|
Bari oo ku guulaysatay koobka Gobolada |
|
|
Sunday, 27 December 2009 |
Ciyaartoyda gobolka Bari ayaa shalaygalab si xarago leh u hantay horyaalka tartanka kubadda cagta ee gobollada Puntland.
Ciyaartii finaalaha ahayd ee dhex martay gobollada Sool iyo Bari ayaa waxaa ku guulaystay xulka kubadda cagta ee gobolka Bari kadib markii ay 2-0 ugu badiyeen xulka gobolka Sool ee iyagu sannadkii hore ku guulaystay koobta.Inkastoo oo aysan ciyaartu si caadi ah u dhammaan oo ay xulka gobolka Sool garoonka ka baxeen ciyaarta oo wali socota, laguna leeyahay labo gool, halka iyaguna ay aysan wax gool ah la imaan, haddana guddiga ciyaaraha ayaa ku dhawaaqay in uu guulaystay gobolka Bari sidaasna ay ku qaateen koobkii loo tartamayey ee ciyaaraha gobollada Puntland.Garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare ayaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo koobka lagu guddoonsiinayo xulka gobolka Bari horyaalka iyo billada ciyaarta.Waxaa xaflada goobjoog ka ahaa madax iyo mas’uuliyiin badan oo ka tirsan golayaasha dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin wasiirka dhallinta iyo isboortiga iyo xubno kale oo iskugu jira golayaasha dawladda, maamulka gobolka iyo midka degmada Garoowe iyo dadweyne aad u tiro badan Xigasho Salmaan Jamaal SiciidCiyaaro.com |