|
KOOB KUBADA CAGTA AH OO LAGU XUSAYA MARXUUN MAXAMED CADBI |
|
|
Wednesday, 02 December 2009 |
Kooxda kubada cagta ee Maxamed Somali ayaa ku guulaysta koob muddo ka socday garoonka kubada cagta ee Hargeisa Stadium, kaasi oo lagu xusayay Marxuun Maxamed Cabdi oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Triboli ee dalkaasi Libiya.
Koobkan oo ay soo qaban qaabadiisa ay iska lahaayeen kooxda kubada cagta ee Soltelco iyo tababarahooda Siciid Axmed Ismaciil (Siciid Ango) ayaa waxa gabagabadii isku arkay labada kooxood ee Gargaar iyo Maxamed Soomaali, labadan kooxood oo soo bandhigay ciyaar la wada jeclaystay isla markaana ay gacanta sare lahaayeen ciyaarahanada kooxda Gargaar ayaa waxa labadii qaybood ku dhamaatay barbaro 1 iyo 1, Waxaana aakhiirkii gool ku laad guushu ku raaday kooxda Maxamed Somali, gudoomiyaha qaban qaabada koobkan isla markaana ah tababaraha kooxda Soltelco Siciid Ahmed Ismaaciil ( Siciid Ango) oo markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay xubno ay ka mid ahaayeen Gud: dalada SONYO Mr Yahya, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Gud: Xidhiidhka Kubada Cagta, Gudoomiyaha shirkada Haboon Construction Company, Gud: shirkada Yogal Construction iyo xubno tiro badan oo uu sheegay in aanu la’aantood koobkani suurtogal noqdeen, waxa kale oo uu tababare Sicii Ango dhamaanba kooxihii kala duwanaa ee ka soo qayb galay tartankaas iyagana uga mahadnaqay sidii wacnayd ee ay u muujiyeen dedaalka iyo firfircoonaanta. Si kastaba ha ahaatee ciyaaryahankii lagu xusayay Koobkan oo ahaa Marxuun Maxamed Cabdi ayaa ka mid ahaa ciyaaryahanadii ugu akhlaaqda iyo edaabta wanaagsanaa, waxaana lagu xasuusan doonaa ciyaar wanaagii iyo hab dhaqankii fiicnaa ee uu rabi naxariistii jano ha ka waraabiyee kaga tagay garoomada kubada cagta ee Somaliland . Dhamaan kooxihii halkaasi ka so qayb galay, Maxadii kala duwanayd iyo Tababare Siciid ba waxa halkaasi ilaahay laagu baryay in uu Naxariistii jano Siiyo Marxuunka, sidoo kale waxa Bahda Shabakada Ciyaaraha ee SOMAL SPORTS iyada sidoo kale ay TACSI u dirayaan dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuunku iyo dhamaanba Bahda Sports ee uu ahaa dhigoogo waxaanan leehayan Samir iyo Iimaan alle ha idinka siiyo. Webmaster: Somalsports Source: Siciid Axmed Ismaaciil Hargeisa, Somaliland E-mail:
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
C/o: 00252-2-4116766 |