| Fabio Capelo Oo Balan Qaaday Inuu Guul Kasoo Hoyn Doono Koobka Aduunka |
|
| Sunday, 18 October 2009 | |
Tababaraha layliya xulka Qaranka kubada cagta ee dalka ingariiska Fabio Capelo ayaa wuxu sheegay inuu guul kasoo hoyn doono koobka aduunka ee sanadka 2010 ka dhici doono dalka South Africa.
Hadalka kasoo baxay tababare Capelo ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay hamuun u qabaan wadanka Britain ku guulaysiga koobka aduunka , Capelo oo isagu ku faanaya ciyaartoyda uu xilligaani haysto xulka Ingiriiska sida Terry ,Gerarrad .Lampard ,Barry,Rooney iyo kuwa kale oo tayadooda aad u wanaagsan tahay . Balse waxa la sugaaba waa sida uu ugu dhabayn karo hadalkan kasoo yeedhay macalinkii hore ee kooxaha Roma,Juvantus,iyo Realmarid Fabio Capelo kaas oo ku saabsan ku guulaysiga koobka adduunka , wuxuna xusay in aan waxba loo arag guuldaradii ugu danbeeysay isreeb reebka koobka adduunka ee ay kala kulmeen xulka Ukraine . "Waan ku guuleysan doonaa koobka adduunka 2010 ,waxan ka mid ahayn kooxihi isreebreebka goor hore ka soo baxay waxanu haysanaa ciyaartoy karti u leh inay guuleystaan," ayuu sheegay Capelo oo intaasi ku daray ciyaaryahanada ka daxadaraan khaladaadka dhaawaca u keeni kara. Dhanka kale isla dalka Ingiriiska, naadiga Liverpool ayaa saami aad u badan waxa ka iibsaday shirkada F6. Hanti la wadaagaha kooxda Liverpool George Gillett safarkii uu ku tegay Saudi Arabia wuxu u muuqdaa inuu midho dhalay ee uu kula kulmay shirkadda maalgashiga ee F6 isagoo sheegay inuu wadahadalada lagu iibsanayo qeyb ka mid ah saamiga uu intiisa badan soo gabagaboobay. Amiir Faisal bin Fahad bin Abdullah Al-Saud oo ah madaxa shirkada F6, waxa jiray warbixino badan oo tibaaxayay inay wadahalado dhex mareen Amiir iyo Gillett oo socday todobaayadan . Tani waxay xaqiijinaysaa warar badan oo aan xaqiiqo ahayn oo sheegayay in Gillett diyaar u yahay inuu ka iibiyo saamiga uu ku lahaa Anfield Amiirka, sidaas daraadeed labada dhinac waxay sheegeen in wadahadalada u dhaxeeya labada nin inta badan la xidhiidheen aasaasidda xarunta brashada dhallinyarada ee Bariga Dhexe . Si kastaba ha ahate , Sky Sports News ayaa warinaysa in F6 ay soo saartay warbixin qoraaleedkan: " Wada hadalka ku saabsan inaan iibsano saamiga Liverpool waa ay socdaan. Kulamadana waa la qorsheeyay, waxaa laga yaabaa inay soo gabagaboobaan maalmaha soo socda."
|
| < Prev | Next > |
|---|






Tababaraha layliya xulka Qaranka kubada cagta ee dalka ingariiska Fabio Capelo ayaa wuxu sheegay inuu guul kasoo hoyn doono koobka aduunka ee sanadka 














