Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Gobalka maroodi Jeex Hargeisa. iyo Xidigihii Bari samaad W.G.W Print
Monday, 26 January 2009

 Xassan Xoog iyo Camuuda labadan halyeey waa laba cayaaryahan oo walaalo ah waxaayna kala cayaarayeen Kubadda Kolayga oo uu Xassan Xoog cayaari jiray sanadihii dhamaadkii  todobaataneeyadii ilaa bilawgii sideetamaadyadii. 

waxaana uu ahaa halyeey u soo hooyay guulo badan gobolkii waqooyi galbeed haatana la yiraahdo maroodi jeex xassan waxa aay is afgarosho heer sare ah ka dhaxeeysay Cayaaryahankii weeynaa Cabdixakiim Sanyare oo marka aay weerararka ku jiraan khalkhalin jiray difaaca ka soo horjeeda.

Xassan Xoog oo xasuusgaara ku reebay dadka reer Hargeisa waxaa lagu xasuustaa sanadkii isagoo xamar sii joogay wargeysyadu ama jaraaidku aay qoreen gaar ahaan xidigta oktoobar maqaal dheeraa oo ahaa Xssan Xoog ma u safan doonaa sanadkan Waqooyi Galbeed.

Xassan oo aanay dad badani filaayn in uu cayaari doono maadaama uu joogay xamar ayaa ku biiray xulkii Gobolka Hargeisa oo markaas lagu soo dejiyay xaafadda Wardhiiglay waxaana farxad badan ku qaabilay taageerayaashii kooxdooda iyo xaafadii warta dhiiga.

Xasan Maxamed Xoore waxa aan kula kulanay Magaalada London todobaadkii tagay isagoo jooga xaflad aroos waxaana aanu idiin haaynaa wareeysi xiiso badan oo aan la yeelanay cayaaryahankii hore kubadda kolayga ee Hargeisa.waxaana aan idiin soo gudbin doonaa dhawaan wareeysigaas.

Camuuda oo isagana aan la yeelanay wareeysi waan idiin soo gudbin doonaa waana cayaaryahankii khadka dhexe ee wacdaraha ka dhigay cayaarihii gobolada bari samaadkii.

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!