Dhamaan waan salaamay umada reer Somaliland meelkasta oo aad aduunka ka joogtaan,waxa kale oo aan salamaya shaqalaha labada shabakadood ee aan qoraalkayga u soo gudbiyo.
Waayahay,waxa dhici jirtey xiliyadii Ciyaraha Gobalada,1970-80,ee la ciyaari jirey,in is reebreebka labaad lagu qaban jirey magalada Muqdisho,waxa ay ahaayeen Ciyaaro aad iyo aad u xiiso badnaa,meel garoonka kubada laga fadhiisto lama heli jirin,Ciyaarahaas waxa ugu xiiso badnaa marka loo ciyaarayo,Waqooyi iyo Koonfur,had iyo goor Waqooyi waxa ka soo bixi jirey Hargeysa iyo Burco,koonfurna waxa ka soo bixi jirey Kismayo-Marka-Muqdisho-Jawhar,iyo magaalooyin kale. Waxaa aad u sii xiiso badnaa oo dadku aad iyo aad u xiiseen jireen marka ay isku soo baxaan (Burco iyo Kismaayo)oo runtii ahaa labo magaalo ee sanad kastaba soo bixi jirey,ciyaari jireyna Ciyaar aad u sareysa oo quruxbadan oo xamaasad iyo difoose badan wadatey,qaylada iyo kaftanka,ilaa intaan ciyartu bilaaban ilaa dhamadka,Garoonka la isma maqli jirin,foodhida iyo sacabka. Hadaba waxa ay magala Burco halhays weyn kaga tagtey Ciyaraha Gobalada,halhayskaas oo ahaa Ciyaari waa Galin danbe. Waxa jiri jirey in qeybta hore la isku dhaafi jirin 0-0,markaas ayey dhamaan reer Burco Goroonka qaylo ka bilaabi jireen iyo difoose xoogan,Ciyaari waaaaaa Galin Danbe Ciyaari waaaaaaa Galin Danbe,saadaaliskaas ay sheegayaan aya dhici jirtey,waxana Burco u ciyaari jirey laacibiin aad u orad badnaa,no-9 no-10 iyo no-11,ciyaarta galinka danbe wax badan ayey ka badali jireen,dhoor goorna guushii Ciyaraha Gobalada sidaas ayey ku Qaadeen Cup kii. Hadaba siyaasada doorashada Somaliland,ayaan ka arkay arinkan ah Ciyaari waa Galin danbe. Xisbiga (Ucid)aya la soo baxay arinkii reer (Burco)ee ahaa Ciyaari waa galin danbe,markii hore waxa qaylo badnaa labada xisbi ee kale (Kulmiye iyo Udub)hadase sidaan ka arko doorashada Ciyaartii waa ay is badashey,difoosayasha xisbiga (Ucid)waxa ay la soo baxeen ciyaar aad u quruxbadan qeybtii labaad,waxana ay leeyihiin Ciyaari waa Galin danbe sidii reer (Burco)waxa tas u sii dheer (Kitaabkii ALAH )ayey gacanta ku sitaan,xagii (Diintana)dadkii waa ay ka mareen,ka hadal arinkaasi mala dad badana runtii waa ay u soo jeesteen,sababtoo ah ku dhaqanka sida saxa ah ee Diinta ISLAMKU,waxa ay ka hortageysaa EEXASHADA-QABIILKA-MUSUQMAASUQA-SHAQO LA-AANTA,IWM,,waana inta ay hada dadku u gaajoonayaan ee ay doonayaan. Hadaba waxaan leeyahay walee Ucid Ciyaar xoogan oo quruxbadan ayey la soo baxeen,waana in la isku qiraa wanaga,anigu waxa aan ahay xisbiga Kulmiye,hase ahate waxa aad moodaa in xisbiga Kulmiye ay na qalin daareen,qolyihii ka soo jabay xisbiga UDUB,ee dadku ka cararayey,waxase aan leeyahay arinku waa siyaasad ragan Owrka aya lagu kacsanaya,marka talada uu qabto Kulmiye waxa hubaal ah ragan in ay ka baxayaan Daaqadaha,wax xil ahna aan loo dhiibeynin,markaa waxa aan leeyahay dadka ha niyad jabina,Siyaasaduna Saaxiibnimo joogtaa ma laha,waa dan,waxanse leeyahay xisbiga Kulmiye ciyaarta wax ha laga badalo,nimnkan Tuugtaana ha la iska ilaaliyo,ee xisbiga ku soo qulqulaya. Waxaan u hanbalyeynaya xisbiga Ucid ciyaarta cusub ee ay la soo baxeen inkastoo Ciyaartii aaney wali dhamaan,hadana waxa aan leeyahay waxa ay ku Ciyaarayaan Ciyaar Culus oo ku daysho mudan,dadka Masaakiinta oo Xoolo laa qalo Bariis iyo Hilib iyo shaah la siiyo waa arin Culus oo ajar leh Colooshii gaajoon runtii xisbigii wax ku rita ayey codkooda siinayaan,waana arinkan cusub ee ay la soo baxeen xisbiga Ucid,Ciyaari waa galin danbe,reer Burco na runtii ay ku qaadeen guulo badan,waxanse leeyahay yaanan ka hor dhicin Ciyarta,walina waa ay socotaa,waa inoo iyo 26 june Hadii ALAH yiraa,sidii roona ALAH ha ka dhigo,nabad iyo barwaaqo iyo kheyr dhamaan reer Somaliland,xisbigii guushu raacdana si calool wanaagsan ha loogu sacab tumo dhamaan xisbiyadu waxa ay wadaan waa wanaga iyo horumarka wadanka Somaliland,waad mahadsan tihiin. Khan Mohamed Farah. Vancouver Canada.
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|