| Barmaamujkii cayaaraha koobka Africa ee ka socda wadanka Angola. |
|
| Sunday, 24 January 2010 | |
Cayaaraha koobka qaramada Africa ee ka socda wadanka Angola ayaa gaadhay heerkii isreeb reebka isla markaasna waxa isugu soo baxay sideed wadan oo ah kuwa la saadaalinaayo in ay yihiin wadamada ugu adag qaarada Afrika dhinaca kubada cadgta.
Waxaa soo baxay badiba wadamada Africa ee ka qayb qaadanaya cayaaraha koobka aduunka ee ka dhici doona dalka koonfur Africa sanadkan aan ku jirnoXulalka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah xulka dalka Angola iyo Ghana oo wada ciyaari doona maalinta axada ee bishu tahay 24/01/2010. Waxaa isla maalintaa axada wada ciyaari doona xulka dalka Algeria iyo Ivery coast. maalinta isniinta ee bisu tahay 25/01/2010 waxa wada ciyaari doona Masar iyo Cameroon cayaartaas ayaa iyadu waxay tahay mid aad u xaamasad badan waayo sanadkii hore ayay igu soo baxeen Masar iyo Cameroon koobka isla markaasna guushu ay ku raacday xulka dalka masar. sidoo kale maalinta isniinta ee 25/01/2010 ayaa waxaa wada ciyaaraya Nigeria iyo Sambia maalinta ugu dambaysa ee koobka ayaa waxay noqonaysaa maalinta khamiista ee bishu tahay 28/01/2010. Mubarik Farax Cali (Khabaash) Hadhwanaagnew.com |
| < Prev | Next > |
|---|






















