Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Jaamacada Admas oo Qaaday Koobkii Nation-link University Cup. Print
Monday, 01 February 2010

 Tartanka Jaamacadaha oo in mudo ahba ka socday Caasimada Soamaliland, waxa maalintii shalay gagada Ciyaaraha ee Garoonka way nee Hargeisa Satdium isku haleelay labada kooxood ee u kala ciyaarayay labada jaamacadood ee Jaamacada Hargeisa iyo Jaamacada Admas.

Ciyaarta oo si toos ah u bilaabmatay abaaro 4:30pm galabnimo wakhtiga Somaliland, waxa ciyaartaasi kooxda Jaamacada Admas 1 gool ku hogaaminaysay half kii hore ee ciyaarta Kooxda jaamacada Hargeisa.

 

Waxa ciyaartaas shalay guushu halkaas ku raaday Kooxda Jaamacada Admas, halka Kooxda kale ee Jaamacada Hargeisa halkaasi ay kala hoyatay Guuldaro, sidaasna waxa Koobkaa Nation-Link Universty Cup lagu gudoonsiiayay Kooxdaasi Admas.

 

Waxa Ciyaartaas ka soo qayb galay Wasiirk dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Siciid, halkaasi waxa uu amaan u soo jeediyay Xidhiidhka kubada cagta iyo dhamaan Jaamacadihii ka qayb qaatay Tartankan intii uu socday, waxa kale oo uu ku amaanay Shirkada Nation-Link sida hagar la’aanta ah ee ay tartanka uga caawisay,

 

Waxa kale oo halkaas iyana ka hadlay wakiilada ka socday Jaamacadaha, waxayna carabka ku dhufteen in ay xidhiidhku si fiican u maamuleen intii uu tartankani socday, waxayna soo dhaweeyeen sida wanaagsan ee ay shirkada nation link uga qayb qaadatay maalgalinta tartankan, Tartanka oo mid noociiisa oo kale aan hore looga qaban dalka guud ahaanba.

 

Somal Sports Reporter

Hargeisa

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!