| Gilardin Oo Gool Uu Gacan Ku Dhaliyay Lagu Ganaaxay |
|
| Tuesday, 18 November 2008 | |
Ciyaaryahanka weeraraka ugu ciyaara kooxda Fiorentina iyo xulka qaranka dalka Talyaaniga Alberto Gilardino ayaa laba ciyaarood inuu ka maqnaado horyaalka Talyaaniga lagu ganaaxay ka dib markii uu gool ganacata kaga dhaliyay kooxda Palermo.
Ciyaartan ayaa waxa ay dhex martay kooxda Fiorentina iyo Palermo iyadoo kooxda Fiorentina ay 3-1 ku badisay. Goolkii koowaad ee kooxda Fiorentina ay ku horaysay ayaa waxa u saxeexay xidiga Gilardino iyadoo garsoorihii ciyaartaasi uu ansixiyay jiritaanka goolkaasi. Hadaba Dhamaadkii ciyaarta ayaa cajalad laga duubay ciyaartan ay ku cadaatay in si ula kac ah uu Gilardino uu gacanta ugu laaday kubadda isagoo goolkana sidaa ku dhaliyay. Xaakinka ciyaaraha oo tixraacaya cajalada la duubay ayaa Gilardino ku xumukay inuu ciyaaraha ka fadhiyo muddo laba todobaad ah. Natiijada ciyaartan ayaa la sheegay inayna waxba iska bedelayn goolkaasina siduu uu garsooruhu u ansixiyay uu ahaanayo. |
| < Prev | Next > |
|---|






ganaaxay ka dib markii uu gool ganacata kaga dhaliyay kooxda Palermo.
Ciyaartan ayaa waxa ay dhex 













