Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Ciyaar lagu Xusayay 18-ka May oo kulmisay Ciyaartoyga Cuslaaday ee Hargeisa iyo Gabiley. Print
Thursday, 20 May 2010
 Ciyaartan oo kulmisay Ciyaaryahanadii Waawaynaa ee hargeisa iyo Gabiley ayaa Shalay lagu Qabtay Gabiley Stadium Ciyaar Xiiso Badan oo Shalay lagu Xusayay Sanadguurada 19aad ee ka soo wareegtay Dib ula soo noqoshada Xornimada Somaliland ayaa Shalay ka Dhacday Gabiley Studium

Ciyaartaasi oo Kulmisay laba kooxood oo ah Dhalinyarro Cuslaatay oo ka kala socotay Hargeisa iyo Gabiley kuwaasi oo Ciyaari jiray kubadda Wakhtiyadii 1980-gii illaa 2000-kii.

Ciyaaryahanaddan oo isu jiray Dhaliyaro wakhti hore ugu Danbaysay kubadda iyo Qaar da,yar ah ayaa shalay Ciyaar aad u Xiiso Badan ku dhexmartay Gabiley, Ciyaartaasi oo ay Dadwaynihii ka qayb galay aad uxiisaynayeen, Dadwayanaha xiiseeya Ciyaarahana Qiimo Gaar ah ugu Fadhiday.

 



Ciyaartaasi oo ku Dhamaatay Baraajo 1-1 Gool ayaa waxaa u kala dhaliyay Goolasha, kooxda Gabiley oo uu Dhaliyay kayse Sooyaal halka kooxda Hargeisa uu u dhaliyay Cismaan Laba Qori.

 

 

 

Gudoomiyaha Cusub ee Ciyaaraha Gabiley Maxamed Arts ayaa Shalay soo dhaweeyay Ciyaartan ay ugu Talo galeen in lagu Xuso Maalinta Qarimada Somaliland 18-may iyada oo ay si wada jir ah usoo wada qaban qaabiyeen C/raxman Cumar axmed (Awga) oo ka mid ahaa Ciyaaryahandii ka fadhiistay Kubadda Cagta iyo Maxamed Arts oo ah Gudoomiyaha Cusub ee Ciyaaraha Gabiley.

 

Ciyaartan Shalay ayay isku Arkeen Ciyaartooyo kala Baaday Wakhtiyo horena Qaarkood isugu Danbaysay oo ay ka mid ahaayeen, Cabdi Cumar (Awga), Maxamed C/laahi, Mustafe khaddar, kayse sooyaal, Shabcaan Muxumed, mumin Daahir ,axmed Barre, iid jibriil, Fu,aad dhabo, Cismaan laba Qori, eng. C/qaadir, aamiin c/laahi xaashi. Oo dhamaantood ahaa Ciyaaryahano ka fadhiistay kubadda Cagta Somaliland.

 

 

Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Xigasho: Gabiley News

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!