| Cabdisalan Caddaay Oo Lagu Daray Xulka Qaranka Norway |
|
| Wednesday, 13 May 2009 | |
|
Cabbdisalam isagoo yar ayuu tegay dalka Norway, isagoo u ciyaarayey koox yar oo la magac baxday FJELLHAMAR FK. isagoo 15jir ah ayaa loo magacaabay xulka qaranka da'da yar sanadka markuu ahaa 2006da. Abdisalam sanad ka dib waxaa soo iibsatay kooxda adduunka ugu lacagta badan ee MANCHESTER CITY FC. Bishii hore dhamaadkeeda ayuu ka ciyaaray garoonka weyn ay leedahay kooxda Arsenal e EMIRATES STADIUM, halkaasi oo lagaga badiyey. Bishan bilawgeeda ayuu ciyaartii labaad ee Arsenal kula ciyaaray garoonka weyn ee Manchester City Stadium halkaasi oo uu ka dhaliyey goolkii barbardhaca ee kooxdiisu ay heshay. 8-dii bishan May ayaa loo magacabay Abdisalam Abdulkadir Caddaay xulka qaranka dalka Norway ee 19 jirada. Xulka ayaa ka ciyaari doona is reebreebka cayaaraha yurub, dalka Fransiska taariikhda marka ay tahay 18ka ilaa 24ka bishan. Abdisalam waa wiil da'diisu ay aad u yar tahay intii uu xulka qaranka Norway ku jiray wuxuu u ciyaaray 25 ciyaarood, halka uu xulkiisa u dhaliyey 5 gool. Caddaay wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe, sanadkan wuxuu wacdaro ka muujiyay cayaaraha dalka ingiriiska ka dhaca ee akaademiga iyo reserve-ka Manchester city fc, isagoo u saxeexay 8 gool kooxdiisa. Abdisalaam Caddaay oo ka dhashay qoys sport-ga caan ku ah ayaa walaalkii oo ka weyn sanadkii tegay u ciyaaryey xulka qaranka somalida, waa Abdirashid Abdulqadir Caddaay. Aabaha dhalay Abdisalam waa Abdulkadir Ibrahim Cadaay wuxuu ahaa garsoore Caalami ah ee FIFA, ilaa iyo haddana wuxuu ka shaqeeyaa horumarka caruurta yar yar iyo sidii ay ugu soo biiri lahaayeen sportiga caalamka.
Diyaariye: Maxamed Dube |
| < Prev | Next > |
|---|






















