Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Ciyaar Xiiso badan oo Shalay Garoonka 31 may ku Dhex martay Kooxaha Dhalinyarada Cuslaatay ee Gabile Print
Sunday, 30 May 2010
 Ciyaar Xiiso badan ayaa shalay ku Dhexmartay labada kooxood ee Dhalinyada Culslaatay ee Hargeisa iyo Gabiley Garoonka 31may ee Magaalada Hargeisa,

Ciyaartan oo daba Socotay Ciyaar saaxiibtino oo hore labada kooxood ugu wada ciyaareen Garoonka Gabiley, Balse waxay mar labaad Ciyaar aad u xiiso badan shalay ku dhex martay garoonka 31may labadan kooxood.
Ciyaartaasi oo aad uxiiso badnayd Dhalinyarada Cuslaatayna ay isku dayayeen inay muujiyaan Ciyaar wanaagoodii baryo qaar ayaa shalay soo jiidatay Dadwaynihii Daawanayay Ciyaartaasi.
Ciyaartoyga laba kooxood oo badankoodu ka fadhiistay Ciyaaraha Somaliland ayaa dhiiri galin u samaynayay kooxaha da,yarta Somaliland si ay ugu dhiiradaan Sii wadadi ciyaaraha.

 

 

Ciyaartan ayaa ku dhamaatay hal Gool iyo eber oo ay Guushu ku raacday kooxda Hargeisa oo Goolka guusha U dhaliyay Ciyaaryahanka Wayn ee Samiir oo ka mid ahaa Dhalinyada ciyaaraha ka fadhiisatay.
Labada kooxood ayaa aad uxiisayaynayay inay Ciyaaro kale oo Saaxiibtinimo wada Ciyaaraan iyaga oo Wakhtiyo kale u balay inay Ciyaaro noocan oo kale ah ku wada Ciyaaraan Garoomada kubadda Cagta ee Gabiley iyo Hargeisa.

 

 

Gudoomiyaha Ciyaaraha Gabiley Maxamed Arts oo ka mid ahaa Ciyaaryahanadii Ka qayb galay shalay ciyaartaasi ayaa aad ugu mahadnaqay Labada kooxood sida ay isu xilqaameen iyo Ciyaar wanaaga ay muujiyeen.
Jawiga Ciyaarta ayaa ku dhamaaday Jawi farxadeed oo aad uxiiso galiyay dadkii ka qayb galay daawashada ciyaartaasi

Xigasho Gabiley News

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!