonkan oo ay u dhamaystiran yihiin nidaamkii wasaaradeed isla markaana miisaaniyada dalka qayb ku leh, iyada oo ay intaas u dheer tahay caawimooyin joogto ah oo ay ka hesho qurba jooga reer Somaliland ee ku kala nool daafaha dunida ayaa hadana wasaaradani ay tahay mida ugu tayada xun wasaaradaha dalka. waxaana fadhiidnimada Wasaaradda ciyaaraja waxa ugu horayn laga dareemi karaa garoonka kubadda cagta ee Hargeysa.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sababta uu wax uga qaban la’yahay tayada xumada wasaaradiisa ayaanu dhowr jeer oo aanu booqanay xafiiskiisa aanay noo suurto gelin inaanu la kulano. garoonkii kubadda cagta ee Hargeysa, ayaanay noo suurto mid ka mid ah ciyaaryahanada sida joogtada ah ugu ciyaara garoonka Hargeysa Stadium oo magacisa la yidhaahdo Axmed ayaa yidhi “Wasaaradda ciyaaruhu waxba kama qabato dhibaatooyinka haysta ciyaaraha dalka, teeda kale wasiirka ciyaarah waxaanu aragnaa marka ay ciyaaraha goboladu bilaabmaan ee ay wasaaradu urursanayso lacagta xayaysiiska shirkadaha garoonka isku xayaysiiya, markaa anagu um haysano inuu ninkani wasiir yahay iyo inuu dilaal yahay”.
Si kastaba ha ahaate, garoonkii kubadda cagta ee Hargeysa Stadium wuu baaba’san yahay, waxaana fooda inagu haya tartankii gobolada dalka, markaa waxa la gudboon cid kasta oo ka naxaysa garoonka Hargeysa Stadium iyo dayaca ka muuqda guud ahaan ciyaaraha dalkeena inay iskeed isku xilqaanto oo aanay waxba ku halayn wasaaradda ciyaaraha oo horeba u gabtay xilkii loo igmaday. |