| Barcelona Oo Amaah Ku Doonaysa Robinho |
|
| Sunday, 18 October 2009 | |
Barcelona ayaa doonaysa inay heshiis la gasho ciyaaryahanka Manchester City Robinho marka uu furmo xilliga kala iibsiga si amah inuu ugu yimaado , ka dibna heshiis ku badelaan si rasmi ah markuu horyaalku dhamaado, sida lagu helay warbixin
Kooxda Catalan xiisaha ay u qabeen horyaalka ka hor ayaa ciyaaryahanka Brazil u muuqatay inuu u wareegi doono Camp Nou, laakiin markii lagu guuldareystay in lala soo wareego , ayuu ku cadaadiyay inuu ka tago kooxda ka dhisan Eastlands bisha January. Marka la eego xidhiidha uu la leeyahay Mark Hughes iyo saameynta ay ku leedahay muddada dheer ee uu keydka ku jiray waxay meesha ka saaraysaa fursaddiisa ciyaaraha adduunka . sidaas darteed Robinho wuxu danaynayaa inuu iskaga tago kooxdiisa. Inkastoo warbixin la helay ay sheegayso in Barca diiyaarinayso lacagta ay sheegatay kooxda City ee gaadhaysa 36 million Euro, Euro sports ayaa sheegtay in Obama uu amaah ku tagi doono Barcelona. Barcelona waxay la wareegi doontaa mushaharka faraha badan ee ciyaaryahanka islamarkaana ay ku dedaalayaan inay helaan qoddob u ogolaan doono inay heshiis la galaan ciyaaryahanka marka uu horyaalku dhamaado. Robinho wuxu danaynayaa tegitaanka sababtoo ah wuxu si sharci ah ugu ciyaari karaa tartanka Champions League waxa kale ee uu doonayaa mar kale inuu ciyaaro habka ugu sareeya kaddib markii uu ka yimid Real Madrid sanadkii 2008 . Tababaraha Blaugrana Pep Guardiola wuu daneynayay inuu heshiis la galo ciyaaryahanka bidixda ka ciyaara intii aanu ku biirin kooxda City wuxu u muuqdaa mid aan xiisihii u qabay aan ka baabi`in.
|
| < Prev | Next > |
|---|






Barcelona ayaa doonaysa inay heshiis la gasho ciyaaryahanka Manchester City Robinho marka uu furmo xilliga kala iibsiga si amah inuu ugu yimaado , ka dibna heshiis ku badelaan si rasmi ah markuu horyaalku dhamaado, sida lagu helay warbixin















